SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
16 QODOB OO SHARDI U AH GUULAYSIGA SHIRKA ELDOREIT:

Saciid Shidaad, Saciid1965@aol.com  Horn of Africa Research Center, May 01, 2002 (wax ka baddal: Nof. 03, 2002)

Faafin: Nof 5, 2002 

I  I  D  H  E  H

1) Shirarka Soomaaliya loo qabanayo waa in la hubiyaa inaanay horseedin dagaalllo cusub. Dagaalladaas waxaa abuura dagaal-oogayaasha oo isku daya inay qabsadaan dhul ay awood ugu gorgortamaan, sida shirkaani qalalaase ugu horseeday Puntland iyo Baydhabo.

2) Ujeedada shirarku waa inay noqotaa mid lagaga xoreynayo shacabka Soomaaliyeed qafaalashada dagaal-oogayaasha, oo aanay noqon mid lagu sasabayo dagaal-oogayaasha ama lagu qancinayo shisheeyaha (Do not appease the warlords and their backers; empower the civil society, please).

3) Dawladda ku meel gaarka waa in loo caddeeyaa inay ku fashilantay heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeysiinta dawladda, laakiin waa in laga fiirsadaa abuuridda wax ayada ka sii liita.

4) Waa in maskaxda lagu hayaa haddii go'aammadii Carta la wada tuuro waxay la macna tahay: ujeedo iyo ajande shisheeye oo sal looga dhigay shirka cusub; abaal ka dhac iyo meel ka dhac lagu sameeyay dadaalkii dadka Jabuuti u galeen wanaagga Soomaliya; iyo qalalaase cusub oo ka furma hab-raaca maamulka cusub ee la dhisi doono. Markaa Mabda'iyan shirku waa inuu yahay dhamaystir shirkii Carta.

5) Ajandaha muhimka ah ee shirku waa inuuna noqon jagooyin lagu kala maslaxo dagaal oogayaasha ama qabaa'ilka. Waa inuu noqdaa heshiis cad oo laga gaaro wax ka qabashada degaannada iyo hantida la kala haysto.

6)Degaannada ay ka mid yihiin Kismaayo, Sh/Hoose iyo Xamar dadka badankiisu waxay rumaysanyihiin inay yihiin degaanno xoog lagu haysto, markaana arrintooda waa in shirka lagu dhammeeyaa. Go'aan kasta oo aan xal kama danbayn u helin arrintani waa faashil.

7) Waa inaan muhimad la siin magacaabidda m/weyne, r/wasaare, wasiir, iwm, ee xoogga la saaraa hay'ad maamul oo leh is-miisaan (checks and balances) qaabka kasta ha lahaatee; qabaa'ilka ha lagu qanciyo tirada baarlammaanka, laakiin tirada xubnaha fulinta ama wasiirrada waa in lagu qanciyaa baahida qaranka.

8) Maadaama Xamar gacanta ay ugu jirto koox gaar ah, 12 sano ee la soo dhaafayna ay u suurta galin weyday maamul kasta oo la isku dayay sameyntiisa inuu hawshiisa u qabsado si nabdoon oo madax bannaan, waa in laga fakaraa meel kale oo ku meel gaar ah, tuulana ha ahaatee, oo u suurta galin karta maamulka cusub inuu hawshiisa qabsado, inta go'aan dastuuri ah lagu ansaxinayo caasimad joogta ah.

9) Goobta saldhigga u noqonaysaa maamulka cusub waa inay nabad galyadeeda iyo maamulkeeda la wareegaan ciidan iyo maamul qaran oo isku dhaf ah intaan xukuumaddu halkaas u guurin. Qaabka ciidankaas iyo maamulkaas shirka waa in lagu dhammeeyaa, la wareegiddiisa goobtuna waa inay qaadataa muddo aan ka badnayn bil oo u dhaxaysa maalinta shirku xirmo iyo maalinta maamulku halkaas u guurayo.

10) Waa inaanay sina u dhicin in goobta saldhigga u noqonaysa dawladdu ay noqoto meel koox gaar ah ama maleeshiya gaar ahi awood gaar ah ku leedahay. Ciidanka qaran ee goobtaas ilaalinayaa waa inuu noqdaa mid ka xoog badan maleeshiya qabiil oo kasta oo hadda jirta. Waa in la isla fahmaa in sababta 1aad oo maamul kasta oo la isku dayay uu u shaqayn waayay ay tahay asagoo la hayste u noqday maleeshiyooyinka Xamar iyo hogaamiyayaashooda. Hadday taasi mar kale dhacdo, shirku waa waqti lumis kale.

11) Maleeshiyooyinka qabiilka waa inaan loo qaadan ciidanka qaranka ilaa xubin kasta lagu sameeyo dhaqan celin iyo hubin musdanbeed.

12) Waa in kooxaha siyaasadda isku hayaa ka waantoobaan in afka loogu tiro ama ay aqoonsi ku raadsadaan ka hadlidda khatar argagixiso oo Soomaaliya ka jirta, ayadoo la is moogaysiinayo in dhibaatada Soomaaliya ay tahay khayaano siyaasadeed iyo fara galin shisheeye, ee aanay ahayn sheeko argagiso.

13) Waa in la isla fahmaa dhibaatada Soomaaliya inaanay ahayn khilaaf u dhexeeya shacabka Soomaaliyeed ee ay tahay: damac dhulqabsi ama jago raadin ah oo ay ka danbeeyaan shakhsiyaad kaashanaya fara galin shisheeye, ama hanti qaran ama mid caalami ah oo si qalad ah loo istcmaalay.

14) Waa in la isla fahmaa oo xal loo helaa in hantidii qaranka oo la dhacay, hawl-galladii iyo mucaawinadii caalamiga ahaa ee Xamar lagu shubay 12 sano ee aan soo dhaafnay, iyo gancsi xaaraan ahi ay abuureen kooxo maalin tacab ah, ama mararka qaarkood maafiya ah, kuwaasoo dhaqaalahaas mar walba u adeegsada ku duulidda degaanno kale, iyo qasidda Xamar iyo guud ahaan Soomaaliya.

15) Waa in go,aannada shirka lagu daraa in ciidammo ka socda dalalka Islaamka loo codsan karo dhaqangalinta qodabada nabad galyo ee Soomaalidu isku mari waayaan ama awood u waayaan meel marintooda.

16) Ummadaha midoobay waa inay abuuraan xafiis daba gala oo qaada dacwooyinka ku saabsan burburinta heshiisyada, danbiyada laga galay aadamminnimada, xuquuqda nabaded iyo tan nololeed ee dadka Soomaliyeed.  

Saciid Shidaad, Saciid1965@aol.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Nov 5, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD