5 Somali ah oo maanta laga tarxiili
lahaa Seattle oo la baajiyey
Seattle- WA.
shan nin oo soomaali ah oo maanta laga dhoofin
lahaa magaalada Seattle ee gobolka Washignton, soomaaliyana loo dhoofin lahaa
ayaa dib loo dhigay, dadaal eey bixiyeen xarunta Perkins Coie ee qareenadda ee
ugu weyn Seattle, xaruntan oo si bilaash ah soomaalida ugu dooday.
nimankan shanta ah ayaa lagu heystay danbiyo
isugu jira; daroogo isticmaalida iyo ku xadgudib sharciyada waaxda socdaalka ee
Mareykanka.
garyaqaanada u doodaya ayaa ku murmaya in u
celinta raggan soomaaliya loo celinayo macneheedu yahay" khatar galin
naftooda" maadaama " eeysan wax dowlad dhexe ah oo tabar lihi eeysan
soomaliya ka jirin imminka " .
Qareenada soomaalida ayaa sidoo kale ku
eedeeynaya waaxda socdaalka & dhalasha bixinta Mareykanka (INS)-tu ineey ku
fashilmeen ineey fuliyaan sharci dowladda dhexe (federel law) leedahay oo
sheegaya in (INS)-tu marka hore idan ama oggolaansho ka heysato waddanka qofka
la dhoofinayo, intaan la tarxiilin.
Qaali dowladda dhexe ayaa ku amray in nimankan
la sii hayo si ku meel gaar ah, bishan Nov 22keeda ayuuna u qabtay ineey
maxkamadda horyimaadaan oo eey soo bandhigaan kiiskooda.
(INS)-ta ayaa iyana dhankooda sheegay ineey ka
shaqeynayaan " sidii eey u heli lahaayeen fasaxa ama oggolaanshaha
maamulka meelaha eey soomaailda u dhoofinayaan" sida sharciguba qabo.
afhayeen (INS)-ta u hadlay ayaa ku dooday"
maalin kasta ayaan dad dhoofinaa" wuxuuna raaciyey " laakiin
sheekadani kuwa kale waa ka duwan tahay" .
urur ka soo horjeeda tarxiilka, islmarkaana u
dooda xuquuqda shaqsiga oo seattle xafiis ku leh ayeey haweeney madax ka ah oo
la yiraahdo Pramila Jayapal ayaa tiri " nimankan hadii soomaaliya loo
dhoofiyo waa la dilaa" .
shantan ayeey da'ayaashoodu u dhexeysaa 22 -
38, wexeeyna mareykanka soo galeen intii u dhexeysay 1992 ilaa iyo 1997,
midkooda ugu yar ayaa ah arday dhigta Kulliyad, wuxuuna bartaa Cilmunafisiga
(psychology) wuxuuna u shaqeeynaa shirkadda weyn ee AT&T, ninkan ayaa dhowr
mar looga digay in la tarxiili doono hadii uusan xadgudubyada joojin.
waxaa xiiso leh in sharciyaqaanada sida
bilaashka ah ugu doodaya soomaalida eey tusaale iyo jaangooynba u soo qaateen
keeys woxoogaa yara shabaha midkan oo Minnesota ka dhacay kal hore, markaas oo
qaali reer Minnesota ah uu ku amray (INS)-ta ineeysan dhoofin nin soomaaliyeed
oo isna danbiyo lagu heystay oo la yiraahdo Keyse Jamac.
" hadii eey nimankani Kenyaati ahaan
lahaayeen, waxaan oo dhib ah maanan soo mareeen" sidan waxaa yiri Kevin
Magnuson oo ah sharciyaqaankii u doodayey Keyse Jamac ee gobolkan Minnesota.
" Kenya dowlad shaqeyneysa ayaa ka jirta,
laakiin hadii soomaaliya loo tarxiilo raggan, macneheedu waa dhimasho ku
xukumid, dhac & qafaalasho eey hore u soo arkeen, ka hor intaaneey soo caga
dhigin Mareykanka" ayuu yiri Mr Magnuson oo tulaase u soo qaatay waddanka
Kenya.
Shariciyaqaan Nick Gellert oo ka mid ah kooxda
imminka u doodeysa shantan soomaalida ah ayaa yiri " dowladdu ugu yaraan
waa ineey ku dadaashaa ineey soo hesho waddanka kale oo nimankan aqbalaya"
sida uu dhigayo sharciga dhexe ee Mareykankana, qofka waa loo tarxiili karaa
waddan aan aheyn kii uu u dhashay, hadii waddankaasu oggolaado. laakiin lama
hubo ineey dowladdu iskuba dayday taas, mana u maleynayo in dad daroogo lagu
soo qabtay cid rabtaayi jirto.
nin soomaali ah oo saaxiib la'ah qaar ka mid
kuwa dhoofis sugayaasha ah ayaa ku cabaaday " nimankan haddii loo dhoofiyo
meel eeysan beeshoodu joogin, waa la dilayaa 100%" .
Billowgii sanadkan ayeey aheyd markii dhowr
iyo toban soomaali ah oo qaarkood reer Seattle ahaayeen la tarxiilay, gabar
kamid ah kuwaas la tarxiilayna wexeey warbaahinta u sheegtay iyadoo Muqdisho
joogta inaan loo sheegin waxa lagu heysto, xitaa eey waqti eey lacagteeda kula
soo baxdo bangigeeda loo diiday, ha yeeshee xafiiska shariciyaqaanada Perkins
Coie ayaa ku doodaya ineey ka warheleen dadkii oo la dhoofiyey mar kaliya.
dhawaanahan waxaa soo badanayey xariga &
dhoofiska lala beegsanayo soomaalida Mareykanka, oo intooda badan lagu helo
qaad cunid, ama ka ganacsiba, si kastaba ha ahaatee Magaalada Seattle ee
gobolka Washington ee xuduuda la leh Vancouver, Canada waa meelaha eey ugu
badan yihiin soomaalida Mareykanka oo dhan.
Xigasho: http://seattlepi.com
Waxaa soo turjumay
C/raxman Ceynte
St.Paul, MN
ceyntejournalist@attbi.com
Nov 14, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|