SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAAS-QORAY

LACAG MACMIL AH OO SOOMAALIYA KASOO GASHAY LAASQORAY

Warbixin

I  I  D  H  E  H

 

Subaxnimadii 12/11/2002 ayaa ciidanka booliska Puntland waxay ka war heleen in todobaadkii lasoo dhaafay lagasoo dejeyey lacag fara badan oo shilin somali ah marsada laasqoray.. waxayna markiiba ku dhaqaaqeen baaritaan xoog leh.. waxayna abaareen dhinacaas iyo magaalada laasqoray..

Subaxii Arbadad ee Taariikhdu ahayd 13/11/2002, ayay ciidamada booliska boosaaso waxay baaritaan ku sameeyeen xero weyn oo ku taal magaalada boosaaso oo loo yaqaan taiwan, waxayna baaritaankaas wadeen waqti dhan 3 saacdood, kadib waxay kasoo saareen lacag aan weli la sheegin tiradeeda.. waxaase lasheegayaa inaysan ka yarayn 50 bilyan.. oo somali shilings..

wararka ayaa sheegaya in lacagtaasi ay soo gashay xerada weyn ee tiawan ayaamihii lasoo dhaafay iyadoo hoosta loosoo dhigay baabuur lagusoo raray caws.. sidaasna booliska ay uga soo fakatay markii hore.. balse hadda gacanta lagu dhigay...

Wargal Jooga Boosaaaso

 

WARBIXINTA LABAAD:

Subaxii Arbadad ee Taariikhdu ahayd 13/11/2002 kuwaaberiistey Ciidanka Puntland Xaafadda kudhow Garoonka Ciyaaraha ee Boosaaso,

markaan weydiiyey dadka waxaa laysheegay inay habeenimadii soogashay Lacag Cusub oo nooceedu yahay Punland tii hore, taasoo lagusoo sameeyey Dibada, hase yeeshee lagatii waxaa Ciidanka Puntland gacanta kudhigeen Sodon Bilyan, Waxaa kaloo laysheegay in Afartan Bilyan oo kamida lacagtaas lagu hareereeyey meel udhow Baran iyadoo ay kadaba tageen Ciidamo kuraadjoogey oo kadabategey kadib markii ay kugaari waayeen magaalada Laasqoray.

Waxaa kaloo Laysheegay inay jirto Lacag Somaliland ah oo gaareysa Boqol iyo Konton Bilyan oo iyadana halkaas laguhorjoosadey wax war ah oo kasoobaxay weli majiraan xaaladda Ciidamadaas Lacagta wadey iyo kuwa kuwii hareereeyey, laakiin waxay wararku sheegayaan inay Reer Somaliland kusoo bexeen iyagoo doonaya inay kahortagaan Lacagtaas, si aysan halkaas u dhexgelin.

 

Wargal weydiistey inaan la magcaabin oo jooga Soomaaliya

Nov 14, 2002

Laba Halisood oo Soo Food Saaray Soomaalida Qarnigan - GUJI 

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD