SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
Maamulka Sweden iyo midka C/hi
CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan

Maraykan: Sweden aniga waad itaqaanaan quwada kaliya ee jirta inaan ahay. Waxaan ubaahnahay inaad gacanta iisoo galisaan seddex Soomaali ah oo Albarakat ushaqayn jiray. Waxaan rabaa inaan Kuuba (Cuba) geeyo oo aan su’aalo waydiiyo.

Sweden: Maraykan bal horta naga warsug aan tashano oo aan baaritaan samayno.

Maraykan: waa tahay laakiin dhakhsada.

Sweden: waxay usugu yeertay dowladii iyo mucaaradkii, dadkii ay arintaasi khusaysay. Ninkii howsha u xilsaarnaa wuxuu yiri waad aragtaan in maanta uu codsi nooga yimid dowladii aduunka ugu xoog badnayd iska dhaaf Sweden ee ka xoog badan Europe iyo dunida inteeda kale. Waxa nalaka doonayaana waa dad muslimiin ah oo waliba Soomaali ka sii ah marka farta ma ka saarnaa Maraykan ilayn micno malahee?!. Dood ka bacdi waxaa arintii kusoo biyo shubatay in ay ceeb tahay in dad Sweden marti u ah oo haysta dhalashadeena in Maraykan gacanta loo gasho waliba iyada oo uusan Maraykanku keenin wax cadaynaya oo tusaya nimankani inay argagixiso yihiin. Inkastoo diintooda aan laga jeclayn wadankan laakiin maradeenii bay huwanyihiin waana ugurmanaynaa ilaa aan magacooda ka saarno eeda loo haysto. Ugu dambayn waxay Maraykanka ku dirqiyeen inuu labo ka mid ah uu sha’nigooda shanta kala baxo.

Mela Zenawi: C/hi macalinkaagii baan ahay. Waxaan ubaahanahay labo nin oo Carab ah oo Boosaaso joogta. Maxaad ka qabtaa.

C/hi: Macalin Ma’da ka daa. Taad rabto baa meesha ka soconaysa. C/hi Mustashaariintiisii sida Ismaaciil Xaaji, Xaaji Bakiin iyo media-yihiisa sida Mudugonline,allpuntland iyo Shesna midna kalama tashan. Macalin meeqa ayaa nimanka iiga gadanaysaa.

Mela Zenawi: C/hi anigu cid baan ka socdaa ee aan la tashadee iisug. Zenawi mushtashaariintiisii buu isugu yeeray wuxuuna yiri ka warama arintaas. Waxay usheegeen inuusan C/hi wax maal ah siin laakiin uu rasaas iyo wax lamid ah oo uu dadkiisa kumariyo la siiyo .

C/hi: Macalin nimanka ma soo qabtaa?

Zenawi: soo qabo ragaas, rasaasna qaado oo dadka kaa soo horjeeda hilfaha ugu qaad.

Baribari cajaladii uu Gaalkacyo kasoo duubay waa la fiirsaday. Tani Boosaaso bay ka dhacday.

Waxaan gaaladii falin reer Gaalkacyo baa farihii la galay.

Sweden iyadu waxay sheegtaan inay diintii hore ee Najaasha ay haysato, toloow marti soorida ma isagay ka urinayaan? Laakiin qolyahan soo socda xagee u nisba sheegtaan sida Baribari, Ismaaciil iyo C/hi iyo media-yahooda sida Mudugonline iyo allpuntland. Aniga waxaa la is orankaraa mucaarad baa ku tahay balse tixdii Cusmaan Yuusuf Keenadiid aan milicsano:

Xayow Maxamedow laga waswaas, xaalka Reer Muduge
Waa meel aan la xusuusannayn, xaajo aakhiro'e
Waa meel xasarad foolxun iyo, xumo ku beermeene;
Waa meel xakamadaa sharciga, la xaqiraayaaye
Waa meel aan seeddi xurmo weyn, la xarragaysiine
Waa meel xabiib wada dhashiyo, xididba eedeene;
Waa meel xigaal kaad tihiin, xaasid kuu yahaye
Waa meel xiriirkii tolnimo, xarigga loo goyne
Waa meel xilkii laga tegoo, laga xishooneyne;
Waa meel xaqiiqdii dhuntoon, xaqa la sheegeyne
Waa meel ay xaaraantu tahay, sida xalaashiiye
Waa meel xadgudub joogo iyo, xilofur beeneede;
Waa meel xurquun door u yahay, kii xarshaash ihiye
Waa meel xifaalliyo dembiyo, xani ka buuxdaaye
Waa meel uu xoolaysan lacag, xaakin kii ihiye;
Waa meel xirfoba laga dhigtaa, xeelad iyo ceebe
Waa meel ninkii xoog yaraa, xaddan ku joogaaye
Waa meel xaraash iyo dhac iyo, xoogsi la hayaaye;
Waa meel xaraash iyo dhac iyo, xoogsi la hayaaye
Waa meel xayaatiyo dadnimo, ka xadfanaadeene
Waa meel midkaad xor u tiqiin, xabash ka liitaaye.
Waxaan ku kordhinayaa hal beyt oo aan Mudug ka jirin markii Cismaan tixdaa tiriyey:
“Waa meel xabaaluhu yihiin xaram la aadaaye”

Xumaantii Cismaan sheegay beytkan dambe ayaa isku sii fuuqsaday oo kasii daran.

Waxay ila tahay wixii beryahan degaankaa ka dhacayey hadaad gabaygan u fiiriso waxaad moodaysaa in sidii uu Abwaankaasi yiri ay meesha taal. Waxaa dhici karta in gabaygan la tiriyey C/hi oon dad badani aqoon.

Seddexdii Sano oo u dambaysay reer Mudug hal duq ah oo galoof ah bay gaawe u haysteen hadana reer Bari ayaa sac gaane ah godol ka raadinaya.

C/Waaxid C/hi Khaliif

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk

SOMALITALK.COM | July 24, 2002

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD