SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Warbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib 

Xafuun waa Magaalo aad u balaaran oo ku fadhida dhul aad u balaaran oo lagu qayaasay 40Km oo isku wareega, waxaa ay leedahay Hawo aad u wanaagsan waxaa ku dhow Magaalooyin la mid ah in kastoo Xafuun ay ku Jirto Jasiirad Wadadu mar u furanto Bariga marna ka xiranta oo Badu aysoo gasho marka looga baxayo dhanka Magaalada Foocaar. Magaalooyinka kale waxaa lagu kala gudbaa Doomo yaryar oo ay leeyihiin dadka ka shaqeysta Bada ee Kaluumaysatada ah waxaana ka mida magaalada Hurdiya, Xafuun Bada waxa ay ka Hooseysaa 14 dherarka Jooga Dhulka marka la cabiro. 

Hadii aan u soo Gudbo Dhibaatooyinkii ka dhacay Magaalada Xafuun ee Badgariirka oo ay ka Dhaceen Magaalooyin kale ku yaal Soomaaliya iyo Asia meelo ka mida ayaa hadana magaalada Xafuun ay ahayd meelaha ugu Daran Dhulka Soomaaliya, hadii aan idiin gudo galo waxaan ku soo arkay Xafuun Burbur isugu jira Guryo, Doomo, Shabaagaha Kaluumaysiga iyo Hanti kale oo Badan waxaa kaloo dhibatooyin ay soo wajahday Caafimaadka Dadka iyo Degaanka oo la,oran koro wax ayaa laga Qabtay hadana Baahi aad u wayn ayaa Jirta Xaga Caafimaadka. 

Anigoo Safarkayga ku weheliyay Hay'ad Samafal oo Kuwait Degan Gaarsiisay Degaanka Xafuun Shixnado Raashina kuwaas oo isugu jira Bur, Bariis yio Saliid oo ay ugu Deeqday Dadkii ay wax kugaareen Badgariirkii, Hay,ada oo ah tii ugu Horaysay ee ka socota Dowladaha Carabta ama Muslinka ee Gaarsiisay deeq Dagaankaa Dadkii ay Badu waxgaarsiisay sida ay Noosheegeen Maamulka Degaanka iyo Dadweynihii ku noolaa Degaanka Xaafuun. Hay,adaa ayaa waxaa wakiil ka ahaa Gaarsiinta Cunadaa Mr: Cumar Good, mar an wax ka waydiiyay in ay Deeqdaan mid lamid ah keeni doonaan ayuu ii sheegay in ay Rajaynayaan in ay soo gaarsiiyaan Daawooyin iyo Raashin ayna ka Qayb qaataan Dhismayaasha guryihii Burburay, Ceelashana ay wax ka qaban doonaan 

Waxaan wareesiyo kala duwan la yeelanay Dadkii Degaanka oo ay ka Mid ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Xafuun Abshir Cabdi Taangi oo isgu ah Nin aad ugu Damqanaya Dhibaatooyinka Gaaray Dadka iyo Xaalada Caafimaad ee ay ku sugantahay Degaanku, waxaa kaloo aan waraysi la yeelanay Hooyo Dhibaatadii ka dhacday Xafuun ku Wayday Odaygeedii iyo Cunug ay dhashey, waxaa kaloo aan waraysanay Nin saarnaa Bada mudo 5 Casho ah oo isagoo Suuxay ay baddu ka soo Tuurtay Degaanka Bayla oo ka mid ah Meelaha ay Dhibtii Badgariirka wax yeelaysay Ninkaa ayaa waxa uu ku waayay Walaalkii oo uu lasaarnaa Doon Bada gudaheeda xiligii Badu ay fatahday. 

Dhibaatada ka dhacday ayaa waxaa ka mid ahaa Mucjisada awoodaha Illaahay ee muuqday Xili lagu tukanayay Masaajid ka mida Masaajidada ku yaal degaanka Xafuun oo aan dhib saa u wayn Gaarin lakiin Guryihii iyo Dukaanadii u dhowdhowaa ay Burburisay Biyaha Bada. 

Waxaa iyagana gaarsiiyay Raashin iyo Daawo Hay,ad South afrika ah oo Muslina iyagoo Dhaqaatiir la socotay ay Daweeynayeen Dadka ayna Dhaqaatiirtu Ogaanayeen Cudurada ugu badan ee ay Dadku la liitaan si ay u soo badiyaan Dawada looga Bahan yahay. 

Dhanka Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa iyagu ku howlan sidii ay u Caawini lahaayeen Dadka Dhibku ay ka soo gaartay Xiliyadii kala duwanaa ee Abaaraha, Roobabkii Qabowga watay oo ka laayey Xoolahii 90% iyo Bad gariirkii loogu magac daray Tsunami, waxaana ay u magacaawday Gudi heer Xukuumada ilaa heer Degaanada wax gareen waxaa isagu ku sugnaa Degaanka Xafuun oo Kormeer ku marayay Degaanada sida ay Deeqdu u gareen Wasiirka Dowlada Hoose iyo Horu marinta Reer Miyiga DGPL Cali Cabdi Awaare oo ugu mahad Celiyay intii soo gaarsiisay Deeqaha Degaanadaa isgoo sheegay in ay u baahan yihiin sidii wax loogala qaban lahaa Dhismayaasha Degaanka iyo in la caawiyo Dadkii bada ka shaqeysan jiray oo Hantidooda ay ku wayeen Dhibkii Bad gariirkii Tsunami oo Dadkaa ayuu wasiirku ku sheegay in ay badan yihiin oo hadii ay shaqo wayaan ay dhib ku tahay Nolashooda iyo Dhaqaalaha Guud ahaan.

Sawirada Xaafuun Halkan ka Daawo

CabdiFataax Jaamac | Boosaaso | SomaliTalk.com
Email: somalitalkpl@yahoo.com | Feb 8, 2005

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2005

Soomaaliya:  Aafada Badgariirka

 

 Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 
© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD