SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland, sidaas waxaa ku adkaystay Shirkadda Range Resources...

  • Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa...

  • Agaasimaha Range Resources, Mike Povey, waxa uu sheegay in uusan ogeyn wax dagaal ah oo ka dhacay Puntland.

  • Agaasimaha Range Resources waxa uu sheegay in dhawr qof oo gaaraya 20 qof  oo jooga Puntland ay kasoo hor jeedaan heshiiska Range Resources


Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 19, 2006 | isha: www.smh.com.au

Arrimuhu waa wanaagsan yihiin ama meel xun ayey marayaan – Waxa ay taasi ku xiran tahay qofka aad weydiisid. Sidaas waxaa ku bilowdfay warbixinta Jamie Freed oo ka tirsan Jariidada Sydney Morning Herald kuna soo baxay jariidadaas  caddadkeedii Isniin April 18, 2006, taas oo ku saabsan Puntland iyo shirkada Range Resources. Tarjumadii qoraalkaas ka akhri hoos..

Wararka ka imanaya Puntland, Dawlad Goboleedka Soomaaliya, ma ahan mid wanaagsan ilaa intii ay Range Resources ka bilowday baaritaanka macdanta iyo batroolka, dabayaaqadii bishii February (ee 2006).

Haddii ay tahay in la rumaysto ilaha laga helayo Soomaaliya, qiyaastii 10 qof ayaa ku dhintay iska hor imaadka u dhexeeya askarta daacada u ah madaxweynaha Puntland iyo qabiilka kasoo hor jeeda shirkada Australianka ah mashruuceeda baaritaanka.

rangeHalkii saami ee shirkadda Range Resource waxa uu suuqa Ganacsiga ee Australia ka joogaa 0.038 oo ah Centi oo Australian ah (Waa qiimihii April 12, 2006), sida shaxda hoose ka muuqata, shaxdaan oo an ka soo xiganey suuqa Ganacisga ee ASX.
Date Last % Change
12 Apr 2006 0.038 -5%
11 Apr 2006 0.040 -4.76%
10 Apr 2006 0.042 0%
07 Apr 2006 0.042 2.44%
06 Apr 2006 0.041 -2.38%
Isbarbar Dhig shirkada range Resource iyo shirakada Shidaalka baarta shidaalka ee Australia lag ayaqaan ee magaceeda la yiraahdo Woodside.
Halkii saami ee shirkadda Woodside waxa uu suuqa ASX ka joogaa $48.67 doolarka Australia (Xusuusnow in saamiga Range Resource uu ahaa 0.038 centi oo  Australian ah.

Waxaa kale oo xusid mudan in shirkadda shidaalka Baarta ee Australia ay dalka Liibiya ka baareyso Shidaal taas oo baareysa hal ceel oo qiimahiisu dhan yahay $US194 million oo u dhiganta 226 million oo lacagta Australia ah. Taas barbar dhig in shirkada Range Resource ay gebi ahaan dhul baaxadiisu dhantahay 212,500 Km oo labajibaaran ay kula heshiisey Puntland in ay bishiiba ka siiso $200,000 oo keliya, taas oo xitaa DGPL aysan qirsanayn in ay bil kasta hesho lacagtaas, laakiin shirkaddu ay ku celcelisey in ay bixiso bil kasta..
LIIBIYA IYO SHIDAALKA LAGA QODAYO SIDA UU UGA LACAG DUWAN YAHAY KAN PUNTLAND: Liibiya waxaa tegey shirkado la yaqaan, oo wata qalabkoodii baaritaanka, sida ka muuqata sawirka hoose.

Akhri halkan...

Isha: TheAge,

Askartaas ayaa ah kuwo waardiye ahaa ula socda Joolajiistayaasha Range Resources iyo shaqaalohooda una raacaya meelaha la qodaya. Laakiin guddoomiyaha Range Resources oo magaciisa la yiraahdo Mike Povey, waxa uu sheegay in aan hal qofna ku dhiman sabab ka dhalatay baaritaanka shirkaddu ay ka wado gobolka.

“Dawladdu waxa ay mar kasta isku daydaa in ay shirakadda difaacdo,” ayuu yiri Povey. “Waxa ay adeegsadaan ciidankooda… [kuwaas oo] hubaysanaan kara.”

Range Resources waxa ay bil kasta Dawladda sii saa $200,000 doolarka maraykanka (oo u dhiganta $274,725 doolarka Australia) taas oo qayb ka ah heshiiskii baaritaanka.

Povey waxa uu yiri, ogaanshahayga, dhibaatadii ugu weyney waxa ay ahayd isku day ay burcad isku dayday in ay dhacaan gaari alaab u sidey.

“Waxa kasta oo aad akhriday waxa uu ahaa wax laga badbadiyey,” ayuu yiri.

Xaaladda Range Resources, sida in badan oo ka mid ah shirkadaha qodaalka ee uu muranku ka dhasho meesha wax laga qodayo ee geeska kale ee adduunka, waxaa aad u adag in dadka maal gashanaya ay xaqiijiyaan xaaladda meeshaas ka jirta.

Waxaa taas bedelkeeda ah, in inta badan ay arrintu noqoto kelmeda shirkadda oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah hadalka dadka meeshaas deggan ama hay’adaha aan dawlada lahayn.

Xaaladda Range Resources, waxaa heshiisyo lagu kala saxiixday labada dhinac ee badweynta Hindiya laga soo bilaabo heshiiskii bishii October (ee 2005), kaas oo siinayey xuquuqda boqolkiiba 50.1% ee dhammaan macdanta iyo shidaalka Puntland. Markii ay shirkaddu heshiiskaas gashay ayaa waxa ay uu soo jiidey kooxo badan oo maalgashadaal ah – oo u badan ganacsadayaasha maalinleyda – ee Australia.

Range Resources waxa ay ku andacoodeen in shirkado baara shidaalka oo Maraykan ah oo ah Conoco iyo kuwo kale ay muujiyeen rajo wanaagsan ka hor intii aysan sida dhaqsaha uga bixin (dalka Soomaaliya) markii uu ka dhacay dagaalkii ahliga ahaa ee 1991.

Saamiyada Range Resources waxay kor u kaceen boqolkiiba 70 maalintii lagu dhawaaqay heshiiska (eeg shaxda midig oo muujineysa saamiga Range ee aan ka soo qaadanay suuqa Ganacsiga ee Australia). Inkasta oo aan wax shiidaal suuqa la geeyey hadda ka hor laga helin, Range Resources waxa ay rumaysan tahay in dhulka aan la baarin in ay kujiraan balaayiin (billions) ah fuustooyin oo shidaal ah – madaxdeeda sarena waxa ay heshiiskaas ku tilmaameen in uu inqilaab u yahay shirkaddan aadka u yar oo kale.

Laakiin isla mar ahantaas, heshiiskaas waxa ay in badan oo reer Puntland ah – iyo xitaa dowladda dhexe ee Soomaaliya – su’aalo ka keeneen sida ay shirkad aad u yar oo reer Australia ah u maaraysay in ay hesho xuquuqda gebi ahaanba dhulka baaxadiisu dhan tahay 212,500 kilomitir oo laba jibbaaran.

Wax yar ka dib markii heshiiskaan lagu dhawaaqay, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, waxa uu warqad u diray Suuqa ganacsiga ee Australia oo su’aal geliyey jiritaanka heshiiskaas. Waxa uu ku dooday in Dowladda Dhexe oo keliya ay xaq u leedahay in ay saxiixdo heshiisyada Baaritaanka macdanta ama qodaalka. Inkasta oo Puntland ay tahay dawlad goboleed, hadana caalamka oo ay ku jirto Dowladad Ausstralia waxa uu u aqoonsan yahay in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Toddobaadyo gudahoos, xurguftii Dowladda Dhexe waa ay yarehe qabowdey, waxana uu Cali Geeddi warqad u soo qoray Range Resources oo arrintaas la xiriirta, isla markiiba waxa ay shirkadu warqadii soo gelisey websitekooda.

Markii la gaarey Febraayo, Range Resources waxa ay bilowday barnaamijkoodii “hanweynida ahaa’ ee baaritaanka. Povey waxaa uu ka soo kicitimay Perth waxana uu tegey Dubai si uu uga ag dhowaado Puntland.

Shiradda Range Resources waxay markaas heshiis la gashay shirkad laga leeyahay Bariga dhexe oo kuwa shidaalka ah oo ay siineyso boqolkiiba 15% ee xuquuqda khayraadka (Puntland) taas oo ay ku bedelaneyso in ay hesho khubaro taqaan shidaalka, maalgelina u hesho ceelasha. MEPS waxaa maamula Tasmania's Ken Fellowes, oo markii hore hoggaamiyey arrintii markii hore lagu daatay, lakiin markii dambe khasaartay ee baarista Shidaalka ee Coplex sannadihii sagaashanaadkii (1990-naadkii).

Range Resources waxa kale oo ay kiraysatay ama shaqaalaysiisay nin joolajiiste ah oo khibarad u leh Afrika, Geoff Blackburn, OAM, si uu u hoggaamiyo kooxda baaritaanka.


Geoff Blackburn oo jooga Puntland | Sawirka: RR.

Kahor intii aysan Range Resources kooxdeeda dirin, dawladda deriska ah ee Somaliland ayaa soo saartay whadal aad u adag, taas oo uga digtey kooxda shirkadaas in aysan soo tallaabin xusuuda la isku haysto, si aysan u ‘carqaladayn ammaanka iyo deganaanshaha dhammaan Geeska Afrika.”

Inkasta oo taasi jirtey, haddana warbixinadii ugu horeeyey ee ka imaneyey Puntland waxa ay ahaayeen kuwo rajo leh. Wareegto ay Range Resources u dirtay suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) horraantii bishii Maarso (ee 2006), waxa ay Range Resources ku sheegtay in ay booqdeen meelo hore loo baaray ama meelo xusub oo rajo laga qabo in ay ku jiraan dhuxul-dhagax, lead, qalin iyo dahab.

Iyadoo wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australia (DFAT) ay ka digtey dhammaan safarrada Puntland iyo qaybaha kale ee Soomaaliya iyo iyadoo aysan halkaasi ka jirin Safaarado ay maamulaan  dawladaha Australia, Maraykanka iyo Britain, Range Resources waxa ay sheegtay in kooxdeedu in aysan la kulmin ‘wax caqab ah’ oo la xiriira xagga gaaritanka, ammaanka ama isku dubbaridka.

HADALADA IS BURINAYA EE GEEDDI
LABADA WARQADOOD EE ISKA HOR IMANAYA EE GEEDI KA QORAY SHIIDAALKA PUNTLAND


EEG WARQADII DIIDMADA


EEG WARQADII OGOLAANSHADA

Sida ay sheegtay Range Resources ma jiraan wax carqalad ah oo ka jira xadka oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, sida ay sheegtay qoraalka shirkaddu.

Laakiin dhawr toddobaad ka dib markii arrintaas ay shirkaddu ku dhawaaqday, Websiteyada Wararka Soomaalidu waxa ay sheegeen in aan rabshado ka dhex dhicin Puntland iyo Somaliland, laakiin ay ka dhex dhaceen Ciidamada Puntland ee difaacayey Range Resources iyo qabiilka ku nool xadka.

Maarso 29, 2006, hay’adda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in lix qof ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulada Majayahan taas oo u dhow xadka Puntland-Somaliland. Waxaa arrin cad ahayd in dagaalku u dhexeeyey ciidamada ammaanka Puntland iyo qabiilka Warsangeli, kuwaas oo xiriir la leh wasiiro Somaliland ah, oo lagu yaqaan ka soo horjeedsiga xuquuqda Range Resources ay ku baareyso Puntland.

April 3, 2006, websiteka wararka Puntland ee Garowe Online waxa uu weriyey in saddex qof oo kale ay dhinteen markii ay maleysiyada qabiilku weerareen ciidanka ammaanka ee Puntland ee difaacayey kooxda Range Resources isla aaggaas ay ka buuxdo macdanta loo yaqaan zinc (waa Majayahan).

April 9, 2006 Garowe Online waxa uu weriyey in uu dhintay ugu yaraan hal qof oo ka tirsan maleysiyada Puntland, ayna dhaawacmeen shan kale kaddib markii ay ku qaraxday miino meel u dhow isla tuuladaas (Majayahan). “Ilo lagu kalsoon yahay” ayaa websiteka u sheegay in qabiilka Warsangeli ay miino dhigeen jidka taas oo ka mid ah qorshaha la rabo in aaggaas laga hor istaago maleysiyada Puntland iyo Range Resources .

Povey oo ka tirsan Range Resources waxa uu yiri waa jirtey dhacdo la xiriirtey miino dhulka la dhigay, in kasta oo uusan hayn war toos ah oo arrintaas la xiriirta. Dawlad Puntland waxa ay uga digtey kooxdiisa baaritaanka samayneysa in ay jiraan miino dhulka la dhigay meelaha qaarkood.

Laakiin Povey  waxa uu sheegay in uusan ogeyn wax dagaal ah oo deegaanka ka dhacay. Kaddib markii ay toddobaadkii hore halkaas soo booqdeen, waxa uu ku andacoodey in Puntland ay tahay meel ku habboon baaritaanka. Kooxda Range Resources waxa ay sameeyeen qiyaas samayn la xiriirta halista oo ay ka sameeyeen Australia taas oo ay la socota warbixin madax bannaan oo ku saabsan xaaladda ammaanaka, taas oo aan weli la faafin.

“Waxaa naloo soo dhoweeyey si diirran,” ayuu yiri Povey. Oo intaas ku daray: "Ma jiraan wax muujinaya in dhibaato jirto.”

Sida uu dhigayo heshiiska Range Resources, waxa ay hadda siiyaan Dawladda  $200,000 doolarka Maraykanka bil kasta, waxana ay ugu yabooheen in ay ka caawinayaan dhismaha garoonka diyaaradaha ee caasimada Garoowe. “Waxaan aaminsan nahay in ay tahay meel ammaan ah oo la maal gashan karo,” ayuu yiri Povey. Waxana uu ku daray “Waxaan lacagtanada geliney meesha afkanagu yahay.”

Iyadoo aan la dhayalsan karin digniinta Autsrlia (DFAT) ay ka soo saartay safarka iyo in la tago aaggaa Puntland, awgeed waxaa adag si madaxbannaan loo xaqiijiyo dagaalka la sheegay in uu ka dhacay Majayahan.

Laakiin agaasimaha guud ee Jaamacadda Puntland State University ee Garoowe, Muxammad Sheikh Xaamid, waxa uu u sheegay jariidada Herald in, ilaa xadka uu ogyhay, ay ugu yaraan shan qof ku dhinteen iska hor imaadka la xiriira xuquuqda qoditaanka (macdanta/shidaalka).

“Waxaan u malaynayaa in beeshani ay rabtey in ay heshiiska ka hesho qaddar faa’iido ah,” ayuu ku yiri email.

Hormuudka Jaamacadda Puntland State University, CabdiSamad Ibraahim Jaamac, waxa uu ku racay in y jireen isku dhac u dhexeeyay qabiilka iyo xoogagga maleysiyada, laakiin waxa uu ku daray “in dhibatadii hadda degan tahay kaddib markii dadkii deegaanka ay maamulka Puntland u heleen xalka ku haboonaa.”

Maxammed Cilmi, oo deggan magaalada caasimada ee Boosaaso, Puntland, waxa uu website Soomaaliyeed ku qoray isagoo weydiinaya in heshiiska Range Resources ay Dawladda Puntland dib u qiimaysto si loo dhameeyo iska hor imaadka.

“Labada ciidanba waxay dardar gelinayaan maleysiyadooda, waxana ay isu diyaarinayaan dagaal. Taas oo u muuqata in ay sabab u tahay kooxda khubarada ah ee Range Resources ee joogta aagga,” ayuu ku yiri email uu u diray Herald bilowgii bishan (April 2006). “Govarnatooraha waxaa lagu eedeeyey in uu yahay hoggamiye musuq-maasuq kaas oo raba in uu si xoog ah uga macaasho khayradka dalka iyadoo la raacayo dhaqanka qabiilka halkas deggan

“Qabiilka Warsangeli, oo ah qabiilka halkaas deggan, kama soo horjeedo in baaritan aaggaas laga sameeyo iyo in macdan laga soo saaro, laakiin waxa ay ku adkaysanayaan in wax kasta oo la samaynayo lagu sameeyo ogolaanshahooda.”

Povey waxa uu soo kormeeray aagga muranku ka jiro – oo qiyaastii 40 Km u jira Boosaaso – taas oo qayb ka ahay booqashadiisii Puntland toddobaadkii hore.

Waxa uu yiri meeshu tuulo ma ahan, lamana deggana aagga – waa kaam ay macdanta ka qodi jireen Bulgarian intii aysan iskaga tegin qiyaastii 30 sano ka hor. “Waa buuro, laga huleelay,” ayuu yiri.

Povey waxa uu aaminsan yahay in dhawr qof oo gaaraya 20 qof  oo jooga Puntland ay kasoo hor jeedaan heshiiska Range Resources . “Waxaa weligeed jireysa xoogaa yar oo laga tiro badan yahay oo laga yaabo in ay ka soo hor jeestaan sababo kala duwan awgeed.” Ayuu yiri. “Ujeedadoodu inta badan waa in aan horumar la gaarin iyo mararka qaar in ay helaan uun lacag qalalan uun.” ayuu raciyey Povey.

Range Resources waxa laga filayaa in ay faafiso faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira barnaamijkoodii baaritankii ay sameeyeen dhowaanta – laga yaabee in ay ku soo daraan arrin la xiriira xaaladda siyaasadda – oo laga yaabo in ay maanta soo gaarsiiyaan suuqa ganacsiga ASX, taas oo xireysa ganacsigii la hakiyey Arbacadii hore.

Tarjumadii SomaliTalk.com
Isha: http://www.smh.com.au/

YAA SAX-SAN: Ma Dalwadda Puntland mise Shirkadda Range Resoureces:

Puntland waxay qirtay in dagaal ka dhacay meesha macdanta laga qodayey ee Majayahan, halka Range Resource ay ankirtay, sida ku cad qormada sare. Sidoo kale Range Resources waxay ka hadashay lacagta Muranka dhalisay ee ah $200,000 doolar oo ay cadaysay in ay bil kasta siiso dawladda Puntland. Dawlada Puntland waxay arrintaas lacagta ka tiri, iyo arrinta dagalka waxay ka tiri ka dhegeyso halkan.... .

Warkan dambe ee Range Resources, ee lacagta iyo arrimaha kale, weli dawlad goboleedka Puntland iyo Dawladda dhexe war kama soo saarin.

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2006

»Maxaa kalahasyta Godka Majayahan iyo Maafiyada Caalamiga ah!!.


  • "Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo...Halkan dhegeyso

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD