SomaliTalk DALSAN

Xir Shaashadda

Buug Cusub  

Garaad: Miidda Murtida iyo Madadaalada

Waxaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed loogu bishaareynayaa inuu dhowaan soo baxay buug xiiso leh oo la magax baxay GARAAD: MIIDDA MURTIDA IYO MADADAALADA.

SADARRO KU SAABSAN BUUGGA:

  • Waa buug ay ku dhan yihiin murtida iyo maadda Soomaalidu caanka ku tahay. Waxaa ku jira in ka badan 140 sheeko gaaban oo murtida iyo maadba leh. Sheekooyinka buugga waxaa la ururinayay muddo 5 sano ah, waana kuwo aan intooda badan horay loo qorin.

  • Waa buug yar oo ay da’yartu meel kasta u qadan karto. Waa buug kaa haqab-tiraya baahidaad u qabto murtida iyo madadaalada dhaqankeennu hodanka ku yahay. Wuxuu buuggu si gaar ah wax u tarayaa waalidiinta ubadkoodu qurbaha ku nool yihiin. Waa sheekooyin ay carruurtu xiiseyn doonaan haddii looga sheekeeyo.

  • Sheekooyinka ku jira intooda badan waxay xambaarsan yihiin ujeeddooyin dhaxal-gal ah. Waa buug lagu jaangooyay waayaha Soomaaalidu maanta mareyso, si kooban waa miiddii murtida iyo madadaalada Soomaalida.

  • Buuggani wuxuu akhristaha dhuuxa sheekooyinkiisa u soo kordhinayaa waayo-aragnimo, aftahannimo iyo xil-kasnimo.

  • Buugga Garaad waa dhaxalkii dadkii Garaad-ka badnaa ka tageen.

Buugga Garaad oo lagu daabacay dalka Pakistan daabacaad aad u tayo sarreysa waxaad ka heli kartaa:

Muqdisho - Somalia :

B-tech Somalia, ka soo horjeedka Shirkadda isgaarsiinta Olympic, Muqdisho Soomaaliya. Ama la xiriir Maxamed Ibraahim (Fanax), Tel: 252-1-216068

London - UK

Goobaha ganacsiga ee Soomaalida sida Southall;- Hanwell;- Acton;- Wembley;- Streatham;- Camden;- Whitechapel (Dahabshiil Casha & Carry); iyo Burunt Oak.. Ama la xiriir: C/qaadir Shire, Tel: +44-208-452-4443

Toronto - Canada:

Goobaha ganacsiga ee Soomaalida sida Dixon, Rexdale, Weston & Lawrence, Etobicoke, ama la xiriir Maxamed Xasan Cusmaan, Tel: 416-242-7777

Oslo- Norway

Goobaha gansciga Soomaalida ama la xiriir C/naasir Xersi, Mobile: +4790664593.

Nairobi - Kenya

Goobaha ganacsiga Soomaalida ama kala xiriir Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Tel: 254-722-750507 Nairobi.

FG. Waxaa sidoo kale buugga, haddii Alle idmo, dhowaan la gaarsiin doonaa dalal kale oo ay ka mid yihiin Sweden, Finland, iyo Amerika

Wixii faahfaahin ee intaas dheer kala xiriir Qoraha Buugga

Axmed Ugaas Cali Ugaas Nuurre

P.O.Box: 17782, Gulshan-e-Iqbal

Karachi - Pakistan

E-mail: ugaas2@yahoo.com  ama ugaas2@hotmail.com 

Mobile: +92-300-2216866


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD