Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen oo AfSoomaali Loo Rogey:
Waxaa af-soomaali u rogey: Axmed F. Cali idaajaa
Adareeska ama e-mailka: idaajaa21@hotmail.com
Abdirizak Haji
Hussen [Somalia PM 1964-67]
|
Hordhac: Dabayaaqadii bishii May ee sannadkan 2002da ayaa bar ka mid ah baraha internetka ee ay soomaalidu
wax isugu tebiso (somalitalk) waxa la iiga soo saaray dhanbaal 8 bog ka kooban
oo uu qoray siyaasiga soomaaliyeed ee ruugcaddaaga ah; Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.
Haddiiba aniga oo aan in badan ka akhriyin ayay sadarradii hore i soo jiiteen.
Dabadeedna bogba bog buu ii dhiibay, goor aan dhammeeyeyna ma aan ogeyn. Mar
kale iyo mar saddexaad ayaan akhris ugu noqday, aniga oo faqrad-faqrad u
dhadhansanaaya, aadna i mooddid arday kor ka qaybaaya cashar goor dhow loo
dhegeysan doono.
Badanaa waraaqaha siyaasadda
soomaalida lagaga hadlo ee baraha internetka ka buuxa, waayadan ma daneeyo,
haddii ay gacantayda soo galaanna, ma daneeyee, waa baylihiyaa. Agtayda way ka
xiise-beeleen. Muxuu, kolka, dhanbaalkani maanka iiga xaday weeye su'aashu,
jawaabteeda oo koobanina waxay atahy: farriinta uu sido iyo hugunka laabtayada
ayaa iswaafaqay.
Aan ku noqdo dhanbaalka Cabdirasaaqe, horta wuxuu ku qoray af-ingiriis, wuxuuna
ku saabsan yahay Itoobiya wixii ay shalay soomaalida ku fashay, sida foosha xun
ee maanta dandarrada haysa ay uga faa'idaysanayso iyo tabcooyinka
lagama-kacaanka ah ee ay berri la maaggan tahay. Waa xilligii loo baahnaa
dhanbaal ku soo beegmay oo, shisheeyaha loogu talo-galay ka hor, soomaalida
lagu daafacayaa ay baahi weyn u qabto. Waxaan is-iri: Waa dulmi dhanbaalkan oo
kale inuu ku dhex-wareego oo keliya soomaalida inta kombiyuutarrada haysata ee
internetka rukuman karta, af-ingiriiskana wax ku akhrin karta. Kolka maxaa la
yeelaa? markii aan isweyddiiyeyna waxaa ila habboonaatay in aan soomaaliyeeyo,
dabadeedna lagu faafiyo internetka iyo wargeysyada dalka iyo dibeddaba ka soo
baxa.
Waxaa haddaba jira dhawr
sababood oo aan dartood hawshan u galay, iguna dhiirri-geliyey, waxaana ka mid
ah:
1) Inay muuqato soomaalida dhexdeeda weli inay ku dambeeyaan qofqof meelo ku
qarsoon oo isaga oo aan kursi iyo xoolo ka jeeqaaqayn aayaha dalka ay dani ka
hayso, darxumadiisana ka gubanaaya;
2) Inay soomaalida u caddaato Cabdirisaaq oo 80 sano cagacagaynaya inuu dalkii
hiil u doontay; markii ay dadkiisii u qaybsameen kooxo Itoobiya kolba cad ka
iibinaaya, in kuwaas u sacab-tumaysa iyo in, cabsi awgeed, ku fiirsanaysa;
3) Bal inay dadweynaha soomaaliyeed maqlaan hawraar iyo doodo ka duwan waxa
silloon ee siyaasiyiin-ku-sheegga aqoondarradu dilootay ay dhegaha ugu
shubayeen toban-iyo-dheeraadkii sano ee la soo dhaafay; dood madax bannaan oo
saraakiisha nabadsugidda Itoobiya aan markeedii hore laga soo maqlin, mar
walbana lagu raalli-gelinayn; dood ka sarraysa magaalo-hebla, reer-hebel baa
leh, degmo hebla reer-hebel baa laga haystaa, qabiil-hebelna Tigrayga Itoobiya
ayaa ii dhaama; dood qab-waddaninnimo uu ka dhadhamaayo oo ninka inoo soo
jeedinayaa uu si walba u hubo fikradda ah: Itoobiya inay dal tahay,
Soomaaliyana ay dal kale tahay; fikraddaas oo aad mooddo soomaali badan oo
gudaha ku sugan in waayadaan madmadow laga geliyey!
4. Sababta afraad ee aan dhanbaalkan u soomaaliyeeyey waxay tahay ummaddu inay
ogaato garaadka sare iyo maskaxda weyn ee dadkii xisbigii Leegada (SYL) ku soo
barbaaray ay soomaalida kale dheer yihiin. Waxaan ka xumahay inaan iraahdo,
Leego cidi kama dambayn!, waanse ku qasbanahay. Sida ay taasi ku dhacdayna waa
arrin u baahan in sababteeda baaris loogu noqdo, aynuna uga faa'idaysanno
hawlaha dib-u-abuurka ummaddeenna marka aynu u qalab-qaadanno, haddiiba dadka
dib loo abuuri karo! Haatanna waa dhanbaalkii oo soomaaliyaysane, akhris wacan
oo wax-ku-qaadasho leh.
Shantii ilaa lixdii sano ee
aynu soo dhaafnay,taliska Meles Zenaawi ee Itoobiya marnaba ma qarsan sida uu
ugu raad-joogo meel-marinta himilada haliilka joogtada ahi weheliyo ee muddada
qarniyada ah uu dalkaasi ku soo taamaayey; taas oo ah isballaarinta iyo
dhul-ka-gogashada dalalka deriska la ah sida soomaaliya. Boqorradii taliskan ka
horreeyey sida Mililiqii II iyo Xayle-selaasihii I waxay galaangal ula tageen
xoogaggii Reer Yurub ee xilligoodii, si ay uga kaalmeeyaan tabihii ay
riyadoodaasi ugu dhaboobi lahayd. Hoggaamiyeyaashaasi waxay dareensanaayeen
kaalmada caynkaas ah inay xaq u leeyihiin, helina doonaan, marba haddii iyaga
iyo kiristaanka Yurub ay diin qura wadaagaan.
Arrintaas iyada ahi si ay
noogu sii caddaato, waxaa halkaan ku habboon inaynu markhaati ahaan u soo
qaadanno, waxna ka soo xiganno warqad-wareegtadii caanka noqotay ee ku
taariikhaysnayd 10kii Abriil 1890kii; taas oo boqor Mililiq uu ku hagaajiyey
xoogagga Reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga
iyo Ruushanka. Qodobbadii dhawrka ahaa ee uu warqaddaas ku sheegay waxaa ka mid
ahaa kii uu ku lahaa, "Afar iyo toban qarni ayay Itoobiya ahayd jasiirad
ku dhex-taal bad wada cawaan iyo diinlaaweyaal miiran ah". Isla
warqad-wareegtadaas meel kale oo ka mid ah wuxuu Mililiq ku yiri, "waayadii
hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey
awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u
gacan-galeen quwado muslin ah". Taasi ma aha sheegasho iyo himilo ku ekayd
amaba la dhimatay Itoobiyadii Miliq iyo Xayle-selaase ay ka talin jireen.
Maantadan la joogo ayaa waxaa la maleegayaa qorsheyaal iyo shirqoollo hor leh
oo lagu ebyaayo hawshii qabyada ahayd; hawshaas oo ah isballaarinta xagga
dhulka iyo gacan ku dhigidda badaha ay ummadda soomaalidu leedahay.
Riyadaas Itoobiya si uu uga
dhabeeyo, Meles Zenaawi wuxuu isku deyayaa inuu qorshihiisa ku meelmariyo hab
doqon-ma-garato ah iyo hannaan la dahaaray, isaga oo ay la tahay sidaas inuu ku
gaari karo fulinta himiladiisa ku kooban qabsashada iyo xalaalaysiga dhammaan
Soomaaliya amaba qaybo ka mid ah. Maabka dalka isaga oo isha ku haya, isla
markaasna ka faa'iidaysanaya ismari-waaga siyaasadeed ee xilligan Soomaaliya ka
jira iyo, weliba, soohdimaha dheer ee ay Itoobiya la leedahay ayuu Zenaawi waxa
uu ku shaqaynayaa tabo hor leh oo sida soo socota isu xiga:
· marka koowaad xoogagga
shisheeyaha ah inuu ku qanciyo Soomaaliya in loo arko dal Itoobiya looga
dambeeyo, iyadana wax laga weyddiiyo;
· marka labaaad, tabihii
gaboobey ee gumeysteyaashii hore isaga oo adeegsanaaya inuu kooxba koox ku
jeediyo,tolbana uu tol ku dilo;
· marka saddexaadna inuu si
fudud ugu dhex-fido,danihiisa ku fushado, sidaasna uu ugu gogol-xaaro falka
gunaanadka ah, siday qarnigii 19d yeeli jireen gumeysteyaashii Reer Yurub
markii uu hooshkii Afriki socdey. Falka gunaanadka ahi waxa uu yahay Soomaaliya
oo dhammaanteed ama qaybo ka mid ah ciidammo lagu qabsado, si kama-dambays ahna
loogu daro Imberaadooriyadda Itoobiya.
Haddii aysan arrintu sidaas
ahayn, waa maxay sababta hoggaamiyaha Itoobiya ay uga go'an tahay tan iyo
1996kii inuu dhexda ka kala jebiyo dedaal kasta oo lagu heshiisiinaayo kooxaha
soomaaliyeed ee tartanku ka dhexeeyo? Qaar ka mid ah qabqableyaasha dagaalka
muxuu uga dhigtaa la-haysteyaal;kuwaas oo Addis Ababa iyo Soomaaliya inta badan
Addis Ababa ku sugan, Zenaawi amarradiisana sida ay yihiin iyo su'aal la'an ku
fuliya? Waxa uu Zenaawi taas uga gol leeyahay waxay tahay inuu qabqableyaashaas
ka dhigto markhaati uu ku muujiyo,xoogagga shisheeyahana uu ku qanciyo
Soomaaliyada maanta in loo aqoonsado dhul raacsan Itoobiyada maanta oo ku quud
iyo qaaraan ah!
Bandhig-taariikheedkaas kooban ka sokow, waxaa jira laba arrimood oo waaweyn,
ilaa maantana Itoobiya iyo ummadda soomaalidu aanay xal ka gaarin.
Arrinta koowaadi waa u-halganka
madaxbannaanida ee ka jiri jirey gobolka ay soomaalidu degto ee Ogaadeenya lagu
magacaabo, kaas oo weli taliska Itoobiya ku hoos-jira. Dadweynaha gobolkaas
dega aayahooda ayaa mar walba saldhig u ahaa colaadda labada dal.
Dadkaas oo ku dheggan xaqa ay
aayo-ka-tashigooda u leeyihiin iyo Itoobiya oo xaqaas lama-duudsiyaanka ah
diidmo la hor-taagan ayaa u sabab ah xiisadda joogtada ah ee astaanta u ah
xiriirka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sida la garawsan karo,
soomaalidu waxay taageeraysey himilooyinka sharciyadda ku qotoma ee dadweynaha
ay xigtada yhihiin, halkaasna ku dhaqani ay higsanayeen. Xiiisaddaasi waxay
sabab u noqotay labadii dagaal ee ay labada dal isaga hor-yimaadeen 1900 iyo
lixdannadii iyo 1900 iyo toddobaatannadii.
Sida ku xusan, hannaanka
federaalka ee Itoobiyada uu Zenaawi maanta ka taliyo, gobolkaas ay soomaalidu
degto waxaa waraaqaha dushooda ugu qoran amaba lagu hafraa inuu u xuub-siibtay
geyi madaxbannaan oo iskiis isu maamula. Hase ahaatee, runta
biyo-kama-dhibcaanka ahi taas si walba ayay uga duwan tahay, sida aynu ku arki
doonno meelo kale oo qoraalkan ka mid ah oo, si kooban, aannu arrintaas ugu
falanqayn doonno.
Istaraatiijiyaddan sida
xarfadda leh loo qorsheeyey, loona dhaqan-geliyey ee ku saabsan waxa lagu
sheegay gobollaynta dalka iyo ismaamullada madaxa bannaan ayaad mooddaa in
soomaalida geyigaas ku dhaqan si fudud loogu siray, loogana tallaabsaday dabin
dusha sare laga qurxiyey oo ay hadda ku dhex-dhaceen. Taasina, ugu yaraan,
xilligan maanta la joogo, waxay dadweynahaas ka dhigtay samaley warma la' aan
cidina huur iska saarin, lana tixgelin.
Sidaasna waxaa ku baabba'day
arrintii u-dagaallanka madaxbannaanida oo haatan noqotay baal ka mid ah
baalasha taarikhihii hore ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, inta uu
socdo halganka lagu tiigsanaayo xaqa dabiiciga ah iyo himilada sharciga cuskan,
loogana gol leeyahay ummadda soomaaliyeed ee xaqdarrada lagu kala googgooyey
inay ku gaadho aayo-ka-tashigeeda iyo madaxannaanideeda; inta uu halgankaasi
socdo shaki kuma jiro kuwa horseedka iyo hormuudka u noqon doonaayi hadba inay
la kulmi doonaan niyadjab,kacaa-kuf iyo goobo lagaga gacan-sarreeyo.
Ha yeeshee, marba haddii ay ka
go'an tahay qadiyaddaas xaqa ah ilaa dhammaadka inay u halgamaan, waxaa hubaal
ah dagaalka kama-dambaysta ah inay iyaga guushu ku raaci doonto.
Arrinta labaadi waxay tahay soohdimaha labada dal oo aan weligeed si wadajir ah
loo qeexin. Isla dhibaatadan ayaa ahayd sababtii ugu weyneyd ee dhalisay
dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya ka dhex-dhacay intii u dhexaysey
1935kii-1936kii; kaas oo soo gebaggaboobey kaddib markii uu Talyaanigu dalkaas
gacanta ku wada dhigay.
Dabayaaqadii 1949kii kolkii Soomaaliya qaybtii uu Talyaanigu ka talin jirey
Qarammada Midoobey la hoos-geeyey, awoodda maamulkeedana Talyaaniga loo agmaday;
waqtigaas isaga ah Qarammada Midoobey si buuxda ayay uga dheregsanayd
dhibaatadan soohdinta ee aan la isla meel-dhigin. Labada dhinac ee ay arrintu
khusayso waa Itoobiya iyo Talyaanigee ayay hay'addaas caalamiga ahi waxay ku
guubaabisay inay si toos ah arrinta uga wada hadlaan, xalna uga gaaraan ka hor
inta aanu dhulkaasu gobannimadiisa qaadan.
In kastoo Talyaaniga iyo
Qarammada Midoobeyba ay wax-ka-qabadka arrintaas ku dedaaleen, haddana
bartamihii 1900 iyo lixdannadii ayay Soomaaliya gobannimadeedii qaadatay, iyada
oo aan Itoobiya la lahayn soohdimo qeexan oo lagu nabad-geli karo. Taasna waxaa
sabab u ahaa tabihii manjo-xaabinta iyo waqti-lumiska ee ay Itoobiya ku
dhaqmaysey iyo ,weliba, iyada oo wax tanaasul ah aan inna dhego u lahayn.
Sidaas darteed, ilaa maanta labada dal waxa kala soocaa waa xarriiqda
kummeelgaarka ah; taas oo dabayaaqadii 1949kii uu sameeyey maamulkii Ingiriiska
ee markaas xilka wareejinaayey, isaga oo uga gol lahaa inay noqoto tallaabo aan
ku-dhaqan dheer lahayn oo xilligaas uun ku eg.
Ingiriiska oo hormuud ka ahaa
kala-googgoynta ummadda soomaaliyeed oo ah ummad dhinac walba isaga mid ah ayay
malaha qaniinyada damiirku danaqday, markaas ayuu dagaalkii 2d ka dib si aan
kal iyo laab ahayn wuxuu u soo jeediyey in ummaddaas kala qaybsan dib loo
mideeyo, iyada oo taana magaca soomaali-weyn lagu meel-marinaayo.
Ha yeeshee,qorshahaasi ma
suuraggelin, waxaana ugu wacnaa maamulkii waqtigaas oo isbeddal ku yimid iyo,
weliba, dano kale oo uu Ingiriiska arrintaas uga muhiimsanaa; taas oo u
horseedday inuu wax walba sidoodii hore u daayo. Haddaba, iyada oo ka
faa'idaysanaysa maqnaanshaha cod soomaaliyeed oo caalami ahaan la aqoonsan
yahay ayay xukuumaddii Ingiriiska ee markaas jirtey, dhinaca Itoobiyana u
janjeertay waxay xarriiqdii kummeelgaarka ahayd ka jeexday bartii ay Itoobiya u
doonaysey!.
Muddo toban sano ka badan ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya hadduu soo
jiitamaayey,soomaaliduna ay si buuxda u muujisay inaanay awood u lahayn
arrimahooda gudaha inay maaro u helaan ayaad mooddaa Itoobiyada Meles Zenaawi
inay taasi ugu muuqatay fursad u soo martay. Waxay u aragtay in la gaarey
waqtigii ku habboonaa ee ay ka faa'idaysan lahayd soomaalida jilib-jilibka iyo
degmo-degmada u dagaallamaysa, garaad waddaninnimo iyo mid qawmiyadeedna aan,
haba yaraatee, lagu ogeyn. Itoobiyada Zenaawi waxay haddana og tahay, kana
faa'idaysanaysaa bulashada caalamku inay ka niyad-jabtay, kana daashay
dhibaatooyinka Soomaaliya ee loo maaro waayey, markaasna, waxay mudanayso ha
mudatee, iyada iyo waayaheeda faraha la isaga qaaday! Arrintaasina waxay
Itoobiya u suuraggelinaysaa inay noqoto awoodda keliya ee laga tixgeliyo Geeska
Afrika oo leh xeeb dheer iyo dekado casri ah oo maraakiibta waaweyni ay ku soo
xiran karto.
Hadalkii oo kooban, waxaa
muuqata Itoobiya inay maanta ka go'an tahay soomaalida iyo bulshada caalamkaba
inay u caddayso wax iska dhammaaday inay yihiin labadii arrimood ee kala ahaa
madaxbannaanida Ogaadeenya iyo soohdimaha aan qeexnayn ee labada dal. Taas oo
keliyihii kama go'nee, waxay u tafo-xaydan tahay weerar ay uga gol leedahay
cadcad inay u kala googgoyso wixii soomaalida ka haray; dawlad ahaan iyo ummad
ahaanba. Arrintan haddii dhinac kale laga eego, waxaa muuqata Itoobiyada
Zenaawi inay ka leedahay laba ujeeddo oo isfeer-socda, isla markaasna iskaabaya.
Middood ayaana midda kale iyaga uga degdegsan.
Tan koowaad ee haddana ugu muhiimsani waxay tahay in god dheer lagu hubsado
arrimihii ku saabsanaa himilada madaxbannaanida soomaalida iyo murankii
soohdimaha, si kama-dambays ahna loogu arko bog xirmay oo ka mid ah bogagga
taariikhda. Sida ugu habboon ee taas lagu meel-marin karaana waa burburinta iyo
baabba-ka-yeelka dawladda soomaaliyeed; dawladdaas oo ah waxa ay Itoobiya u
aragto kicinta dadweynaha iyo car-isu-taagga inay iyadu sabab u tahay. Taasi
kolkii ay u meel-marto, waxaa iyadana si fudud loo gaari karaa ujeeddadii kale
iyo riyadii da'da weyneyd ee ahayd Soomaaliya oo idili qayb Itoobiya ka mid ah
inay ku dambayso!
11kii Sibtembar ka dib
Si degdeg ah ayay
Itoobiya waxay dardar cusub u gelisay faroggelintii xumaatada huwanayd ee ay ku
haysey arrimaha gudaha ee Soomaaliya; iyada oo ka faa'idaysanaysa 11kii
Sibtembar falalkii naxdinta lahaa ee dhacay iyo maantaas ka dib welwel iyo
hiyikac siyaado ah wixii ay dhacdooyinkaasi dunida oo dhan ku ekeeyeen.
Sidaas darteed,
falalkeedii hore kuma adkaysan oo keliyahe, waxay Itoobiya beryahan dambe aad u
xoojisay muddadii 10ka sano ahayd ku-xadgudubkii ay kula kacaysay
madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhammaanshaha dhulkeeda. Si joogto ah ayay
ciidammadeedu dhowaanahan u soo gelayeen qaybo Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan
gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Waqooyi-bari (puntland); iyada oo, haba
yaraatee, aanay jirin marmarsiinyo run cuskan oo aan ka ahayn halkudhegyada
haatan laga daaley ee laga badbadiyey sida Al-itixaad iyo argaggixiso.
Tan iyo 11kii sibtembar,
erayga laga wada baqo ee argaggixiso ayaa wuxuu noqday qalab waxtar ah oo ay
adeegsato cid walba oo sida Itoobiya ay ka hor-muuqato dan iyo ujeeddo ay
fushanayso; iyada oo aan ka cabsanayn inna wax canaan ah oo uga timaadda
meelaha wax canaanan kara, gaar ahaan ummadda adduunka ugu xoogga badan; waa
Maraykankee. Qof alla qofkii fursaddaas wacani ay dhaafto ama ka faa'idaysan
waayaana wuxuu noqonayaa doqon salleello ah, Zenaawina ma aha, umana dhowa.
Sababahaas aan soo
taxnay daraaddood, tan iyo 1996kii Itoobiyada Zenaawi waxay ahayd dhagaxa ay ku
dul-burburto tallaabo kasta oo loo qaado xagga dib-u-heshiisiinta qaranka
soomaaliyeed. Si ay dedaalka caynkaas ah u manjo-xaabiso waxay Itoobiya
kaalmaysaa, isla markaasna dhiirri-gelisaa qabqableyaasha dagaalka tiro ka mid
ah. In kastoo kuwaas badankoodu ay hadda cidla' taagan yihiin oo aysan
taageereyaal lahayn,haddana,iyada oo garabgalka Itoobiya uu ugu wacan yahay,
waxa ay weli awood u leeyihiin wararka inay ku jiraan oo magacyadooda
idaacadaha laga maqlo,tilmaanta haatan laga xishoodo ee ¥qabqable-dagaal
iyaga oo huwanna ay iyada nolol ka daydaan, kuna xoogsadaan.
Sidoo kale, Itoobiya
waxay ku guuleysatay inay sasabato oo ay oggolaansho ka hesho qaar ka mid ah
hoggaamiye-dhaqmeedyada koonfurta iyo waqooyiga dalka ku kala sugan, si dhulka
Jamhuuriyadda Soomaaliya ay u soo gasho mar alla markii ay dan u aragto,iyada
oo ammaankeeda qaran marmarsiinyo ka dhiganaysa. In kastoo hagaag loo duri karo
hoggaamiye-dhaqameedyada awoodda siinaysa sharciyaynta ku-xadgudubka ay
Itoobiya kula kacayso dhammaanshaha dhulka dawladda soomaaliyeed, haddana
oggolaansho doonashada qudheeda ayaa waxay si caddaan ah u muujinaysaa waxa u
qarsoon ee Itoobiyada Zenaawi ay Jamhuuriyadda Soomaaliya la maaggan tahay!
Waxaa lagama-maarmaan ah in la
xusuusto laba sano iyo dheeraad ciidammo Itoobiya leedahay inay si joogto ah
xeryo ugu lahaayeen, una fadhiyeen intooda badan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.
Weliba dhulka ay degganaayeen waxaa ka mid ah meelo magaalooyin ah sida
Baydhabo, Luuq, Xuddur iyo Buulo-xaawo. Qof kasta oo isku deyey ciidammadaas
dalka qabsaday inuu su'aal ka keeno waxaa lagu dhejiyey inuu Al-itixaad ka
tirsan yahay,sidaasna uu argaggixiso ku yahay, dabadeedna waxa uu mudan karo,
cidi kaama xigtee, adiguba bal malee!
Waxaa iyaguna jirey
warar aad loo baahiyey oo sheegaaya 11kii sibtembar ka dib,faroggelinta
dardarta cusub la geliyey ee Itoobiya ay kula kacday arrimaha gudaha ee
Soomaaliya in loo qaadan karo hawlo ay Maraykanka wakiil uga ahayd. Wargeyska
Washington Post ee soo baxay 4tii Nofembar,2001dii siduu qoray, dawladda
Maraykanku waxay Itoobiya kala shaqaynaysaa qorshe wadajir ah; kaas oo ay
Itoobiya ku heli doonto tabobbar xagga wardoonka ah, iyo, malaha, qalab iyo
gaadiid. Haddaba,wararka caynkaas ahi haddii ay run noqdaan, soomaali allaha u
naxariisto!
Mar kale, hadalkaasi
hadduu dhab yahay, waxaa u eg tahay Maraykanka in la siiyey talo aan
hagaagsanayn oo ku ridi karta waddo aan hagaagsanayn, timaaddadana dhibaato
xaddi ballaaran laga filan karo. Ruux kasta oo si fiican ula socda taariikhda
qarniyada soo taxnayd ee Itoobiya iyo Soomaaliya marnaba kuma uu degdegeen inuu
Itoobiya adeegsado, si uu Soomaaliya gudaheeda uga fuliyo ujeeddooyin cayiman
iyo bartilmaameedyo qeexan. Habka keliya ee ay taasi ku hirgeli kartaa waa
ciidammada Itoobiya inay si toos ah dalka u qabsadaan; iyaga oo ku naalloonaaya
madax-salaaxa iyo taageerada dawladda Maraykanka.
11kii sibtembar
toddobaadyadii xigey ee hiyikaca ballaaran iyo walaacu ay dunida saabteen ayaa,
sida lagu warramay, waxaa laga shaqaysiiyey qorshihii wadajirka ahaa ee Itoobya
iyo Maraykanka. Kooxo labada dhinac ka tirsan oo iskaashi xagga wardoonka ahi
uu ka dhexeeyo ayaa loo diray qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, si ay u
soo baaraan dalkaas gudihiisa inta uu awood ku leeyahay ururka jiritaankiisa
sida weyn loo buunbuuniyey ee Al-itixiaad. Arrintaasna waxaa dardar geliyey
saraakiil sarsare oo Maraykan ahi markii ay ku dhawaaqeen Soomaaliya inay tahay
bartilmaameedka Afgaanistaan ku xigi doona.
Baaristii xagga
wardoonka ee uu Maraykanku gudaha dalka ka sameeyey waxaa, sida muuqata, ka soo
baxay inaan wax caddayn ah loo haynin arrintii muddada dheer la wadwaday ee ku
saabsanayd awoodda iyo saamaynta Al-itixaad uu Soomaaliya ku leeyahay; taas oo
ahayd Itoobiya iyo ilo kale oo warmoog ahi wax ay dunida ka dhaadhiciyeen.
Sidaas darteed, waxaad moodda xukuumadda Maraykanku inay u aragtay wax aan
faa'iido ku jirin inay maal iyo xoogba ugu sii waddoo hawl-qabadkii loo dhammaa'
ee lagu soo warramay iyada iyo Itoobiya inay wada qorshaynayeen. Haddii ay
arrintu sidaas tahayna, waa dharbaaxo xoog leh oo ku dhacday ra'iisal-wasaare
Meles Zenaawi rajadiisii ahayd inay xukuumadda Maraynku kala qayb-gasho ka-faa'iidaysiga
iyo faroggelinta foosha xun ee arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu ku hayo.
Dhaqdhaqaaqii xoraynta
ee Zenaawi kolkii uu ololaynaayey xukuumaddii keli taliska ahayd ee Mengistu in
talada laga wareejiyo, waxa uu lahaa barnaamij ku ballan-qaadi jirey habkii
xukun-shuuciga iyo keli-talisnimada ee dalkaasi ku socdey inay xididdada u
siibi doonaan, Itoobiyana ay u rogi doonaan dimoqraaddiyadda baarlamaaniga ah
dal lagu maamulo.
Haddii arrintaas dhab
loogu sii fiirsado, macnaheedu wuxuu ahaa isla markiiba in dhidibbada loo aaso
hannaan cusub oo dastuuri ah; kaas oo leh qaabka lagu yaqaan dawlad federaal
ah. Hannaankaas ayay tahay, iyada oo qaynuunka la raacayo, inuu ilaaliyo
qawmiyadaha ay dawladdaasi ka kooban tahay, si ay mid waliba u yeelato
ismaamulkeeda madaxa bannaan, iyada oo, juqraafi ahaanna, ku dhaqan dhul qeexan
oo loo og yahay. Awoodda qura ee xukuumadda federaalka ahi leedahay waxay tahay:
gaashaandhigga qaranka, maaliyadda iyo arrimaha dibedda. Runtii, waa war
wanaagsan,hase ahaatee, sida la yiri, dhadhanka doolshaha markii la cuno ayuun
baa loo tagaa.
Bilihii Mey iyo Juun
1991kii, isla markii uu xukunka gacanta ku dhigayba, Meles Zenaawi wuxuu si
degdeg ah u burburiyey taliskii Mengistu ee ku dhisnaa habkii shuuciga ee
Soofiyeetka . Halkiisii, wuxuu taliska cusubi soo geliyey hab dastuurigii
federaalka ahaa ee lagu ballan-qaaday; iyada oo dalkii loo qaybiyey gobollo
federaal ah oo iskood isu maamula,qawmiyadana ku dhisan. Arrinta kala
furfuridda hab xukunkii xoogga lahaa ee ay qawmiyadda Amxaaradu hormuudka ka
ahayd ma ahayn fikrad daacadnimo ku dhalatay iyo dareen aadaminnimo amaba
tallaabo looga gol lahaa silic-ku-noosha dalkaas in laga bedbaadiyo maamulladii
cadaadiska ku hayey ee muddada qarniyaasha ah madaxa kaga fadhiyey. Sababta
runta ah ee ka dambaysa xukun-baahinta iyo abuurka hannaanka federaalka ah
waxaa laga lahaa laba ujeeddo:
1) Tan koowaadi waxay
tahay habka federaalka debecsan in laga dhigto xayndaab adag oo lagu
hor-joogsanaayo Amxaarada oo ay suuraggal tahay inay xukunka ku soo noqdaan;
2) Ujeeddada labaadina waxay ahayd in habkaas loogu adeegto qalab dib loogu
abuuro, lagu adkeeyo oo lagu joogteeyo talis ay qawmiyadda Tigraygu hormuud ka
tahay. Riwaayadda inteeda kale waxay ahayd, welina tahay indho-sarcaad iyo
walalac been ah.
Waayo-aragnimada laga
dhaxlay 10kii iyo dheeraadkii sano ee aynu soo dhaafnay siday inoo muujinayso,
ma jiraan faa'iidooyin sheegis mudan oo, Tigrayga mooyee, ummadda inteeda kale
u soo hoydey. Xataa waxaan waxba ka naaso-caddayn xorriyadda hadalka oo si gaar
ah iyada in badan loo buunbuuniyey. Runtii waa wax aan magaca dhaafsiisnayn
waxa lagu sheego gobollo madax bannaan oo dastuurka qoran haddii la raaci lahaa
yeelan kari lahaa awoodo sharci-dejineed oo ismaamulka ku saabsan. Iyada oo
adeegsanaysa khiyaamooyin iyo tabo inkaaran ayay xukuumadda dhexe ee Zenaawi
waxay soo magacwdaa madaxda gobollada, sidaas daraaddeedna waa malluugyo aan
cod lahayn oo kolba dhinac loo jeediyo.
Si kale haddii loo
yiraahdo, waa wax lagu dagmi karo haddii gobolladaas lagu sheego kuwo 'madax
bannaan oo iskood ismaamul u leh. Waxay taasina aad u muuqanaysaa markii loo
fiirsado tabaha khiyaamooyinka huwan ee uu Zenaawi u samaystay faro-gelinta
arrimaha gudaha ee gobolladaas iyaga ah; tabahaas oo ay ka mid yihiin
ciidammadiisa meel walba tuban ee sida xoogga leh u hubaysan, kana wada tirsan
qawmiyadda Tigrayga.
Mashruuca dhabta ah ee
meel-marintiisa lagu hawllan yahay waa in la dhiso xukun Tigraygu calanka u
sido oo Itoobiya ka hirgala. Ilaa maanta, wuxuu u eg yahay mashruuc shaqaynaya,
su'aasha cid walba u furanse waxay tahay: waqti immisa le'eg ayay sidan wax u
soconayaan? Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan dibadda soo shaac-baxay astaamo
muujinaya dadweynaha Itoobiya baraarug ku soo kordhay iyo taliska halkaas ka
jira sida looga qash dhacay, niyaddana looga nacay.
Sababaha iyo ujeeddooyinka aan
soo xusnay ka sokow, muruq-gilgilka iyo dhoollo-tuska ay Itoobiya ka waddo
soohdimaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa suuraggal ah inuu ku lug leeyahay
dhibaatooyinka isa soo taraya ee gudaheeda ka aloosan. Markaas oo kale, si
qulquladaha gudaha ka jira ummadda looga jeediyo, sida Al-itixaad iyo
argaggixiso in cadow dibedda ah loo abuuraa, waa tab weligeed soo jirtey oo
buuraha la da' ah!
Ra'iisal wasaare Meles
Zenaawi waxa uu istusay Soomaaliya inay tahay goob aan cidina cid ka xigin;
taas oo ah sababta wax laga saari karo dalkaas habaaran faro-gelinta joogtada
ah ee arrimihiisa gudaha uu ku hayo. Waxa uu falkaas ugu dhiirranayaana waa
mawqifyada iska soo horjeeda iyo xiisadaha soo af-jarmi waayey ee Soomaaliya
siday faraha ugala baxeen ururrda caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Qarammada
Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo, weliba, warbaahinta
dunidu.
Ka-hor-tag iyo car-isu-taag iyaga haba sheegine, cid uu ka cabsado ama ku
canaanata kolkii uu arki waayey ayaad mooddaa Zenaawi inuu uba qaatay
Jamhuuriyadda Soomaaliya halka aan anigu weli u aqaani inay tahay arli qayb ka
ah Itoobiyada uu hadda milikiga u yeeshay.
Waa yaabe, arrinta ay
runteedu sidaas tahay ayuu, indho-adayggiisa, wuxuu Zenaawi isku deyayaa
caalamka inuu madaxiisa manjo u rogo, isuguna muujiyo inuu yahay nin daacadnimo
ka badatay oo haysta kalsoonida ummadda soomaalida, sidaas darteedna doonaaya
kaalin hormuudnimo oo wax-ku-ool ah inuu ka galo hawlaha dib-u-heshiisiinta
qaran ee soomaalidu sida weyn ay baahida ugu qabto. Dhab ahaanna, ujeeddada u
hillaacaysaa waxay tahay ummadda iyo dawladnimada soomaalidaba inuu u kala
googgooyo degaammo yaryar oo mid walba uu ka taliyo qabqable-dagaal dabodhilif
ah, isaguna shan farood iyo calaacal uu meesha ku geystey. Taasi markay
hirgashana, adeegeyaashaas yaryar ee midiidinka laga dhigay waxay Addis Ababa u
arki doonaan magaalo-weynta xaruntooda ah, waxaana ku xiga inay rajadeedu
dhimato ummad soomaaliyeed oo dawlad leh; halkaasna waxaa ka bilaabanayaa
fulinta heerkii ugu dambeeyey tallaabadii dalka oo idili uu Itoobiya kaga mid
noqon lahaa.
Haddaba,su'aasha taagani waxay tahay: ilaa goorma ayuu damiirka caalamiga ahi u
dulqaadan doonaa ama uu ka indho-qarsanan doonaa hanti-ka-qaadka sidaas u
qaawan ee horornimada ba'ani ay ka muuqato?
Qore: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisal-wasaarihii Soomaaliya 1964kii - 1967kii
Waxaa af-soomaali u rogey: Axmed F. Cali idaajaa
Adareeska ama e-mailka: idaajaa21@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2002
Dhanbaalkii
Asalka Ahaa - ENGLISH VERSION - May 19, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|