SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SWEDEN

CIYAARAHA XAGAAGA EE SOOMAALIDA YURUB OO LAGU SOO GEBO GABEEYEY SWEDEN

Dadweynaha daawanayeyey cayaarta

Burburkii ku yimid Qaranimadii Ummada Soomaaliyeed ayaa waxuu saameyn weyn ku yeeshay dhamaan qeybaha kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed, hadey noqon laheyd heer Qaran amaba mid Caalamiba. Hadaba waxgarad badan oo ku nool dalkii hooyo gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa u istaagey sidii ay u soo nooleyn lahaayeen intii karaankooda ah Isbootiga Soomaalida.

Waxaa wax garadkaas tusaale fiican u noqon kara uguna magac dheer intii aan anigu la kulmay Macalin Bashiir Cabdi Daahir oo ahaan jirey tababarihii kooxda Inji ee kubada Koleyga, hadana ku nool Finland ahna Gudoomiyaha Ururka Fc Kanus oo ku ciyaarayey magaca dalka Finland, halka ay Sweden safka hore uga jiraan maamulka Kooxda Banaadir oo ahaa kuwii marti galiyey Tartankaan.

Tartankaan oo 4-jirsadey ayaa soconayey mudo ku dhow labbo usbuuc waxaana ku guuleytey koobkii dhalinyaradii ku ciyaareysay magaca Gothenburg (Gotenbörg) oo ka adkaatey kooxdii ku ciyaareysay magaca Holand, halka ay kaalinta seddexaad ku guuleysteen innamadii ku baratamayey magaca Norway.

Hirgelinta ciyaarahaan ayaa waxaa xaqiiqdii kaga baxay maamulka kooxda Banaadir oo marti galinaysan wakhti aan yareyn, waxayna guntiga dhiisha isaga dhigeen sidii ay ciyaarahaan meel mar u noqon lahaayeen.

Hadana wax kasta oo la qabtaaba waxay yeeshaan daldaloolo amaba dhaliilo, hadaba waxaan wax ka weydiiyey Gudoomiyaha ururka Fc Kanus ee reer Finland Macalin Bashiir Cabdi daahir, Xoghayaha Ururkaas Cismaan C/laahi Macalin (Af-leyrshe) iyo gudoomiyaha Kooxda Norway C/raxmaan Saalax Xasan (Lisaaye/ timacade), waxayna seddexdooduba isku raaceen in Maamulku, Nidaamka, Deegaanka, Farsamada iyo Amaankuba aad u liito marka loo barbardhigo sanadii hore.

Gudoomiyaha kooxda (som) Norway CabdiRaxmaan Saalax Xasan

C/raxmaan (Timocade) ayaa ii sheegay inay la yaad ku noqotey in ciyaarahaan lagu qabto Stockholm isagoo filayey in lagu qabto Finland oo ay u codeeyeen sanadkii hore.

Macalin bashiir oo aan wax ka weydiiyey sababta loogu qaban waayey ciyaarahaan Finland ayaa ku jawaabey;

waa sax wey ahayd in lagu qabto Finland laakiin markii aan shir u qabaney Kooxihii ka soo qeyb galayey ayaan waxaan ka aragney tafaraaruq waxaana goosaney inaan uga tanaasulno Stockholm si ay ciyaarahu u hirgalaan khalkhalna u galin.

Isboortigu berisamaadkii waxuu ahaa wax ka madax banaan Qabyaalad, Siyaasad Iwm, laakiin intii ay dhaceen dagaaladii sokeeye waxaad moodaa inay soo dhexgaleen, hase ahaatee Isboortigu wuu ka madax banaan yahay ismana qaadan karaan dhamaan wax yaalahaas oo dhan. Waxaa iyadana xusid mudan ayuu yiri macalin Bashiir in wax kasta oo la qabto khalad uu jirayo, laakiin maamulka sidaan filaynay wax umuusan qaban xaga deegaanku wuu yara dhaamaa sanadii hore oo waan kaga aragti duwanahay saxiibkeey C/raxmaan, xaga kulamada-guud iyo wacdiga Diinigana iyagaa kaga fiican kuwii hore.

Waxaan kaloo la kulmay Tababarihii kooxda muqdisho Nuur Suufi maxamed oo ku nool hada wadanka Denmark isagoo aad u faraxsan, iina sheegey inuu furey tartankaan, kuna arkey saaxiibo iyo dad mudo hore ugu dambeysay.

Macalin_Bashiir_cabdi_Daahir

Waxaa si aad ah isugu dayey inaan Maamulka kooxda Banaadir oo tartankaan marti galisey ay ka jawaabaan dhaliilaha loo soo jeediyey iyo rabitaanka kooxaha ka soo qeybgalay ciyaarahaan ay ku doonayaan in sanadwalba wadan lagu qabo oo uu wareegto noqto, nasiibdarase taleefankoodii wuu xirnaa oo lagama jawaabeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa marag ma doonto ah in ciyaarahaan ay meel muhiim ah uga jiraan dareenka dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan yurub. Faa’iidada ugu badan ee laga helaana waxaa ka mid ah marka laga soo tago tan caafimaad: isdhexgalka barbaarta, isbarashada, saaxiibadii kala raagey oo isku arka iyo xaalka dalkii oo la’isla soo qaado.

Waxay dad badan oo ciyaarahaan u dhuun daloola welwel weyn ku haya isfaham la’aanta, habka mishaakilka ay u xalinayaan maamulada kala duwan ee wata kooxaha inay keento kala tag iyo inayba ciyaaruhu qabsoomi waayaan.

Abdulhakim Ahmed Guled

Borlänge, Sweden

guledhakim@yahoo.com  


FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST 12, 2002

WARKA XIGA - GUJI 

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD