SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SACUUDI ARABIA
Kulanka Ra'iisul Wasaaraha DKMG, Mudane Xasan Abshir Faarax iyo Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud oo ah Ninka Dhaxalka Boqortooyada Sacuudiga iska leh

Amiirka Cabdalla oo lakulmay Xassan Abshir : SAWIRKA: Saudi Press Agency

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Abshir Faarax, oo beryahaan dambe u joogay dalka boqortooyada Sacuudi Careebiya hawlo caafimaad iyo shaqo, ayaa waxaa shalay qaabilay Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud oo ah ninka dhaxalka boqortooyada Sacuudiga iska leh. Kulankaas waxaa lagu qabtay xafiiska uu Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis ku leeyahay magaalada Jeddah markay saacaddu ahayd 1dii duhurnimo. Amiirka iyo Ra'iisul Wasaaruhu waxay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo guud ahaan xaaladaha ka jira adduunka Carabta.

Ra'iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax wuxuu gaar ahaan warbixin faahfaahsan ka siiyey Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay taasoo uu dhiancyo badan ka tilmaamay. Wuxuu Ra'iisul Wasaaruhu tusaaleeyey sida aan beesha caalamku wax ugala qaban Dowladda ku meel gaarka ah sidii loo hirgelin lahaa go’aammadii shirweynihii Soomaaliyeed ee Carta. Wuxuu kaloo Ra'iisul Wasaaruhu uga warramay Amiirka mowqifka Dowladda ku meel gaarka ah ee ku saabsan shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee kaasoo la filayo in dhawaanta Nairobi lagu qaban doono.

Wuxuu Ra'iisul Wasaaruhu ka codsaday Dowladda Boqortooyada Sacuudiga in ay sidii looga bartay gacan ka geeystaan sidii la isugu keeni lahaa ummadda Soomaaliyeed dibna la isugu soo celin lahaa.

Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis wuxuu isaguna Ra'iisul Wasaaraha u sheegay in Khaadimul Xaramaynka, Fahad Bin Cabdulcasiis, Dowladda Sacuudiga iyo isaguba, ay aad uga xun yihiin dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay iyo waxyeeladda uu gaarsiiyey ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo Amiirku u sheegay Ra'iisul Wasaaraha inaan Boqor Fahad Bin Cabdulcasiis iyo Dowladda Sacuudiguba aysan waxba ka hakran doonin sidii loog dhammaystiri lahaa dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed. “Maxaa yeelay waajib ayey nagu tahay inaan ummadda Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay garab istaagno mar kasta iyo xaalad kasta oo ay ku sugan tahay,” ayuu yiri Amiirku.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu u gudbiyey Boqorka Sacuudi Careebiya, Khaadimul Xaramayn Fahad Bin Cabdulcasiis, salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra'iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax iyo Amiir Cabdalla Bin Cabdulcasiis waxaa kulankii shalay kala soo qaybgalay: dhanka Sacuudiga Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Sacuud Al-Faysal; dhanka Soomaalidana Wasiirka Dalxiiska iyo Xannaanada Duurjoogta, Mudane Xasan Faarax Xujaale, iyo Safiirka Soomaalida ee Sacuudi Careebiya, Mudane Axmed Cabdalla.

Waxaa Ra'iisul Wasaaraha maanta oo Arbaca ah loo wadayaa magaalada barakaysan ee Makka si uu sunnaha Cumrada u soo guto. Maalinta Khamiista ahna wuxuu booqan doonaa, haddii Ilaah idmo, Masjidka Nabiga (NNKHA) iyo magaalada Madiina Al-Munawara.

Waxaa diyaariyey:
Xasan Dusoos
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha J. Soomaaliya
14ka Agoosto 2002

Faafin: Agoosto 14, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD