SomaliTalk DALSAN
DIGNIINO
  • »» Viruska RODOK
  • »» Virsuka Halista ah ee Goldfish
  • »» Virus cusub oo cinwaano badan wata
  • »» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
  • »» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
  • »» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

RODOK
Virus Soo Raacaya Messenger (MSN)

October 10, 2002

DIGNIIN KU SOCOTA DADKA ISTICMAALA MICROSOFT MESSENGER (MSN)

Sida ku cad email SomaliTalk kasoo gaartey trendmicro, waxaa soo baxay Virus cusub oo dhex fariisanaya maskaxda computerka, viruskaas oo soo raacaya Microsoft Messenger (MSN) waxa uu isku xiriirinayaa website kadibna halkaas ayuu iska cusboonaysiinayaa, waxana uu markiiba computerka ku reebayaa fayl lagu magcaabo BKDR_EVILBOT.A, faylkaas oo albaab ka furayaa computerkaaga. Waa albaab u furan halista Viruskaasi huwanyahay.

Qiyaas gurigaaga oo albaab gadaal laga furtay, faylkaas kor ku xusan ayaa u shaqaynaya qaab sidaas oo kale ah oo computerka ka furaya albaab balaqan ama furan. Albaabkaas ka furmaya computerka waxaa fashiliyey ama ogaadey Trend Micro oo ah khubaro la dagaalama Viruska ayagoo adeegsanaya Pattern 365.

 Xalka ama dawada Viruska RODOK waxaa laga helikaraa websiteka trendmicro - GUJI HALKAN

<><><><><><><><>

 

BUGBEAR 
WAA MAGAC VIRUS

October 2, 2002

Bahda SomaliTalk waxay akhristaasha la socodsiinayaan, ugana digayaan, in  beryahaan Internetka uu dhexmushaaxayo (Virus) cudurka Aafeeya Computerada oo halis weyn ku ah computerka uu ku dhaco. 

VIRUS-kani waxa uu xambaarayaa dhammaan qoraalada iyo macluumaadka kujira computerka uu aafeeyey, waxana uu u dirayaa dhammaan cinwaanada emailka ee computerkaas ku kaydsan. Tani waxay halis ku tahay in macluumaadkaas gaarka ahaa uu gacanta u galo meel aan ku haboonayn. Hadaba waxaa talo ah in aadan weligaa iyo allahaa furin fayl aan la aqoon lifaaqa la socda. Ogowna Viruskani wuxuu iska soo dhigikaraa sidii qof aad garanaysid in uu ka yimid. TAXADAR!!!

Email bahda SomaliTalk kasoo gaartey Trend Micro, khubaro ku xeeldheer ka hortaga Viruska, waxaa ku cad in emailka cudurkaan xambaarsan uusan wadan qoraal ah oo ku qoran dhexda emailka, waxaana cinwaan (subject) u ah mid kamida erayada soo socda

$150 FREE Bonus! 
25 merchants and rising 
Announcement 
bad news 
CALL FOR INFORMATION! 
click on this! 
Confirmation of Recipes… 
Correction of errors 
Daily Email Reminder 
empty account 
fantastic 
free shipping! 
Get 8 FREE issues - no risk! 
Get a FREE gift! 
Greets! 
hello! 
history screen 
hmm.. 
I need help about script!!! 
Interesting... 
Introduction 
its easy 
Just a reminder 
Lost & Found 
Market Update Report 
Membership Confirmation 
My eBay ads 
New bonus in your cash account 
New Contests 
new reading 
Payment notices 
Please Help... 
Report 
SCAM alert!!! 
Sponsors needed 
Stats 
Today Only 
Tools For Your Online Business 
update 
various 
Warning! 
Your Gift 
Your News Alert 

Faylka lifaaqa ah waxaa magaxiisu wadankaraa sidan: 

Setup.exe 
3 July 2002.doc.pif 

Faahfaahin dheeraad ah iyo Cudurkaan sida loo daaweeyeo Halkan ka akhri.

GOLDFISH

Waxaa kale oo jira VIRUS in dhoweydba socdey oo lagu magcaabo Goldfish iyo weliba magacyo kale, waana Virus u shaqaynaya sida kan kor ku xusan, waxaase kani uu wataa qoraalo kala duduwan oo ku dhexqoran emailka, waxaana kamid ahaankara sida kan oo kale:

Hi
Check the Attachement ..
RIVALDO

iyo dhambaal kale oo daba jooga.

Viruskan waxaa in badan oo Soomaali ah ay kusoo warameen in uu dhibaato weyn ku hayo, waayo axa uu u soo dirayaa boqolaal email, kuwaas oo xambaarsan Virsukaas. 

Haddii aad email noocaas ah heshid ha furin faylka lifaaqa ah ee emailkaas ku lingaxan, MASAX MARKIIBA!

Si aad waxbadan uga ogaatid VIRUSKAAN Eeg Qoraalkii hore aan ka qoray Viruska Goldfish

OPASOFT

Waxaa kale oo maalmahaan soo baxay Virus kale cusub oo lagu magcaabo OPASOFT, waxana uu u dhowyahay kuwaas hore, waxaase kani dheeryahay in uu aafeynaya "Serverada" websiteyada. faahfaahintiisa ka eeg Cinwaankan OPASOFT .

Isku soo duuboo, Ka hor taga Virusyadaan waa in aadan furin wax lifaaqa oo aadan waxa ay yihiin aqoon u lahayn, marka aad heshid fayl noocaas ah MASAX, TIRTIR, BAABI'I, ISKA-TUUR, HAFURIN-LIFAAQA.

KHIYAAMADII NAYJEERIYA OO LA OGAADEY

The Nigerian Scam Defined 

Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click.

Taasi waa digniin in siweyn looga taxadaro qoraalo ku andacoonaya in ay hayaan maaliyad weyn, kuwaas oo ka imanaya dalka Nayjeeriya, waxaana ay qofka kusoo xeragelinayaan in ay u sheegeen lacag madaxiisa ka wareerisa. Si aad wax badan arintaas uga ogaatid GUJI HALKAN.[English]

HALISTA CARRUURTA IYO INTERNETKA

Waxaan markale waalidiinta xusuusineynaa in ay siweyn uga taxadaraan compouterka iyo carruurta. Waxaad ku baraarugsantahay in aadan carruurtaada la jeclayn in ay seexdaan qol irid bannaan leh oo baylah u noqonkara arimo badan, sidaas oo kale weeye computerku waayo waa sidii qol iridiisu furantahay oo taxadar u baahan. Waxaan waalidka kula talinlahayn in computerada ay carrurtoodu adeegsanaan ay dhigaan qolka qoyska oo dhan u dhexeeya ama fadhiga oo marwalba loo jeedo meesha ay mushaaxayaan. Carruurtaada weydii meelaha ay Internetka ka tagaan, cidda ay la sheekaystaan, waxa isdhaafsadaan. Waxaadna ogaataan in ay jiraan barnaamijyo ku kacaya kharashyar oo lagu ogaankaro meelkasta oo qofka computerkaas adeegsadey uu internetka ka tegey. Iyo weliba barnaamijyo lagu xanibi karo meelaha aan ku haboonayn in ay carruurtu booqdaan sida boggaga jinsiga ah. 

Computerka waa aalad cusub, waxkasta oo cusubna faa'iido iyo khasaaro ayey yeelankaraan ilaa la turxaan bixiyo.

Ma'Usheegtay Carruurtaada Waxa lagudboon Marka ay Dhex-Mushaaxayaan Internetka, fadlan akhri qoraal aan mar hore daabacnay oo arintaas ku wajahan GUJI HALKAN  

Waxaa isku soo dubaridey

Maxamed Cali

Minneapolis, MN

Email: html@somalitalk.com

FAAFIN: SOMALITALK.COM  | Oct 2, 2002 | Update: Oct 10, 2002

AFEEF: Akhbaartani waa baraarujin oo keliya, qofka computerka leh ayaana laga rabaa in uu ka taxadaro halistaas.

...Virus-yadii Hore... GUJI 

.... Qoraagii Virus-ka Kournikova oo Booliska Netherlands isu Dhiibey GUJI... [Feb 14, 2001]

... Viruskii VBS_NUMGAME.A GUJI.. 

... Virskii RED CODE   ...GUJI.....


WWW.SOMALITALK.COM

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD