SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
“QUURSIGU QIIL MA LEE YAHAY” 

SomaliTalk.com | June 2, 2003 | Minneapolis, MN, USA


I Am Proud To Be Midgaan
Waa qoraal ku qoraa shaar laga tolay bac oo uu gashanaa wiil Soomaaliyeed oo shirka joogey.

Shir aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacada Minnesota ayaa galabnimadii Sabtida lagu qabtay Xarunta Jaamacada Minnesota, shirkaas oo looga wada hadlay mowduuc uu cinwaankiisu ahaa “QUURSIGU QIIL MA LEE YAHAY”. Kaas oo dulucdiisu ahayd in lagu lafaguro sababta keentay in la takooro qayb kamid ah Soomaalida, dadkaas oo loogu yeero magacyo quursi ah sida laga sheegay shirka, magacyada la xusayna waxaa kamid ahaa: Madhibaan, Yaxar, Midgaan, Eyley, Tumaal, & Yibir. Waxaana shirku jaaha saaray sidii arintaas loo daweyn lahaa ama wax looga qaban lahaa.

Shirkaas oo ay kasoo qayb qaleen dadweyne aad u farabadan waxaa dadkii ka hadlay kamid ahaa:

  • Shiikh Cabdiraxmaan Cumar
  • Dr. Cali Khaliif Galayr
  • Xaaji Muuse Mire
  • Saciid Saalax
  • Sh. Cabraxmaan Shariif
  • Maxamed Daakir
  • Cusmaan Ducaale
  • Cabdirisaaq Cabdi
  • Maxamed Muxyadiin

Waxayna ka hadleed sida arinta quursiga wax looga qaban karo, warbixinta dame ayaana kusoo qaadan doonaa hadaladii halkaas laga soo jeediyey, waxaanse soo hormarinay sawirka nin dhallinyaro ah ee kor ka muuqda, kaas oo soo jiitey indhihii dadkii madasha isugu yimid ilaa masraxa lasoo taagey si looga bogto erayadii ku qoraa shaati bac laga tolay oo ay ku qoraayeen erayo uu ku muujinayey sida loo quursado qayb kamid ah Soomaalida. Erayadii ku qoraa shaatiga waxaa ka mid ahaa weer si weyn uga muuqatey bartamaha shaarkaas oo ahayd: I Am Proud To Be Midgaan. iyo erayo kale oo farabadan, balse dhammaan erayada sawirku ma qabankarayn iftiinka goobta aywgeed, waxaanse si gaar ah wiilkaas u weydiiney in uu erayadaas email noogu soo diro, haddii aan ka helo waan idinla qaybsan doonaa, haddii Allah idmo.


X. Muuse Mire oo ay la taagan yihiin Siciid Saalax iyo akhyaar kale, waa markii uu odaygu ooyey, si ay u dejiyaan ayeyna isu soo taageen.

Qisadii taas ka weyney ee shirka ka dhacday waxay ahayd in oday Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka shirka ka hadlay uu markii uu masraxa isasoo taagey meeshii uu hadalka ka bilaabilahaa ay kasoo hor martay oohin, taas oo qiiro naxdin leh gelisay dhammaan dadkii madasha isugu yimid, odaygaas Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Xaaji Muuse Mire, oohintii ma joojin ilaa ay soo istaageen rag dhawr ah oo uu kamid yahay Siciid Saalax oo ay madaxa ka dhunkadeen, dejiyeena, markaasna ay dhammaan dadkii shirka joogey istaageen. Sabatii uu sheegay in ay oohinta ka keentay kala soco warbixinta dambe, insha Allah.

Warbixinta oo buuxda kala soco SomaliTalk.com.

Haddii ay jirto qiso kula soo gudboonatey oo la xiriirta mowduuca shirkan oo aad jeceshahay in aan la qaybsatid mujtamaca Soomaaliyeed, fadlan nasoo gaarsii ama noogu soo dir emailka hoos ku qoran. Qoraalka qadiyadan ku saabsan waa ee aad soo direysid waa in uu ahaadaa mid wax xallinaya, xaqiiqona ah.

Warbixintii SomaliTalk.com USA
kala soo xiriiri Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2003

Kulaabo bogga hore ee Somalitalk.com ... GUJI  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD