SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - USA
Maraykanka oo Qaramada Midoobey Weydiisanaya in Lix Magac Laga Saaro Liiska Cunaqabatayna

U.S. Seeks to Take 6 Names Off U.N. Sanctions List

.....Their names are Abdi Abdulaziz Ali and Abdirisak Aden. The third individual to be taken off the list is Garad Jama of Minneapolis.

The United States also will ask the United Nations to remove from the list three U.S.-based financial organizations that had been linked to al Qaeda. They are Aaran Money Wire Service Inc., and Global Services International U.S.A., both based in Minneapolis, and Barakaat Enterprise U.S.A., in Columbus, Ohio, officials said.

More... [washingtonpost]
USA - Qoraal dheer oo ay qortay Jariidada washingtonpost ayaa sheegay in Maraykanku qorshaynayo in uu Qaramada midoobey weydiisto in  laga saaro liiska lix magac oo isugu jira shakhsiyaad iyo shirkado horay loogu-eedeeyey in ay taageeraan al-Qaeda.

Magacyada dadkaas waxay kala yihiin Abdi Abdulaziz Ali iyo Abdirisak Aden oo ah Soomaali haysta dhalashada Sweden, iyo Garad Jama oo reer Minneapolis ah.

Jariidada oo warkeeda sii wada waxa ay qortay in Maraykanku uu Qaramada midoobey weydiisanayo in liiska laga saaro shirkado xarumohoodu yihiin Maraykanka oo horay loogu xiriiriyey Al-Qaeda, Waxayna kala yihiin Aaran Money Wire Service Inc., iyo Global Services International U.S.A. oo labaduba xaruntoodu tahay Minneapolis, iyo Barakaat Enterprise U.S.A., ee Columbus, Ohio. [Warkan oo Faahfaahsan - English]

Dhanka kale, arintaan mid la xiriirta ayaa maanta waxaa qoraal dheer ka qoray jariidada Star Tribune oo kasoo baxda magaalada Minneapolis. Waxana jariidadu sheegtay in magacyada laba Soomaali ah oo kala ah Garad Nor (oo loo yaqaan Garad Jama) iyo Abdullahi Farah shirkadohooda laga saarayo liiska UN-ka ee kakooban 260 shakhsi oo looga shakiyey in ay taageeraan Al-Qaeda.

Garad Nor waa mulkiilaha shirkada Aaran Money Wire Service Inc, halka Abdullahi Farah uu leeyahay shirkada Global Services International Inc.

Qareenka u dooda labada Soomaalida ah, Dulce Foster, ayaa sheegtay in sarkaal katirsan xafiiska Foreign Assets Control u sheegay in ay go'aanka kama dambaysta ah filayaan toddobaadka soosocda.

Waxaa jariidadu sheegaty in labada shirkadood laga xanibay $500,000 taas oo qayb lacagta kamida ay lahaayeen macaamiisha shirkadahaas.  [Warkan oo faahfaahsan - English]

Warkaan waxaa xalay aad loogaga hadlay warbaahinta Minneapolis, sida televisionada, taas oo gaar ahaan TV-ga WCCO oo soo saaray waraysiyo la xiriira arinta xawaaladaha Soomaalida.

ISHA: washingtonpost | Star Tribune | WCCO

August 23, 2002 | SOMALITALK.COM


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD