Mogadishu 12/11/02
Baaq Dhaliyarada Mudulood ee Mugadishu
Ku: Mudulood meel kasta eey joogaan
Ku: Dhamaan Somalida nabadda raadineysa ee Eldoret ku sugan
Ku: Dhamaan inta nabadda iyo Somalinimada jecel ee aduunka ku baahsan
Anigoo ku hadlaaya magaca dhalinyarada Mudulood oo shir ku qabsaday
Mogadishu iyagoo ka arinsanaaya arimaha Eldoret ka socda iyo niman
mahaan maalinkasta ka hadla radio qoos leeyahay. Eldoretna waxaan ka
maqleynaa rag isbiirsaday oo leh Hawiye hala walaaloobo, rag masu'liyiin
iskushegaya oo rag kale jaa'ifeeynaya. Qoraalo been abuur joogta ah oo dadka
nabadda Somali weyn u raadinaya iska horkeenaya, qoraal been abuurkaan oo ku
caan baxay shabakadda layiraaho "[..... weydii qoraaga]" oo ku hadasha shakhsiyaadka shirka
Eldoret ka qeybgelaaya caqligiisa iyo ficilkiisa. Shakhsigaas oo war cusub
layimi oo
leh "Mogdisho anaa leh". Waad sugi wax badan.
Marka waxaan isweydiinay cidda ama shakhsiyaadka dhibka ku haya shirka oo uu
ka socon la'yahay iyo hadba kaarka cusub oo marki ciriiri lagalaba lala soo
baxayo
waxaa shabakadaha ku caan baxay been abuurka oo ugu weynyahay [...... weydii
qoraaga] aan
ku arkeynay aflagaado loo geysanayo hogaamiyaha Mudulood Xagi Muse Suudi
Yalaxoow, hogaamiyaha ururka SRRC Engineer Husseyn Mohamed Ceydid, iyo
madaxwynaha Puntland mudane Abdullahi Yusuf. Mar la yiraaho Muuse Suudi
wuxuu qarsaday waraaqihi invitationka, mar la yiraaho Husseyn Ceydiid iyo
Abdullahi Yusuf waraaqo ayey u qoreen aduunweynaha eey leeyihiin AlQaeda iyo
Al-Itihad ayaa Somalia jooga. Mar layiraaho Mohamed Dheere ayaa Al-Barakat
saxiixay, Muuse waa diiday, Cabdullahi Yusuf iyo Xuseen Ceydiid waxann iyo
waxaas beey sameeyen, si dadka loo wareeriyo oo khilaaf looga faa'ideesto meesha
uga dhasho. Eldoret shir nabadeed ayaa la iskugu yimi, maxaa Al-Barakaat oo
waa hore albaabada loo xiray iyo Alqaeda iyo argagixiso keenay meesha? waa
su'aal yaab leh. Su'asho waxey tahay yaa ka dambeya been abuurka iyo iska
horkeenida ummada Somaliyeed. Cidna kama qarsoona nimanka ka dambeeya oo
lacagta ku bixiya in shirka baabo' si ummadda silaca iyo dhibaatada ugu sii
jirto.
Waa Cusman Caato iyo Mohamed Qanyare labada shakhsi eey Somaliya ka degi
la'dahay oo markasta oo shir la iskugu yimaado fhashiliya. |
Waa Cusman Caato iyo Mohamed Qanyare labada shakhsi eey Somaliya ka degi
la'dahay oo markasta oo shir la iskugu yimaado fashiliya.
Waa hadda oo eey lasoo baxeen kaarki ugu dambeyey oo Hawiyenimo ah iyo in
eey dadka kula dhex wareegaan wax aan sal iyo raad laheyn oo ah in Hussen
Ceydid iyo Abdullahi Yusuf wadanka loo dhiibayo.
Waxaan weeydihaa walaalahey
Cusman Caato iyo Qanyare
-
xaad ku diideen Madaxweyninimadi Ali Mahdi?,
-
xageed
jirteen markii Mudulood lalaahay se yaana laayey?,
-
yaa xamar ku laayey Xawaadle
oo hadana Beledwyne uga dabategay?
-
yaa kadhigay saraakiishi Mudulood wax
lalaayo iyo wax naafo ah.
-
Yaa ku naaxay masu'lna ka ah dhibaatada ummada
Somaliyeed.
-
Yaa beerihi shacabka Somaliyeed muqaadarad ku abuurtay oo ka
ganacsada.
-
Yaa xalaaleestay hantidi qaranka iyo shacabka Somali lahaayen.
Saas
daraaded Mudulood Hawiye idin lama aha. Xaan kumutestay dembiga intaa le'eg in
aan idinlaqebsado. dembiga aad ummada Somaliyeed ka gasheen waxaa idinka
khafiifin kara oo keliya idinka oo ictikaaf ku gala Maka iyo adiina inta
noloshiina ka
hartay hadii aad Xabsi iyo [..... weydii qoraaga] ka badbaadaan.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in ugu
dambentii aduunweynaha toosh idinku ifiyey oo dambiyadii la idiin keydinayey
miiska la idinsoo saaray. Waxaase yaab leh dad odayaal ah oo aan dembi ummada
kagelin oo iyagoon isweydiinin iskadabakacay labada mujrim oo
adunweynuhu xabsi laraadinayo sida Mowlid Macaane, Shiekh Madoobe iyo Jamac
Ali Jamac. Hadii eey run tahay Mudulood wuxuu idinleyahay dad sharaf ku leh baa
tihiin ummada Somaliyeed. Iskaga hara. Hadii kale sumcadiina ayaa ku dhimaneysa. Wixi aad
tabaneysiin dhaba loo maro ayeey leedahay. Waxaana
idinlenahay laheshiiya walaalihiin iskagana hara nimanka ratiga idinkukacsanaya.
Ugu dambentii waxaan ugu baaqeynaa ummada Somaliyeed ee wanaaga jecel in la
taageero shirka si sharaftii iyo karaamadi aan Somali ahaan aduunka ku lahen u
soo laabato. Mogadishu dhibaato aan yareen ayaa ka jirta, mana dhamaaneyso
iyadoon nin walba gurigi uu lahaa ku soo noqon iyo derisnimadi iyo
walaaltinimadi la
soo celin. Ilaaheey waxaan ka baryeynaa nin adag oo caadifad qabiil ku
shaqeyneyn oo xiliga adag aanu ku jirno nadhaafiya in uu shirkaan lagu caleema
saaro. Aamiin.
Wabilahi Towfiiq
Liibaanolow@yahoo.com
Mogadishu, Somalia.
Faafin: Nov 13, 2002
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh dhallinyarada
mudilood ee Muqdisho, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
NOVEMBER
| OCTOBER
| SEPTEMBER
|
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
|