SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD:  AP | AFP | Ruters | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | theStar | IOL  
PAKISTAN: PakNews | Jang | Dawn
MID EAST: Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  
Sawirka: CBC TV
WARARKA DAGAALKA CIRAAQ

CIRAAQ: DAGAALKII DHULKA OO BILAABMAY

March 21, 2003

HADDA: WARARKII UGU DAMBEEYEY EE CIRAAQ
VIDEO:
Daawo wararka AP ee Ciraaq... 
MAP: Khariidada Ciraaq 

Wararka ilaa xalay kasoo baxayey dagaalka Ciraaq ayaa sheegay in dagaalkii dhulka uu ka bilaabmay halkaas kaddib markii ciidamada Maraykanku ay xalay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka u dhexeeya Kuwait iyo Ciraaq.

Sawirka: ABC

TV-ga ABC ayaa soo saaray sawiro muujinaya kolonyo taangiyada Maraykanka oo ku sii socda Koonfurta dalka Ciraaq.. [Akhri halkan.... ]

TV-ga CBC ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku hogaaminayo ay qabsadeen dekadda al-Faw. [Daawo Wararkii CBC]

Sida ay werisey hay'adda AP, askari Maraykan ayaa lagu diley dagaalkii meel u dhow wadada ku xiriirsan Basra. akhri halkan.

Sida ay werisey hay'adda Reuters, askarta Maraykanka ayaa calanka ameerikaanka ka taagey  meel marso (deked yar) ah oo u dhow Umm Qasr waxyar kaddibna ka dejiyey calankaas Maraykanka, sabatana lama macnayn sida ay hay'adu werisey.  akhri halkan.

Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Blair, waxa uu yiri dagaalkan (ciraaq) ma noqon doono mid si degdeg ah ku dhamaada. Daawo halkan.

Wasiirka warfaafinta Ciraaq, Mohammed Al-Sahaf, waxa uu sheegay in Saddam Xuseen uu bedqabo kaddib laba maalmood oo la duqeeyey Baqdaad. "Waxay weerareen guriga Saddaam Xuseen iyo qoyskiisa, laakiin wey nabad qabaa, wey nabadqabaan" ayuu yiri Mohammed Al-Sahaf oo Jimcadii la hadlayey wariyayaal.  Halkan ka daawo hadalkii Maxamed Al-Sahaf. Dhanka kale warar ay werisey jariidada Washingtonpost ayaa sheegay in ay dici karto in Saddam iyo mid ama labadiisa wiil ay ku jireen gurigii gantaalka lala beegsaday habeen hore, laakiin aan la ogeyn in Saddam uu ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkaas. Halkan ka akhri warkii Washingtonpost.

Sawirka: Reuters

Dhanka kale, Diyaarad ku qaraxday dalka Kuwait ayaa lagu soo waramay in ay ku dhinteen 12 qof oo saaraa, kuwaas oo kala ahaa 8 u dhashay Briton iyo 4 Maraykan ah, [wararkii u horeeyey ee kasoo baxay waxay tiradaas ka dhigeen 16, laakiin wararka u dambeeyey waxay tiradaas ku sheegeen 12], sidaas waxaa ku waramay TV-ga Canada ee lagu magcaabo CBC . Sidoo kale waxaa warbixintaas mid lamid ah ku waram TV-ga maraykanka ee ABC, kaas oo ku daray in diyaaradaas nooceedu uu ahaa U.S. CH-46 oo ay leeyihihin ciidanka badda ee Maraykanka. 
Halkan ka daawo Warbixintii TV.CBC

Wixii kusoo kordha wararkaas  ka akhri halkan...

<><><>
Daawo Khariidada Dagaalka ee Maalintii 1aad....  
IRAQ TODAY'S NEWS...
| WORLD LATEST NEWS 
<><><>

WARARKII XALAY: 

Wararka caawa ka imanaya dagaalka Ciraaq ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay bilaabeen dagaalkii dhulka, waxana ay qabsadeen magaalo u dhow xadka Ciraaq ay la leedahay Kuwait. 

Sida uu werinayo Telefishanka Canada ee CBC magaaladaas gacanta u gashay ciidanka Maraykanka waa Umm Qasr oo ku taal Koonfurta Ciraaq. Waxaana warku intaas ku daray ciidanka US. Marine ay xadka Kuwait ka gudbeen caawa xilli mugdi ah ayna magaaladaas qabsadeen, waxaana taas ka horeeyey hub culus oo halkaas lagu garaacay intii aan ciidanku u tallaabin.

Sida uu weriyey TV-ga ABC, Ciraaq waxa ay beenisey in magaaladaasi ay gacantooda ka baxday.

Waxaa warku intaas ku daray in qof jooga dhanka Kuwait uu maqlay qarax aad u weyn kaddibna uu arkay holoc kasoo baxay meel durugsan oo xigta dhanka Basra. Saraakiil Maraykan ahna waxay sheegeen in Ciraaq ay dab qabadsiisay saddex ceel oo kuwa saliidda ah.

Warar kale ayaa sheegay in qarax laga maqlayey agagaarka magaalada istaraatiijiga ah ee Basra oo ah magaalada ugu weyn koonfurta ciraaq.

TV-ga Al-Jazeera ayaa ku waramay qarax ka dhacay magaalada kale ee lagumagcaabo Mosul oo kamid ah Ciraaq.

Wararka ka imanaya Jordan ayaa sheegaya in qaxooti ka imanaya Ciraaq ay halkaas soo gaareen [DAAWO Halkan].

Qaraxii gantaalihii ku dhacay Baqdaaq 
Sawirka AP:

Dhanka magaalada Baqdaaq, waxaa habeenkii labaad laga maqlayey gantaalada kasoo dhaca maraakiibta ee loo yaqaan Tomahawk kuwaas oo kusoo dhacayey meelo yool ah oo kuyaal magaalada.

Qof u hadlayey ciidanka Ciraaq waxa uu sheegay in Ciraaq lagu soo gamey 72 gantaal ee loo yaqaan cruise missiles, kuwaas oo uu sheegay in badankooda laga hortegey (ama dhulka ay soo dhigeen Ciraaqiyiintu) laakiin faahfaahin kama uu bixin arintaas sida warku sheegay.

Raadiyaha Ciraaq wuxuu sheegay in guriga qoyska Saddaam Xuseen gantaal ku dhacay laakiin aan qofna ku dhaawacmin.

TV-ga Ciraaq wuxuu sheegay in dagaalkii Khamiista ay ku dhinteen afar askarta Ciraaq ah, ayna ku dhaawacmeen shan kale. Ciiraaqiyiintu waxa ay sheegeen meelaha la weeraray in ay ahaayeen goobo shacab.

Dhanka kale wararka ka imanaya Turkiga ayaa sheegaya in dalkaasi uu diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka u ogolaaday in ay dul maraan Turkiga. [Dhegeyso halkan]

»»VIDEO: Ciraaq oo Gantaalo Ku Gantay Kuwait
»»VIDEO: Bush oo  bixiyey amarkii weerarka ciraaq 
»»VIDEO: Jawaabtii Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq

MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ ?? TAARIIKHDA CIRAAQ
Waa faallo ku saabsan Ciraaq oo uu qoray C/Raxmaan Darbane

CIRAAQ & DAGAALKA MAREYKANKU LA DAMACSAN YAHAY
Faallo iyo warbixin dheer oo uu qoray Shariif Macallin Maxamed

MAXAA CIRAAQ LOO QABSANAYAA? ... FAALLO 1aad
waxaa isku soo dubaridey Axmed Dowlo...

VIDEO: BUSH OO SADDAM U QABTAY 48 SAACADOOD
Kudhbaddii uu Bush xalay u jeediyey dadka Maraykanka ayuu ku sheegay in Saddam iyo wiilashiisu ay Ciraaq kaga baxaan 48 saacadood hadii kale la weerarayo... Daawo Khudbadii Bush

Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien oo ku celiyey in uusan taageersanayn dagaalka Ciraaq. Daawo...

Golaha ammaanka ayaa markiiba cabaareeyey dagaalka Ciraaq lagu qaaday. [Dhegeyso halkan].

Madaxda adduunka ee ka hadlay dagaalka Ciraaq waxaa kami ah madaxweynaha Ruuska, Vladimir Putin, waxana uu weydiistey in dagaalka Ciraaq ay ku qaadeen ciidanka uu hoggaaminaya Maraykanku in la degdeg loo joojiyo. Warbixin dheer oo arintaas ay ka qortay warbaahiunta Ruusku ka akhri halkan. Madaxda kale oo ka hadlay dagaalka Ciraaq ka akhri halkan.  

Maalintii koowaad ee dagaalka Ciraaq waxaa daafaha dunida ka bilaabmay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo weerarka Ciraaq. Waxaa lagu soo waramay in 150 qof ay ku dhaawacmeen mudaharaadyo ka dhacay dalka Masar. [Halkan ka akhri...]. Meelaha kale ee dunida ay mudaharaadyadu ka dhaceen ka akhri halkan.. . Canadian-ka kasoo horjeeda dagaalka ka daawo halkan

Maraykanka waxaa hadda khaliijka ka jooga ciidan aad u tira badan kuwaas oo xarumo kuleh wadamada Kuwait, Saudi Arabia, Turkey iyo Qatar. [Akhri halkan...].

Dagaalka Ciraaq waxa uu bilaabmay qiyaastii 90 daqiiqo ka dib waqtigii 48-ka Saacadood ee kama dambaysta ahaa ee Bush u qabtay in Saddam iyo wiilashiisu ka baxaan Ciraaq. Waxaana dagaalkaas marakiisa bixiyey Madaxweynaha Maraykanka, Bush, asaga oo dadweynaha Maraykanka kala hadlay TV-ga [Daawo Bush oo  bixinaya Amarkii dagaalka Ciraaq]. Saacado ka bacdi ayaa Madaxweynaha Ciraaq, Saddam, oo gashan dharka tuutaha dagaalka asaguna ka hadlay TV-ga Ciraaq, kaas oo si toos ah looga daawanayey telefishanada Maraykanka  [Daawo Jawaabtii Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq].

<><><>

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI

IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 

 WORLD:  AP | AFP | Ruters | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | theStar | IOL  
PAKISTAN: PakNews | Jang | Dawn
MID EAST: Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette

Somalitalk.com | Canada | March 20, 2003

I  I  D  H  E  H

Tixraac: CBC, ABC, moscow times.

 

  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD