SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.


UHGJH/Q-1/2002 DANHAAG, 04/08/2002


UJEEDDO: BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.

CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay magaalada Dan Haag ee dalka Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub iyo dadweyne lagu martiqaaday shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa marti geliyay oo si aad iyo aad ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.

SHIRWEYNUHU WUXUU SOO SAARAY BAYAANKAN SOO SOCDA:

1. Shirweynuhu wuxuu Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose u aqoonsaday in uu noqdo ururka keliya ee matala oo u shaqeeya danaha dadka wada dega Gobolka J/Hoose.

2. Shirweynuhu, wuxuu taageeraayaa halganka loogu jiro ka xoreynta deegaanka Gobolka Jubbada Hoose Isbahaysiga isku bahaystay boobka, xalaashadayna dilka iyo barakicinta dadka ku dhashay deegaanka Gobolka Jubbada Hoose.

3. Shirweynaha ma aqoonsan dowlad ku sheegga Carte ee markasta taageerada
iyo gurmadka u fidiya kooxda isbahaysiga Dooxada Jubbada isku magacawday. Sida la
wada ogyahay kooxda Carte waxay isbahaysiga siiyaan hubka lagu laayo maatada, saboolka iyo dadka aan waxba galabsan ee ku nool Gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

4. Shirweynuhu, wuxuu ku baaqayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu soo celiyo gurahooda iyo deegaankoodaba dadka dhibaatada ku haysato xeryaha qoxootiga dalka
Kenya.

5. Shirweynuhu, isagoo ka xun dagaallada sokeeye ee ka dhacaaya Gobollada Puntland, Bay iyo Bakool iyo Banaadir, wuxuu ugu baaqayaa dadka ku nool in ay iska joojiyaan
dagaallada dhexdooda oo ay ku dhimanaayaan dadkooda, kuna baaba'aaya deegaankooda.

6. Shirweynuhu, wuxuu u arkaa xal u helidda dhismaha qaranimada Soomaaliyeed in ay ku imaan karto marka hore in aan lagu deg degin dhismo dowladeed iyo in la magacaabo
Madaxweyne, gole Wasiirro iyo gole Barlamaan ee marka hore waa in la isu celiyaa
deegaannada la boobay iyo hantida la dhacay. Taasaana saldhig u ah xal u elidda dhisme dowladnimo Soomaaliyeed.

7. Shirweynuhu, wuxuu ansixiyay xeerka Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhaqmi lahaa inta u dhexeeysa labada shirweyne.

8. Shirweynuhu, wuxuu isku raacay in loo diro tacsi iyo tiiraanyo eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwa weli dhibaatada ay ku haysato deegaannada Jubbada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

9. Shirweynuhu, wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadka wada dega Jubbada Hoose,
Jubada Dhexe iyo Shabeellada Hoose in ay midoobaan, iskaashadaan meel qura
uga soo wada jeedsadaan sidii looga xoreyn lahaa burcadka isku bahaystay in
ay boobaan deegaanno ayan lahayn.


Walaalayall Madaxda Website-yada fariintan ay ku jeedo .
qoraarkan waxaa masuuliyadiisa lagala soo xiriiri karaa Maxamed Muse Abdi oo ah Gudoomiyaha ururka hurumarinta gobolka jubadda hoose.
E-Mail: uhgjhoose@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk

SOMALITALK.COM | August 6, 2002

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD