WARARKA SHIRKADA DAHABSHIIL:
Shirkada Dahabshiil oo si rasmi ah u bilowday
lacagtii loo xawilayey Dalka Ethiopia.
Shirkada dahabshiil waxay macaamiisheeda iyo dadweynaha kale ee lacagaha u
dira dalka Ethiopia ugu bishareyneysaa inay dib u bilowday adeegyadii xawaalada
lacagta ee dalkaasi loo diri jiray. Iyadoo haatan macamiishu lacagahooda si toos
uga qaadanayaan Bangiga:
Wegagen Bank: oo ku yaala magaalada Addis ababa, dalka Ethiopia.
Talaabadanina waxay shirkadu ugu talagashay inay ku xaliso dhibaatooyinkii ka
haystay xaga xawaalada dadka soomaliyeed ee ku nool dalka Ethiopia. Waana markii
ugu horeysey ee shirkad Soomaaliyeed xidhiid sidaas ah la yeelato bangi ajanebi.
Waxay kaloo talaabadani ka mid tahay dadaalka ay shirkada dahabshiil ugu
jirto casriyeynta adeegyada xawaalada lacagta iyo wafajinta nadaamka bangiyada
ee caalamiga ah.
Waxay kaloo shirkadu macaamiisheeda ogeysiinaysaa inay hawlilhii xawaaladda
lacagta ka bilowday Goboladda:
- Virginia ( Tel. 703 642 6114)
- Tennesse (|Tel. 615 361 5369)
- Oregon (Tel. 503 977 2618)
- Main (Tel. 207 828 0312)
ee dalka Maraykanka, iyadoo shirkadu ogolaasho xawilaada lacagta (licence) ka
heshay saddexdaasi gobol. Waxayna shirkada Dahabshiil noqotay shirkada keliya ee
soomaliyeed oo si sharci lacagaha uga dirta Goboladaas. Waxaanu kaloo idin
xasuusinaynaa in shirkadu wakiilo ku leedahay gobolada Maraykanka badidiisa iyo
caalamka intiisa kale meeshii ay Soomaali joogtaba.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan xafiisyada waxaad kala xiriir
kartaa xafiiska kuugu dhow ee shirkada Dahabshiil.
Warkaan kala xiriir:
Abdirashid M Duale
44-7736820406 (UK)
Abdirashid@dahabshiil.com
ENGLISH VERSION: READ BELOW
:
|