| Geeraar
ALLAH Amaan ah.
Assalaama Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh Akhristow/atoy
geeraarkan ALLAH ayaa loola jeedaa, waxaana laga
dhirindhiriyey(guuriyey) Kitaabka iyo Sunada haddaba haday kugu
adkaadaan Tuducyada qaarkood fadlan ila soo xiriir,ama qof
Diinta Islaamka wax ka yaqaan.
Caamir Maxamed Xasan Guray .
E-mail
cimraanmaxamed@yahoo.fr
Wabillahi Tawfiiq.
Iyadoo cassara ah
camma iyo takwiir iyo
cabasada akhriyey
calaamada qiyaamadu
cindigayga gaadhoo
dhabanada cuskaday
Eebbow caziizow
cidkale lama amaane'e
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRIKARA
MA AHA INUU KUCAASIYO
YAAAAAA CATHIIM
cadceedu
maalintay kawirantoo
caymadaan xidkuhu
buuraha culculus
cihni ay noqdaan
ubadkeed cishaaradu
cararakaga huleelaan
dadku caariyihiinoo
miisaanku uu cadilan yahay
nin waliba cawdoo
haddan ciid ahaanlaa
rabow ima ciqaabteen
Allahayow i celi
ciliyyiin lafuro
mu'miniintu cadar iyo
canab iyo thimaar
sundus iyo cagaar
dahab aan caweerayn
caajila u baahnaynoo
Caaliya ku noolyiin
cadaabana la huriyoo
caadadooda gaaladu
cabaadoy ka yeedhaan
carunka ay dhamaanoo
cimrigood ku waaraan
liyoomil cathiimkaa
caadilkow nabixi
RUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRIKARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAAAA CATHIIM
dhowr cishoo
la tirin karo
cirka taagtey udub li'i
buurohoo cadila iyo
ciidda gogol ka yeeshaye
dayaxa iyo cadceediyo
caddadiyo habeenkiyo
xidko caymba cayn
waxa dunida camaljira
cilmigaa ku kootoo
carshigaaga joogtaye
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAAA CATHIIM
dunidoo cidla
ah
neefle cagaha soo dhigin
malagyada iyo culimada
adigaw cadeeyoo
citiraaf ilaahiin
caadil eebbe mooyee
ciirsi kale majiro
RUUXII CAQLI
LEH
WAX YAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
allaha
cadiimkow
waxa iga cajebiyoo
ciradan i badayoo
aan ku cimri qaataa
badda caariyeysiyo
duufaanaha cartamayiyo
ceegaaga webiyada
oo haday cadhoodaan
neefle aanu celin karin
cabsidaada awgeed
cidhifyada ma jebiyaan
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAAA CATHIIM
eebbaha aan
ciseeyow
cad waxa ku nool
caleemaha wax daaqiyo
cayayaanka oo idil
ummaddahan cadaankiyo
cawl iyo madowga leh
coodka ay liqaan
adaa caadilow
calafkooda sugayoo
camankooda buuxsha'e
RUUXII CAQLI
LEH
WAX YAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
amarkaaga
culusiyo
aadan ciid ka beertoo
annagana candhuufiyo
xijir caad ku xidhan tahay
calaq aan adkayn weli
cidaamahakan dhaadheer
huwisaye cadkii
meeshuu soo cidhiidhiyo
aan cudud ka jebinow
cilmigaagu waynaa
RUUXII CAQLI
LEH
WAX YAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAAA CATHIIM
allaha
cathiimkow
cilmi nuux udhiibtoo
oo tiraba kun caan
caddo iyo gudoodiba
cibaadadaad faraysoo
oo qoonkiisu calal iyo
dhegaha ay cufasteen
markii uu ka caal dhigay
caadilkii u yeedhow
cayuunkay ku sanac yidhiyow
dabadeed cirkii
ceeryaamo qode'iyo
ciidu biyaha keentoo
caluhu ay hadhoobeen
curadkiisii mooyoo
camalkiisu uu buray
mu'miniin caruur iyo
xayawaankii caynshoo
doontii u caarshow
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
Ibraahimkay
cadibayeen
caddabta ay ku tuureen
ku calool fiyoobaan
shimbiraha caleemaha
geedaha ka cuna
cadcad buu u gooyoo
ku cidaaday buuraha
carar ugu imaadkii
yuu ku cibri qaatoo
caaqirnimo ku gaadhoo
cimrigiisu dheeraad
waxyi aan cadayiyo
curadkuu hantiyey
markuu cunaha goy yidhi
caadilkii u yeedhow
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAA CATHIIM
allaha
cathiimkow
qoonkii cawaanaa
dumarkaba ka caagoo
labka caashaqu u galay,
luud ciil ku beeroo
martiduu casumay
cudud bay u sheegteen
markii uu calaacalay
tola'ay cidlaay
caadilkii u yeedhow
cilcilowga waaberi
,nebigiyo caruurtiis
gaalo cidhib xumaadkeed
issimada cayiman iyo
caaliyahaa saakhidahaa
cariishyadeed kayeelow
RUUXII CAQLI
LEH
WAX YAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAA CADTIIM
cudurkii ayuub
helay
curuqyada lafaha
caloosha uga dhaadhacay
xaaskiis caawimaysoo
isagoon calaacalin
saburka ciirsadoo
carabka markay haleeleen
caadilkiis u yeedhow
caafimaadka siiyow
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
meel laga
cabiyo
makoon ceel lahayniyo
carabtiyo ismaaciil
cuzayrkii basooboo
eersaday cariishyadiyo
caadilnimo sulaymaan
degmadii ciraaqiyo
yuunis xuud calooshii
caad iyo thamuudiyo
cilmi qaybkii khidiriyo
shucayb qoon cabudhintii
cibaarada layaab kaliyo
caziiznima u dambaysiyo
yuusuf ceel ku ku rididii
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAA CATHIIM
muuse caadilow
cishaduu dhashaa
hooyadiis caloolyow
waxay calal ku qarisaba
adaa caadilow
cadowgiisa siiyoo
calafkood ku koriyaye
calaan u hiilintii
cilad looga dhigayoo
madyan ciirsiga u galay
ciidamin daraadeed
casharada ku guursaday
calaamadaha sagaalka ah
adaa caadilow
cudud nuuta siiyoo
casaa bahal kayeeloo
caaqii fircawniyo
caaqyaduu lahaa
ay cagaha maaleenoo
mujrimiintu carareen
RUUXII CAQLI LEH
WAX YAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
ceeb ka
maydhanow
allaha caalamiintow,
ciise waalid uma tihid
cindigaaga ruuxii,
maryan ina cimraan
caloosheeda galay iyo
duni waxa camiran
caadilow adaa lahoo
cunugna kuuma ogi abid
RUUXII CAQLI LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MAAHA INUU KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
nebigii
cudoonaa
cabdulaahi wiilkiis
caamulfiil dunida yimi
oo ay caga juglayn iyo
carey hadal yidhaahdeen
inta ruux ku caabuda
kaan caynadiisiyo
camalkiis la gaadheyn
calayka assalaamiyo
iyadoo cawa ah
meel aan cid tegin abid
carshiga uga yeed hoo
caan baad kayeeshoo
citiraaftay duniduye
allihii cunsurintiyo
xiqdiga caam ahaantii
cabasada udiidoo
laabtiisa culayow
ceebtana ka maydhow
dhamaan caalamkoo idil
dadku inuu caabudo
carabtiyo yuhuudiyo
cajab iyo nasaaradu
cabdigaaga raacaan
ilaahii cadeeyoo
cimraan noogu sheegow
caashaqaad u haysiyo
iilkuu caawa jiifaa
in yar ku cibri qaateen
RUUXII CAQLI
LEH
WAXYAR UUN CABIRI KARA
MA AHA INII KU CAASIYO
YAAAAA CATHIIM
ALLAHA CATHIIMKOW
MURTI IGU CABQARISOO
CAASHAQ INAAN KA HEESAA
CAADA IIMA NOQONINE
FADLIGEEDA NOO CELI.
AAAAA MMMMM IIIIII NNNNN
AAAAA MMMMM IIIIII NNNNN
WQ. Caamir
Maxamed Xasan Guray .
E-mail
cimraanmaxamed@yahoo.fr
FAAFIN:
SOMALITALK.COM | June 20, 2002
Warbixin ku saabsan Kalfadhigii Afraad ee Islaamiga ahaa ee
laguqabtay Ottawa
SOME QUR’AANIC VERSES ABOUT GEOLOGY AND THE ORIGIN OF THE EARTH
»
Dadka Iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran?!!
|