SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
SHIRKA KENYA WAXAA LAGU BAHDILAY SOOMAALIYA

Abdullahi Mohamed
sweden
email burhaan99@hotmail.com

Dahabo Shire oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 35 jir ah oo dhabta ku haysa gabadheeda yar ee aadka u gaajaysan ayagoo markaas joogey cisbitaal kuyaal xerada qaxootiga ee Dhadhaab (Sawirka AP Sep 28, 2000)

Maanta (Dec 18, 2003) ayaa radio VOI warbixin dheer ka bixiyey sida ay ilaa hadda Soomaalida Qaxootiga ku ah Dhadhaab ay rajadoodu u liidato, rajada ay ka qabaan nabadda. halkan dhegeyso.... Guji

Soomaaliya shirdib uheshiin looma qaban ee waxaa looqabtay kii lagu tusilahaa aduunwaynaha waxa ay soomaalidu hugaamiyaasheedu yihiin. Waxaana cilmibaaristaas laga furay dalka Kenya oo haatan kusii dhow mudo labo sanadood ah. Waxaana laraadinayay furihii Soomaaliya loosoomari lahaa marka la ogaado hugaamiyaasheedu inta ay gaarsiisan yihiin, Waxaadse moodaa in lagu guulaystay ujeedadii laga lahaa, maxaa yeelay soomaali maantay kama qarsoona waxa kasoconaya dalka Kenya, kamaananse dhaxlin waxaan ka ahayn sumcad daro iyo ceeb iyo dhibaato hor alaah oo Somaaliya ku soo socota.

Hugaamiyashaan kasugaynay in ay Soomaaliya kusoo dabaalaan nabad iyo xasilooni iyo dawlad qaran waxay karfantii Soomaaliya geeyeen Kenya. Waxaa loosaaray dhari dabka midbaa sooboodoo waxuu yiri dhariga cusbada haloo badiyo, kiikalaa waxuu yiri haloo yareeyo, kan haloobadiyo leh iyo kanka yaraynayaaba ma oga waxa dhariga lagu karinayo. Waxaa la ogaaday in aysan waxba ku heshiin karin, waxaa loola dhaqmay si aan looladhaqmin dad masuuliyad sheeganaya, waxaa loodiiday cuntatii, jiifkii, Waxaana laga xirtay musqulihii waxayna keentay xataa in xabsiga lootaxaabo oo qolkuwada baryaan ayagii iyo tuugada suuqa laga soo qabqabtay.

Waxaana la ogaaday in laga samaysan karo waxii ladoono oo aysan lahayn wax damiir ah kuwo yar mooyaane. maxay kanuugtaa maxayse kunuugtaa kuwaan nabada ka sugaynaa kaa kuwaas laleeyahay maalin waxaad tagaysaan mombasa maalina Kampala maalina Adis ababa. Waxaana guryohoodii lookala diri doonaa markii ay soo dhamaato ula jeedadii laga lahaa. Waxayna lanoqonayaan in ay Soomaaliya markale dagaalo sokeeya ay kahuriyaan. Ilaahay mooyaane umada Soomaaliyeed cidna uma maqna.

Waxaan soo jeedin lahaa sadex arimood oo kala ah

1. In qofkasta oo damiir leh oo Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo uu uguntado siduu uga hortagi lahaa dhibatada Soomaaliya ku soosocota af, adin iyo maalba.

2. In la sameeyo urur iskuxira umada Soomaaliyeed ee ka fiyoow qabyaalada fahansana marxalada dhabtaa ee aan maantay kusuganahay hadaa nahay Soomaali, Waana in ay aqoon yahanadu xooga saaraan sidii ay arintaas kuhirgali lahayd.

3. In hugaamiyaasha Soomaaliyeed inta damiirka wadaninimo kujirto ay kuxuub siibtaan sidii Soomaaliya ay markale lugaheeda isugu taagilayd in ay kashaqeeyaan iskana hilmaamaan danahooda gaarkaa ee ay kashaqeeyaan dantaguud.

Taasi waxay inii horseedi doontaa sumcad iyo xilkii inisaarnaa oo aad gudateen waxaana noqon doontaan badbadiyaashii Soomaaliya markay koomada kujirtay. Waxaadna bulshada dhexdeeda kula noolaan doontaan magac iyo sumcad qaali ah. Marka maantay waxaad haysataan fursadaas ee ka faa iidaysta.

Abdullahi Mohamed
sweden
email burhaan99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA & RA'YIGA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD