SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
BEEN ABUURKA IYO MOORA DUUGA TAARIIKHDA BOONTA

Abdurahman A. Kaneec( C/Rahmaan Eelaay) eediran@yahoo.com 

June 3, 2003

KAAH

Dadka loogu yeero Midgaan waa dadkii asalkoodu deganaa dhulka manta loo yaqaano Soomaaliya. Waagii hore waxaa soomaaliya loo yaqaanay dhulkii Boonta (Punt Land).

Waxaanu wada ogsoonahay in Dadkan ay Soomaalida isku sheegta Laandheere ay xaqirto u taqaano magacyo badan, magacyadaa mid ka mid ahna waa BOON. Dadkani cirka kama soo dhicine soomaalida uun bay ka mid ahaayeen. Dadkani waa boqortooyo hore oo jabtay oo la kala qaybsaday. Waxay ahaayeen farsama yaqaano ka shaqeeya meherado dadka faaiido u leh, laakiin nasiib xumo waa lagu caayey oo lagu xaqiray. Akhristoow aan ku xusuusiyo in dunida kale ay ku faanto dadkooda xirfada yaqaana, waxaadna ka garan gartaa magacyadooda: Mr. Smith, Skinner, Shoemaker, Hunter, Barbar, Farmer, Fisher iwm

Dad kale oo la xaqiro ayaa iyagana lagu magacaabaa Adoon. Magacani wuxuu ka yimid luqadii hore ee Aramaic ee Nebi ciise dadkiisu ku hadli jireen, wuxuuna ahaa magacyada ugu sharafta badan ee Ilaahay lagu xuso haddana ay weli dadka yuhuuda ahi ay ma

Ki YHVH Eloheichem Hoe Elohei ha’elohim v’adonei ha’adonim =Afkii hore

For YHVH your God He God of the gods & Lord of the lords. = Ingriis

Ogow Allah ilaahagu waa ilaaha ilaahyada iyoSayidka Sayidyada= Somali

Magacii wanaagsanaa ee sidaa ahaa baaba laga dhigay mid hooseeya oo dadka lagu xaqiro!!

SABABTA UGU WEYN EE KEENTAY TAKOORKA

SHEEKOOY SHEEKO… …. … SHEEKO XARRIIR

Labo wiil oo walaala ah baa raadiyey gaal ka lumay. Aabahood baa intaysa tegin kula dardaarmay haddii ay waxay cunaan waayaan in bakhtigu xalaal u yahay laakiin ay iska matajiyaan markay cid wax siisa arkaan. Saddex beri oo baadigoob ah kadib, waxba may helin. Iyadoo gaajo naftu uga baxaso bay arkeen neef bakhti ah kadibna way boobeen.oo ka dhergeen. Waxay yimaadeen meel la degan yahay markaasaa mid ka mid ahi is mata jiyey kii kalena danba uma gelin. Markey aabahood u yimaadeen oo loo sheegay sida arrini u dhacday buu faquuqay oo gurigii ka eryey kii aan ismatajin. Ninkii baa tarmay oo farciisii noqday “Midgaan”, KII KALANA OO AH QABIILADA KALE EE SOOMAALIDA WUXUU NOQDAY NASAB, LAAN DHEERE!!

Haddaba isweydii haddii aad joogtay dagaaladii sokeeye

IMISAA BAKHTI, KAADI, HARAG, CAWS, HILIB DAD KA DHEREGTAY DAGAALADII SOKEEYE EE KA DHACAY DALKA? ILAAHAY MA KUTUSAY REER WIILKOODII AMA HOOYADOOD OO DHIMATAY CUNAYA?

KUWANI MA MIDGAAN BAA? MAXAA LAGU SHEEGI KARAA? MARKA AAD WEYDIISID WAXAY KU ORANAYAAN DARUUF BAA NOO GEYSAY OO DIINTAA DHIGASA IN BAKHTIGU KUU XALAAL YAHAY!!!!!!!!

· HADABA REERHA SOOMAALIDA LAANDHEERAHA AH GABADHOODA MIDGAANKU MAGEEYO! , GABADHA ASTURAN EE SHARAFTA LEH LAAKIIN MIDGAANTA AH CIDI MA GUURSATO!, CAJAAIB SHIIKHOW!!!!!!

· HADDII MAREYKAN MADOW, MID CAD, AFRIKAAN, REER YURUB, CARAB IYO CIDKALOO NAGA DHAQAN IYO DIIN DUWAN GABADH LAAN- DHEERA AH GUURSATO DHIB MALE OO AJNABI CAD, MADOW, CAS, CARAB, GAAL BAA GUURSADAY! MIDGAANKU BAKHTI BUU CUNOO MA GUURSAN KARTO OO FIRKOODAA XUN! CAJAAIB SHIIKHOW!!!!!!!!

MAXAA XAL AH

Sida keliya ee aan is leeyahay wuu ku baabi’i karaa midab takoorka iyo aflagaadada lagu hayo dadka lagu magacaabay Midgaha waa sidan:

1. In dadkani ay sheegtaan oo aysan ka baqin waxa lagu sheegayo oo ah “Midgaan”! waayo waxaanu ognahay inay salaanta ka dib ay Soomaalidu is tiraahdo kumaad tahay?. Haddii aadan kalsooni muujinin oo aadan isku sheegin “Midgaan” oo aad sheegatid qabiilooyin kale waxay kugu noqonasaa wax kugu taagan oo soo noqnoqda!. Waayo waxaa ku xigta yaad ka tahay? Ina aya ayaad tahay? Oo Hebel ma qaraaba ayaad tihiin??? Marka dadkan ay Soomaalidu duleeysay ay isa soo qaadaan oo ay muujiyaan kalsooni naftooda ah lana baxaan magaca loogu yeeray ee Midgaan ama Madhibaan-ka ah markaa magacii wuxuu noqonayaa magac jira oo ka midnoqonaya qabiilada soomaalidu sheegato. Ma dhacayso wax la yaabid ah ama xaqiraad ah waayo adigaaba isugu yeeray. Waxaan oran lahaa ha ka mid noqdo magacyada loola baxayo carruurteena, Magacyada dukaamada, jaraai’dka, Istiikarada baabuurta bambarkooda lagu dhejiyo sida:”I’M PROUD TO BE MIDGAAN”, Magaca magaalada ama tuulada dadkan u khaaska ah iwm. Waxaan ku farxaa sida daka Oromada ah ay isu muujiyeen. Meeshaad tagtid dunida waxay ku leeyihiin waxaanu ka nimid OROMIA! Ma oran kartid waxaa tahay Itoobiyaan oo dowladaha ay la joogaan baaba ugu yeera Qowmiya Oromada. Markaa walaalahay waxaan leeyahay MIDGAAN HA NOOLAADO, ISMUUJI, OO HA BAQIN. OGOW WAX WALIBA WAA INTAY CUSUB YIHIIN. MARKA LAGU BARTO WAA WAR LAHAYAA XIISO MA LEH!!!!

2. In dadka sheegta Diinta Islaamka ee culumada ahi ay ka run sheegaan wacdiga ooy ku dadaalaan inay arrintan uga hadlaan muxaadarooyinka ay dadka u qabanayaan! Ilaa dhoor goor baan ku weydiiyey cullumo kala duwan shirar kala gedisan, mid walbana wuu ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlo isgoo leh waxaanu ixtiraamanaa dadka loogu yeedho Midgaan si ayan nooga xumaan ama nooga nixin!. Waxaan filayaa kaalinta ay culumadu kaga hadli lahaayeen midab kala soocaan iyagoon waxba qarin waay banaan tahay.

3. In la helo Garaad, Suldaan, Ugaas, Oday, Malaaq, Wabar, Boqor iwm oo bilaaba jid cusub oo lagusoo xero gelinayo walaalaheen lagu takooray BAKHTI BUU AWOOWGOOD CUNAY!!! Ogow inaan laga sugin kaaba qabiilada inay arrinta ka hadlaan waayo waxay waayayaan doorkii ay ku lahaayeen qabiilkooda, laakiin odeygii bilaabaa inuu xaaraan timeeyo jidkan xun ee la caadeeystay taariikhda ayuu baal dahab ah ka geli doonaa. Waase kuma? Odaygee ku dhaca? Ogow Nolosha danbe ayaa ka qiima badan tan aanu joogno ee Odayoow waa lagu maqlayaaye habaar ama duca dheh, Suulkii goroyo oo gaabtay dheh!!!!!!

4. In lahelo Xukun dowli ah oo gacan adag oo bir ah u adeegsada ciribtirka midabkala soocan aan macnaha ku fadhiyin. Taasina Ilaah uun baa laga sugayaa waayo qabqablaha dugaaga ah baanu utaag la’ nahay!!!!! 

 

HA XAQIRIN, HA XUMEYN, HA DULEYN OO HA XASDIN 

Abdurahman A. Kaneec( C/Rahmaan Eelaay) eediran@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2003

“QUURSIGU QIIL MA LEE YAHAY”
Shir aad loo soo agaasimey oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta Jaamacada Minnesota ayaa sabtidii lagu qabtay Minneapolis, kaas oo ... GUJI... June 2

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD