Eedmalaha Inantu Aqoondarri Bey Eersatay!
Waxaa Qortay: Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com
Muddo iminka laga joogo bil ayey aheyd markii
aan meel kamid ah shabakadaha wararka soomaalida aan ku arkay qoraal ku saabsan
gabar lugu sheegay magaceeda Ayaan Xirsi Cali oo Diinta Islaamka u geftay
iyadoo ku tilmaantay mid qaldan.
Markaa oo faallo yar ka bixiyey gabdhaasi
diinta aanan aqoonta fiican u laheyn ee meel ugu dhacday.
Hadaba markan oo ay tahay markii labaad ee wax
ka qoro gabadhan soomaaliyada ah ayaa su’aashu waxey tahay maxaa igu kalifay
inaan hadana markale qalinka u qaato arinta quseysa gabdhan?
Dabcan qofkastaa oo muslin ah waxaa waajib ku
ah in uu difaaco diintiisa, saa daraadeed anigoo ka duulaya ooraahdaa ayaan
jecleystay inaan anah markeyga aan sameeyo wax uun u eg ”difaac dimeed oo
jawaab kaga bixinayo hadalkii meel ka dhaca ahaa ee kasoo yeeray
gabdhaasi,waxaa markaas lama huraan igu noqotay inaan qalinkeyga ku dagaal
gallo sida aan hada carabka ku dhiftay.
Hase ahaatee waxaase nasiib darro iyo wax laga
naxo ah in qofka aflagaadata iyo ceyntanka kasoortay ay tahay shaqsi dumar ah
oo ”Islaanimadda lugu dhalay ehelkeedana yihiin”. Hadana aan la ogeyn halka
ay ka duuleyso iyo cida ay afhayeen u tahay iyadoo sida muuqata aanan aqoon
buuxda u laheyn diinta Islaamka waxa ya tahay.
Si kastaaba arintu ahaatee waxaa markale
gabdhii lugu sheegay magaceeda Ayaan ay saxaafad ku sheega reer Galbeed-ka buun
buuniyeen warkii kasoo yeeray oo ay ku tilaameen talaabo geesinimo ay sameys
ruux haween ah.
Hadaba marka aan dib u milacsano waxa
wargeysyada reer Galbeedka ka qoreen gabdhaas iyo sababaha loo aaneyey iney
diinta aflagaadeyso ee ay salka kuheyso ayaa waxaa la orankaraa in ay yihiin
waxa ay sheegtay kuwo jeebkeeda ah oo markaas ay islaheed kusoo jiiido saxaafadan
reer galbeedka xumaan doonka mooye aan wanaaga iyo samaanta raadin.
Ayaan waxaa sheegtay in xilligii joogtay
Soomaaliya ay reeraheeda ku qasbi lahaayeen guur aysan raali ku aheen,dantana
ku kaliftay iney kasoo baxsato dalkeeda kadib markii ay caawiyeen dad ay ku
sheegtay saaxiibo ka shaqeeyey baxsadkeedii.
Waxaa sidoo kale Ayaan ku andacootay in
gabdhaha muslinka ah yihiin ”kuwo jaahiliin ah oo aan wax labarin” xitaa
haddii ay joogaan dhulka ay kajirto xuriyad kusheega iyo aqoonta aaney ka faa’iideysan
”oo lugu qasbo nin jooga dhulka baadiyaha ah in looguuriyo” Iyadoo markaas
ay tusaale u soo qaaadatay gabdho Marookaan ah iyo laf ahaanteeda.
”Tiisa Daryeella Tu kale ku
Darra!”
Sida ay ugu warantay Ayaan ragga wararka
fidiya in xisibiga layirhaado [Dutch Liberty Party] uu ku martiqaaday iney isu
soo sharaxdo xubin ka noqoshada baarlamaanka dalka Holland oo la sheegay iney
dhacayaan sanadka inugu soo food leh,markaasna ay aqbashay inkastoo ay walaac
ka muujisay arimo la xirriira nabadgalayeeda iyo mustaqbalka fog sida ay ku
noolaan laheyd.Hadana waxaa taa kaaga daran iney la fikrad noqotay Ninkii ”Naceybka
daran u hayey Islaamka” ee Pim Fortuyn oo ah siyaasi xag jira oo mayal
adag,kaaso diinta ku sheegay iney tahay ”Mid danbeysa oo aan hormasayen”.
Rev.
Jerry Falwell oo ku sheegay inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo
iyo naxariis kor kiisa ha ahaato). GUJI
0ct/7 [wardheere] |
Mar aan sidaasi u sii dhereyna waxaa
hadalkaasi mid u eg yiri Ra’iisalwasaaraha dalka Talyaaniga Silvio Berleskuni
oo isagana ah nin aan fiiro dheereyn oo iska hadla, isagoo dhowr jeer islaamka
aflagaadeeyey.
Mida laga naxo ee ay ku hadashay gabdhaasi aan
dhaamin ragga aan soo xusay ee Islaamka aflagaadada daran u geystay ayaa ah
iney tiri iyadoo tallo siineysa qolyaha ay u warameysay halka ay ku
dhuumaalasaneyso iney haboon tahay in dalalka reer Galbeedka ay qarash badan ku
bixiyaan sidii ay carruurta iyo haweenka u casriyen lahaayeen.
Taa macnaheedu waxaa weeye sidii ay ugaaleyn
lahaayeen carruurta inkastoo hadalka aysan sidaasi u oran hadana ujeeda ka
danbeysa ooraahdaa ayaa loo fasiran karaa.
Inkastoo aan qoraal lugu soo koobi karin
hadaladii meel kadhaca ahaa ee laga soo weriyey ”Maan-gaabtaasi Soomaaliyeed”
hadana waxaa wax laga naxo ah in iyadoo dumar soomaaliyeed oo aan weliba aqoon
u laheyn diinta ay ku hadasho sidaasi iyadoo soo minguurisay ”fikraddo
shisheeye” hadana isla saxan.
Runtii waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta
sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo
soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha
lagashay Diintii Ilaahey.
Hadaba Ayaan inskatoo aysan aheyn qofkii ugu
horeeyey ee soomaali ah oo gaallo raacda, balse waxey noqotay Midii ugu darneyd”
ee taariikh-da soomaaliyeed xusi doonto soomaalidana waxey ku maah maahdaa ”Nin
dhuuni raacay waa nin seefi qaaaday!,layaab malaha kuwii ka horeeyey iyada ayaa
meel gaarin.
Dheelmidii Nebiga Sallallahu
Calayhi Wasalam GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan
oo soo dhow GUJI
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey
oo MN Booqday! GUJI
»» Ninkii Beeniyey Dajaal oo
Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI |
Ogolaanshaha ay Ayaan ogolaatay iney isu soo
sharaxdo xubin ka noqoshada baarlamanka dalka holland waxaan leeyahay ”Tiisa
Daryeelaa Tukale Kudarra! ayey soomaalida horey u tiriye ee taada Islaanimo ee
aad meel ugu dhacday marka dib habeyn ku samee inta aad u hanqaltaageysid
waxaadan gaari karin iyo qowmiyad ka tashatay ayaahaood danbe boqolaal sanno
kahor,oo xitaa haddii aad xubin kanoqoto baarlamaka dalkaasi aadan kusoo
kordhineyn magac aan ka aheyn inaad tahay Madow dhaqankeeda iyo diinteeda u
daran.
Ugu danbeyntiina waxaan kusoo koobayaa
qoraalkeyga In falka ay Ayaan maanta u sameysay aad ku heshid magac iyo saxaafadu ha ku buun buuniso,laakinse
aaqiradeedii isa seejisay.
Inkastoo aanan qalinka u soo qaadan inaan
Ayaan ka faallooda shaqsiyan waxa ay tahay iyo waxa ku kalifay iney sidaasi
tiraahdo,hadana waxaa jira bulshadda soomaalida dhexdeeda in si xun u
fekerta oo markaasi u aragta in badi dumarka soomaalida ay sidaasi yihiin.
Mana ahan wax lala yaabo in haweenku yihiin
xubin jilicsan oo u baahan daryeel si aysan meel aan Alle raali ka aheyn ugu
dhicin.
Maxaa yeelay Illahey SW ayaa ka abuuray feer
qaloocan oo haddii la damco in latoosiyana jabeyso.
Waxaase nasiib xummo ah in Bulshadii ay Ayaan
oo wada meerin meel walba shanta qaaradood ku kala daadsan yihiin iyagoo magac
u ah dhaqmo iyo diimo siloon halisna u ah berito iney dalkii kusoo laabtaan
iyagoo xambaarsan dhaqamo iyo diimo kale.
Bulshada Soomaaliyeed-na ee jecel nabada iyo
hormarka magaca soomaali waxaan kula talinayaa in aaney fududeysan arimaha qaar
ee ay u baahan inta goori goor tahay in talaabo ku haboon la qaado lana wacyi
geliyo bulshadda soomaaliyeed ee muslinka ah.
Haddiise dhagaha la fureysto waxaa iman doonto
maalin aan wax laga gaaraa aysan jirin.
Hadalka kasoo yeeray Ayaan ee ku aadaanaa in
dumarka iyo carruurta la casriyeeyo waa hadal meel fog shanqartiisa kayeereyso
oo iyada dhambaal ahaan loogu soo dhiibay,Soomaalidana waxaa ay tirhaadaa ”Caqli
gaallo iyo Indho quraanjo mindna lama garto!”
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Nov 22, 2002
... Laba
halisood oo Soo food saaray Soomaalida Qarniga
....
KHUDBATUL
WADAAC
Khudbadii ugu dambeeysay ee Nabiga SCW GUJI
.....
Ayan
Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso
isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
Aabe
Soomaaliyeed oo Loo Xiray Geeridii
Gabadhiisii oo Jirtey 6-toddobaad: Magaalada St. paul ee gobolka
Minnesota aaya lagu xiray Siciid Muuse Guuleed GUJI
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|