SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ  WAREEN AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

Feb 26, 2003

 


Dhambaalkii Caeafat u diray NAM oo socdey 12-daqiiqo. Sawirka: Malaysia Star

"Qiiq isku qarin ayuu israaiil u noqonayaa oo ay xaqa reer falastiin ku daboosho kuna baabi iso goobaha barakaysan dagaalka laga yaabo in maraykanku ciraaq ku dhufto". sidaas waxaa maalinimadii talaadada 25/2/03 ku digay madaxweynaha reer falastiin A-sayid yaaser Carafaat.

Carafaad oo aaladda looyaqaan "video link" ee layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin magaalada Kuala Lumpur wadamada siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay "Non-Aligned Movement "(NAM) ayaa si weyn ugaga digay in ay xuquuqda shacbigiisu si culus ugu naafoobayso dagaal kasta.

israaiiliyiinta ayaa ah kuwa dagaalku in uu dhoco sii dhiiri galinaaya si ay mad-madaw u galiyaan xuquuqda dadkayaga ,waayo indhaha aduunkoo dhan ayaa kolkaas ku fooraarsanaaya dhankaas iyo ciraaq,ayuu hadalkiisa raaciyay Mr yasser Carafaad.

Carafaad oo aan haatan awoodin in uu ka qaybgalo kulanka 116naad ee Ururka(NAM) uga socda magaalamadaxda dalkaasi malaysiya maadaamo ay israaiil ku celcelisay in aysan damaanad qaadaynin in uu hadiiba uu kol dalkiisa dibada uga boxo aanu dib ugu soonoqonkarin, ayaa kaloo ku dhowaaqay in maxkamad lasoo taago xubno katirsan israaiiliyiinta oo ku sifoobay "Danbiile Dagaal"(War Crimes).

Waxaa uu carafaad farta ku fiiqay in ay jiraan israaiiliyiin hadii sharci caadila la horkeeno sisahlan loogu helaayo dunuub cul culus, waxaa ay si sharcidaro ah u dhaxal wareejiyeen dhul uu dad lahaa, aqalo dhisan ayay bur-buriyeen, magaalooyin nabad waasamood ugu baryay ayay si xooga ku qabsadeen,iskagana maamushaan iyadoo aan laga raali ahayn,arimahaas oo dhanina waa kuwo kasoo horjeeda nolosha aadamaha duudsiyayana xuquuqdooda, ayuu yiri mr Carafaad isagoo hadalkiisa siiwata. waxaa uu ka codsaday beesha caalamka in ay qab jabiyaan xoogsheegadka israaiil.


Arafat: shacabka reer Falastiin ayaa dhibaatada ugu weyni kasoo gaareysaa dagaalka

Maalinimadii isniintii ayay ciidamada israaiiliyiintu inyar oo dibu gurasho ah kasameeyeen magaalooyinka beit hanuun ee daanta woqooyi ee marinka qaza kadib markii ay xoog u burburiyeen wadooyin waaweyn iyo buundooyin,taasoo ay ku macneeyeen in ay godoominayaan jabhadda Xamaas oo la sheegay in ay meelahaas iyaku isticmaalaan.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa iyaku 29kii bilood ee aynu soodhaafnay ku hayay israaiiliyiinta kacdoonada "intifada".

waraysi todobaadkii hore lala yeeshay Xoghayaha guud ee ururrka jaamacada carabta Caamir Muuse,oo ay daabacday jariirad kasoobaxda spain oo layiraa El Pais ayaa waxaa uu kutilmaamay raiisal wazaaraha israaiil Ariel Sharon in uu uga shar badanyahay geyiga bariga dhexe saddaam xuseenka la buunbuuninaayo,isagoo sharon ah ka khatarta ugu weyn ku noqonkara gobolkaasi. ayuu yiri.

Mudane Caamir Muuse waxaa uu farta ku fiiqay in xeerka lambarkiisu yahay 687 ee ay dhigatay qaramada midoobay farayana in dhamaan geyiga bariga dhexe si loosimanyahay looga ciribtiro Hubka Wax Halaaga(Weapons of mass Destruction) aanu ku koobnayn ciraaq oo kaliya"cid waliba hadii aan indhaha laga qarsanaynin way ka dharagsantahay in israaiil haysato hubka naflayda gumaada" ayuu intaas raaciyay.

Daawo duufaanta Barafka ah ee ka dhacday Bariga Dhexe

"waa fadeexad iyo waji gabax laga yaq-yaqsado iyo laba wajiilayn iyadoo siyaalo kala duwan loo sharaxaayo haysashada saddam xuseen ee hubka wax halaaga islamarkaana dal kamida gobolka uu haysto,iskana sii haysan karo"ayuu yiri.

"israaiil way qaadi kartaa talaabo kasta oo baabi,in naflay ah oo aysan dawlad kale oo dunida ahi ku dhici karin,iyadoo sigaara oo aad xaq ay leedahayba moodid ayay ugu gacan sayri kartaa qaraar kasta oo kasoo baxa qaramada midoobay"ayuu yiri xoghayaha guud ee jaamacada carabtu.


madaxweynaha malaysia, Dr Mahathir, oo sii sagootinaya wufuudii ka qayb gashay kulanka NAM

bishii oktoobar ee aynu kanimid ayaa wasiirka arimaha dibadda ee boqrtooyada dalka Urdun Marwan Moasher waxaa uu carabka ku dhiftay in israaiil buunka u afuufayso dagaal maraykanku ciraaq ku qaado si ay dad qaxootiya falastiin uga soo butaaciso una soo galiso dalka Urdun,taasoo aysan meesha ka madhnayn in qaxooti baaxadleh oo ciraaqiyiin ahina halkaas ka dhashaan.

kacdoonada ka soohorjeeda israaiil"intifada"waxaa uu bilawday September 2000 waxaana uu wiil dhalinyara ah oo layiraa alla Abu Shakh oo 25 jir ahaa dhintayna maanta oo talaada ah 25/02/2003 ay dhimashada ka dhigaysaa 2,997.

waxaa lookala qaybiyay dhimashadaasi 2,246 falastiiniyiin ah iyo 695 israaiiliyiin ah.

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk.com Germany  

Feb 26, 2003 

SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH GUJI 

I  I  D  H  E  H

 <><><> 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD