SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY

DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE 

 

WQ. Xagar Yare

Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan, ayaa ugu baaqay dhamaan bahwaynta mujtamaca ciisaha in ay si xoogleh isugu diyaariyaan doorashada hogaamiyaha beesha (ugaasnimada), oo haatan qabanqaabadeeda si wayn loogu hawlanyahay.

Sarkaal sare oo ka tirsan gudiga sare ee bahwaynta Ciise oo SOMALITALK GERMANY khadka taleefoonka ugu waramayay isagoo jooga magaalada diridhabo waxaa uu sheegay in doorashadu ka dhacayso meel kamida meelaha ay bahwayntu u badantahay deegaan ahaan.

Sarkaalka oo hadalkiisa siiwataa ayaa sheegay in dhamaan xubnaha beesha ee ku kala nool soomaaliya, ethiobia iyo dunida daafaheedaba la ogaysiiyay dhicitaanka shirka iyadoo lagu adkaynaayo ka soo qaybgalkiisa. 

Sarkaalkaasi oo SOMALITALK u sharaxayay qaabka dhismaha maamulka bahwaynta CIISE . waxaa marka hore la dooranayaa 12 hogaamiye oo ka wakiil noqonaaya lafaha hoose ee bahwaynta, UGAASKUNA 12 kaasi ayuu talada u goyndoonaa, madaxnna u noqonayaa.

illaa haatan waxay bahwaynta CIISE yeelatay 18 ugaas oo talada u hayay ciisaha illaa 1994 kii. ugaaskii ugu danbeeyay oo 66 sanadood kursiga ugaasnimada hayay, ahaana kii 18aad UGAAS XASSAN waxaa uu ALLE ha u naxariistee geeriyooday bishii augost 29 keedii sideed sanadood ka hor.

waxaa uu sarkaalkaasi sare oo ka tirsan maamulka sare ee bahwayntu u sheegay SOMALITALK GERMAY. inaanay beeshu yeelanin wax ugaas ah wixii ka danbeeyay geeridii ugaaskii 18aad. taasoo buu yiri ay hortaaagnaayeen gudiga qabanqaabada doorashada dhibaatooyin dhowr ah. haatanse buu yiri u dhacaysa si quruxdeeda layaabo.

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

SOMALITALK.COM | JULY 27, 2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

QORAALADII HORE EE XAGARYARE

Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida ee Jarmalka oo. GUJI..   Agosto 12

Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi GUJI.HALKAN July 27, 2002

Maqaaladii Hore ee Xagar Yare 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]