SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY
CIIDAMADA QALABKA SIDA EE JERMALKA AYAA UDHOW IN AY KA QAYBGALAAN DEGAAL LAGU QAADO CIRAAQ HADDII MARAYKANKU U GACAN HAADIYO:

Xagar Yare

iyadoo aad looga yaabo in maraykanku dagaal ba,an ku dhufto dalka ciraaq xiliyada dhow,ayaa sida uu sheegay masuul sare oo dawladda jermalka u qaabilsan siyaasadda dibadda lanayiraa ULRICH KLOSS ayaa la filayaa in addii uu madaxwayne bush soo waydiisto gawaarida sida ba,an u gaashaaman ee badda iyo buurahaba jibaaxa inay kaga qaybgalaan dagaalka aanu hadal ku soo celin doonin, gawaarida noocan ah oo jarmalku aad ugu caan yahay dagaalamana habeen iyo maalin guuxana qarsan kara.

Waxaa uu mr ULRICH KALLOSE.sheegay in uu jermal balanqaad dhiibi karo iyadoo aan wax codbixina la waydiinin qaramada midoobay.xukuumada maraykanka ayaa aad u saqaafaysa maalmahan wadamada yurub iyo bahwadaagta NATO,iyadoo baar baaranaysa taageero lagu siiyo dagaalka laga yaabo inuu ku qaado ciraaq.

Dalka jermalka ayaa markii sida ba,an loogu jabiyay DEGAAL WAYNIHII 2aad caalamku ka mamnuucay wax dhaq dhaqaaq militery inuusameeyo siiba loodiiday inuu dalalka dibadaha wax hawl gal ah ka sameeyo .Bild004.jpg (217289 bytes)

Waxaa ugu horaysay oo cagtii la saaray laga qaaday madaxana uu la soo kacay1993 markii ciidamo qaramada midoobay oo maraykanku horkacaayaa galeen dalka soomaaliya.

Waxaa u xigay dalka bosniya iyo kosovo oo intaba maraykanku hormuud ka ahaaa,iyadoo dhor iyo afartan sano kahor xayirada lagu sameeyay maraykanku hor kacayay ayaa wax lalayaabo aan ahayn in meeshii uu ugu far fiiqaba si in dho,laana ku galo.

Wasiirka cusub ee gaashaan dhiga MR PETER:waxaa uu yiri wali majiro go,aan cad oo laga qaatay ama nala soo siiyayba weerarka ciraaq laweerari,jermalnna wuxuu uun kala mid noqonayaa sida uu faransiisku ka yeelo,waxaa uu intaa raaciyay mr peter

“bisha soosocota ayaa la filayaa go,aan cad waanuna ka uun warsugi”.chancelarka jermalka MR GERHARD SCHRODER ayaa sheegay inuu ku kalsoonyayhay inaaanu maraykanku kaligii talaabo aanu go,aankeeda la qaadanin wadamada midawga yurub iska qaadi doonin.

SHAKI KUMA JIRO CIIDAMADA INGIRIISKA:

“laba cali is waydiin mayso in weerarka noocan ahi uu bari ga dhexe dab ku wada hulaaqinayo aan la filayn taasoo ay haboon tahay in aad looga fiirsado”sidaa waxaa ku digay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada isbahaysiga ee ay leeyihiin wadamada yurub. ingiriiska sarkaal u hadlay ayaa “leh maaha wax arinkan lagu wareero rag ayaa maskaxdiisa shiilay wixii ku haboon” ciidamada boqortooyada(the royal army)ayaa wata qorshe u gooni ah.

Siduu dooni ha u ekaado qorshaha gabagabadu,laakiin dhinac waliba wuxuu isaga makhraati kacayaa inuu khatar culus kulaalaayo qarkana saaranyahay, admiral ingiriis ah sir michael boyce wuxuu carabka ku dhuftay in ciidamadiisu qorshe u gooniya dageen, kaasoo caawin kara cutubyada USA.wuxuuse jermalka iyo EU(eurobian union)xubno katirsan u malaynayaan in sheekada maraykanka iyo in giriisku tahay uun dagaal xagga maskaxda ah uun in lagu qaadayo ciraaq.

Waxaa la filayaa in USA war cad soo hordhigi doono bisha septenber gaashaanbuurta NATO shirka ay ku yelan doonann magaalada WARSO.warar ayaa sheegaya in weerarku dhici doonaba bisha OKTOBER ee sanadkan 2002.meesha ay kuwo kale carabaabayaan bilaha january ama feberwery ee2003.

Qorshaynta degaalka ayaa lagu wadaa inuu qaato muddo sadex bilooda,loona diyaarinaayo 250.000 ASKARI kuwaasoo 30.000 kamid ahi noqonayaan ingiriis.

Qorshaha USA uu wato waxaweye inuu CIRAAQ weerar boqnaha gooya ku qaado,si,aan ciraaqoo danbe reer galbeed iyo israaiil ugu wareerin hoosna u dhex galo dalka,waxaase laga fiirsanaya in uu magaala madaxda ka bilaabayo iyo inuu goobaha military iyo meelaha hubka culculusi ciraaq u yaal laga bilaabayo.waana inuu noqdaa waasiday hadalka u dhigeene kii lagu ridi lahaa ama hadii loobaahdo qudha lagaga jari lahaa madaxwayne SADDAAM XUSEENKA CIRAAQ.

Gabar baa horay u tiri habar habar bay isugu faantaye anna hadii aanan habartay keenin.

“ragse haatan isu hub aruursaye bal ninkay u ahaato iyo kii itaal gabi la arki doonee”

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

Qoraalkii hore ee xagaryare


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.


FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST 12, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARKA XIGA - GUJI  

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA
Dhibaatooyinka Soo foodsaara Soomaalida Qurbaha (Wq. Saciid Cali)

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7 
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI...   20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD