SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
 Murshid Barud oo ka laabtay isu sharixidda Xubin dowladda hoose ee Eden Praire !

Agoosto 11, 2002

Murshid Barud oo ah 22 jir la sheegay inuu isu soo sharaxayo xubin dowladda hoose ee magaalada Edenpraire ee ku taalla daafaha minneapolis, Minnesota ayaa ii sheegay xalay mar aan khadka taleefonka ku wareeystay inuu ka laabanayo go'aankiisii hore ee ahaa inuu isa soo sharaxo " kadib markii aan latashiyo & falanqeyn dheeraad ah la sameeyey bulshada qeybeheeda kala duwan ayaan go'aan kama danbeys ah ku gaaray inaananba isu feyl gareyn inaan isa soo sharoxo " ayuu yiri Barud oo la ilo lagu kalsoon yahay ii sheegeen in murshid yahay nin dhalin yaro ah oo diinta ku wanaagsan .


Murshid Barud

Laakiin murshid wuxuu ii sheegay in laga yaabo mustaqbalka dhow inuu qabto jagooyin aan aheyn kuwa la soo doorto sida : Lataliye magaalada xagga dhirta & wixii la mid ah, sida uu murshid ii shegeyna wuxuu ahaan jiray isku xiraha tacliinta ee dagmada oo dhan, wuxuuna si gaar ah xooga u saari jiray dadka aan ku hadal luqada English-ka sanad dugsiyeedkii 1999-2000. Murshid wuxuu ii sheegay inuu halkaas ku bartay oo uu ku dhex galay qaar ka mid ah guddiga & siyaasiyiinta magaalada.

Mar aan wax ka weydiiyey shuruudaha looga baahan yahay qof inuu isu soo sharoxo xubin ka tirsan dowladda hoose (minishiibiyada) wuxuu ii sheegay ineeysan sidaas u sii dhib badneyn oo eey ugu muhiimsan tahay inaad dhalashada wadanka heysato, dagantahayna magaalada aad iska soo sharaxeyso, da'adaaduna 21 sano ka weyntahay, wax danbi ahna aadan hore u so galin, taas macneheedu wuxuu yahay inaanba dhanka aqoonta xooga la saarin !

Murshid waxaan weydiiyey " in laga yaabo inuu mar danbe sidan oo kale isu soo sharoxo" ? wuxuu ii sheegay in " alle kaliyah uu ogyahay waxa dhici doona mustaqbalka" taas oo aan u fahmay inuu ka gaabsaday !

sida uu sheegeyna Murshid Barud waxaa lagu waday in xareynta feylalka doorashooyinku bilowdo 27 August socdana illaa & sept 10keeda, wuxuuna ii sheegay inuu si rasmi ah warqad uu kaga noqonayo codsigiisii hore uu u diri doono magaalada Edenpraire mar alla & marka xafiisyada la furo maalinta isniinta ah ee fooda nagu soo heysa .

Wardheere oo ka hadlay arrintii Prof. Samatar & Dr Galayr !

Murshid wuxuu aad uga gilgilsanaa faafinta sawirkiisa lagu faafiyey bogagga soomaalida, isagoo sheegay inuu arrintan ugu horeynba ugu tala galay inuu ku ekeeyo saxaafadda magaaladiisa oo aan xitaa heer gobol loo gudbin, " marna ma fileyn in ragiina saxaafaddu aad arki doontaan maqaalkan lagu soo qoray website-ka magaalada ee loogu tala galay isla gudaha magaalada Eden-praire" ayuu igu yiri murshid oo aad ula yaaban heerka arrintan lagaarsiiyey & heerka uu ugu tala galay isagu shaqsiyan, " shanta qaaradood ee dunida ayaa la iga soo wacay oo leey leeyahay madax baad noqoneysaa " ayuu yiri Mr Barud

Murshid waxaan wax ka weydiiyey qaabkii uu u beddelay magicii uu ku yimid wadankan ee ahaa ( Cali Max'ud) ?? wuxuuna ii sheegay inuu si sharciyeeysan uga soo badalay maxkamadda gobolkan, " soomaalidu aalaa weey ka baqaan ineey magacyadooda badalaan" ayuu yiri Mr Barud oo raaciyey ineey sharci aan barxaneyn tahay inaad magacaaga waqti alla & waqtiga aad doonto aad badali karto, inakstoo buu yiri wixii ka danbeeyey Sept 11keedii eey iska yara adkaatay haddana waxaa kaliya ee kaa xiga waa inaad laba markhaati la tagtid maxkamadda gobolkan ee ku taalla faras magaalaha Minneapolis ee Hennepin, aadna soo cadeeysid inaadan magacaaga u badaleeyn lacag laguugu leeyahay oo aad bixin weyday ama danbi aad gashay oo aad ka dhuumaneyso awgiis ayuu ii sharaxay Mr Barud .

Murshid Barud waa arday barta maareynta ganacsiga & culuumta siyaasada wuxuuna diyaar u yahay inuu jaaliyadiisa sida ugu haboon wax ugu qabto.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

Ceynteyare@hotmail.com


22 Jir Soomaaliyeed oo isoosharaxay Minishiibiyada Magaalo Katirsan Minnesota
USA - urshid Baaruud oo ah 22 jir soomaali oo deggan magaalada Eden Prairie eegobolka GUJI.. Agoosto 8


FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST 12, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARKA XIGA - GUJI    

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA
Dhibaatooyinka Soo foodsaara Soomaalida Qurbaha (Wq. Saciid Cali)

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7 
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI...   20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD