“ War saxaafadeed
ka soo Baxay Ururka siyaasadeedka Banaadiriga “
Xaqaa oo la’hareer Maro Xal
Kuma Yimaado
Goddomiye xigeenka SANU
Dr. C/qadir X Sufi ( Muriidigof)
E-mail : muriidigulf@hotmail.com
Faafin: May 3, 2003
War saxaafadeedka ururka SANU ee
Banaadiriga asagoo ka jabaab celinaaya Dad
isugu magaacaaway in ay xal u kenyaan Nadaam xumada ka taag neeyd Gobolka
Banaadir ayna u dhisi doonaan maamul, maamulkaas oo cidna la xaqirin
xuquuqdeedana la duudsin. ka dibna waxaa dhacaday in laga weeciyay dariiqi
xalaasha aheyd ee aheyd in sii siman loogu qeyb galo dhismaha mamulkaas laga
dhisi doono oo cidwaliba ay iska dhex arakto Maamulkaas taasina may dhacin oo
waxay noqotay kadaroo dibi dhal , lid ku ah jiritaanka fac weeynaanta dadka reer
Banaadiriga.
Hordhac
Waxaanu idiin soo bandhigeeyna halkan sida ay
wax u dhaceeyn waana sidan .
Taariikhdu markay aheyd 4tii Diseember 2002
Eldoret Kenya xubno ka tirsan kuwa ku hubeeysan Magaalada Xamar in ay Shir ku
yeesheeyn Hotel Sirikwa ee Eldoret Kenya aya waxaa dhacday intu shirkaasi asaga
ah ka socday 4tii diseember,ayaa waxaa looga hadlaayay sidiii ay,nabadu ku soo
noqon laheeyd magaalada Madaxda Soomaaliyeed ee Xamar .Gobolka Banaadir.
Ayaa waxaa dhacday in talooyin lis weedaarsado
DKMG iyo guruubka xamar ku hubeeysan
Oo ay kala ahaayeeyn dadkaasi.
- Maxamed Qanyare Afrax ( murusade )
- Muuse Suudi ( Abgaal Da’uud )
- Caasha Cilmi ( Habar Gidir Suleyman )
- Xusein Ceeydiid ( Habar gidir Saacad )
- Xusein Bood ( Abgaal waceeysle )
- Xasan Abshir ( TNG )
- Cabdalle Deero ( TNG )
Ayadoo waqtigaasi lagu gudi jiray wada
hadaladaasi ku sabsaneeyd sidii lo firi lahaa degadda iyo Airpoorka aya qomiyada
Banaadiriga Codsatay in ay ka midnoqoto dadka ka arimiya arrimaha goboolkoodi oo
aay xaqu u lahaayeeyn nabadeeyn tiisa hurumarintiisa Dhismahiisa ee Xamar” G/Banaadir.ayaa
waxaa dhacday in loo diido in ay ka arrimiyaan mustaqbalka gobolkooda ee
Banaadir aayahiisu ay wax talo ah ay ku yeeshaan oo ay xaqu ay u leeyahiin oo
cid ay ka baryaayan ay san jirin ayaa hadana lo awood sheektay waxaana dhacday
inlagu xushmeyn waayay laguna qadarin wayay melna loga dhacay karaamadedi iyo
sharafteedi logu sameeyay mar alaalle markay soo gaartay wareegii hadalka u ku
soo aaday Banaadiriga aya intay isdhugteeyn isfiirshyeen ayaay mar qura wada
istaageeyn qoladaasi qaarkoodi oo durbadiiba ku dhawaaqay in u shirkii meesha ku
dhamaaday isla mar ahantii heestti calanka meeshay ku qaadeeyn oo aheyd
Soomaaliyeey toosoo .. ayagoo xaqiraay Duudsiiyay. xuquuqdii Banaadiriga ayaa
ajanabiigii shirkaasii goobjooga ka ahaa iyo Soomaalidii kale ee ayagana
meeshaasii jogayba aya mar kaliya naxay sida naxriis la’ aanta ah loola
macaamilay Banaadiriga Dhulkoodi . ayadoo sheekada
halkaasi mareeyso aya waxaa isoo xil qaamay qaar ka mid ah hogaamiyaash sida
Maxamed qanyare afrax iyo odayaak-farabadan oo u yimid in ay xaal mariyaan
Banaadiriga ayay u yimaadeeyn Dr. Cabdulkadir Xaji Suufi (muriidigolf) madaxana
ka saaray Cammaamad waxaayne ku yiraahdeeyn raali ka noqda waxii dhacay ee niila
geestay oo idiin geesteen USC. hadaad tahiin reer xamar.rali ahada waxayna balan
kuqaadeyn maxamed qanyare iyo odeyaashaba dib loo saxi doono waxii qaladaad oo
dhacay loona noqon doonin. Hase yeeshee mudo ka dib Magaalada Muqdishu bishii
Apriil marlabaad ayaa shir ku yeesheeyn qoladaasi oo loga hadlaayay maamulka
goboolka Banaadir .
sidoo kale wax tixgilin lama siinin qowmiyada
Banaadiriga ..waxaana lala barbar dhigay maah maah soomaaliyeed oo oraneeysa :
Seddax ayaa dad ugu liita,nin jooga oo aan la tirsan,nin tegaya oo aan la’celin
iyo nin maqan oo aan la’tabin.taasina mahan mid aan ogolaan karno oo ah mel ka
dhac,ka qaadis karaamad sharafta iyo qimaha qowmiyadda Banaadiriga (reer
Xamar).ka sokow waxyeeladii aan la soo koobi Karin ee lo geystay qowmiyadda reer
Banaadiriga oo ku abtirsata Magaala-madaxda Soomaaliyeed ee Xamar waxaa
nasiibdarro ah in shirarka looga hadlaayo Xamar G/ Banaadir arrimaheedii lesku
qiimeeyo oo kaliya Yaa gacan ku dhiigle ah oo gumaaday,baraciyay Dadweeynaha
Soomaaliyeed burburkii dalkana qeeybweeyn ka qaatay.
Taasina may u noqon doonta suuragalna maahan
aqliyada bina aadamkana ka fog waxay kula kacaan Bulshada aan hubeysneen .taasi
suura galimeeyso in la dhisoo maamul aan loo dhameeyn in laga hirgaliyo Goblka
Banaadiriga (Xamar) sidaasi awadeeda waxaan ugu baqeeyna umaadda somaalieed iyo
bulshada caalamka ee nabada jecel iyo wada noolaashaha, in ay ku taageerin
dulmiga iyo duudsiga xuquuqeeyd ee lagu wado in maamul aan loo dhameeyn laga
hirgaliyo gobolka Banaadiriga ee Xamar.
Hindisaha SANU ee ku wajahan
FEDERALKA GOBOLKA BANADIR
Sida la wada okyahay
Soomaalidu shirka ugu socda mbagathi ee nairobi kenya
Waxay ku wada hishiiyeyn in la qaato “FEDERAL
SYSTEM” taariikhdu markay aheeyd
17kii Apriil 2003 Nairobi .
laakiin ay wili dhiman tahay habkii iyo
gobolada is raaci laha Hindisaha Ururka SANU
ee Banaadiriga oo tilmaan ka bixinaaya sida
laysu raacsiin laha gobolada isu raaci karaan
taas oo suura gal noqon kara .. FEDERAL
SYSTEM
Proposal and a potential solution to the
conflict and problem of Somalia
- Somaliland ……………………… ( one
stat )
- Putland ………………………. (one
state)
- EX Banadir/sh,hoose/sh,dhexe. (one state)
- Bay/Bakol/Gedo ………………. (onestate)
- Jubada Hoose/Jubada dhexe … (one state)
- Hiiraan/South Muduk/Galgudud (one state)
Hindisaha SANU ee federtalaka
Gobolka Banadir
Hindisaha ururka Sanu ee Banaadiriga waxa
saldhig u ah in Gobolka Banaadir loo kala qaybiyo laba Gobal laguna kala
magacaabo
- A. Gobolka
Xamarta Weyn iyo
- B. Gobolka
Xamarta Cusub
A. Gobolka Xamarta Weyn wuxuu ka
koobnaandoona, 8,Degmo oo kala ah , Degmada
Cabdulcasiis,Shibis,Boondheerte,Shingaani,Xamar weyne,Xamar
jabjab,waabari,iyo Jaziira oo loo Aqoonsandoono Degmo Cusub.
B. Xamarta Cusub wuxu ka
koobnaandoona,8,Degmo oo kala ah
Degmada Kaaraan,Hiliwa,Yaqshiid
Wardhiigley,Hodan,Wadajir,Dharkenley,iyo Hawal wadaag.
Xadka labada Gobol ee
Banaadir
C. Labada Gobol waxa k dhexeyndoona wada
Shaqeeyn,waxaana xad u noqon-doonaWadada Sanca oo ka soo Bilaabata liido una
leexata stadiyo-kooni hormartana Daarta Beyxaani ilaa warshadda kabka una
leexata wadada Nasiib Buundo ilaa Madaxtooyada ka dibna Xadka wuxui u
leexanaya wadadda Sheikh Suufi iyo Radio Mugadishow dhinaca galbeed ee
madaxtooyada una soo leexata golaha Ummadda kuna soo dhacda wadada
makka-aklmukaram ilaa aarkada km,4 nabar afar ka dib xadka laba Gobol wuxu u
leexanaya dhinaca wadada Airporka,Xalane ilaa Jaziira.
Gobolka Xamarta Weyn wuxu
yeelandoona
- Ø 1.Guddoomiye Gobol
- Ø Guddoomiyaal Degmo oo ilaa 8 ah
- Ø Duq magaalo
- Ø Isu duwaha arrimaha Federaalka
- Ø Golaha odi yaasha oo ka imaan doona 8
Degmo
Gobolka Xamarta Cusub wuxu
yeelandoona
- Ø 1.Guddoomiye Gobol
- Ø Guddoomiyaal Degmo oo ilaa 8 ah
- Ø Duq magaalo
- Ø Isu’ duwaha arrimaha Federaalka
- Ø Golaha odi yaasha oo ka iman doona 8 Degmo
Madaxda labada Gobol
- D. Gobolka Xamarta Weyn Waxa Guddoomiyeyaal
iyo Duqa Magaalada ka Noqondoona dadka Reer Xamarka Asaliga ah oo u dhashey
aagaasi.
- E. Gobolka Xamarta Cusub cidda Gudoomiyeyaal
iyo Duqa Magaalada Ka noqonaya waxa ka talo bixinaaya beelaha aagaasi kala
degan.
Dekadda iyo Airporka
Sida la wada ogsoonyahay Dekadda iyo Airporka
oo xirneeyd muda 13 sanadood oo ubaahan Dayactir aad u farabaan.
Sidaasi Darteed Hindosahani wuxu ku talinaya
in maamulka Dekedda iyo Airporka lagu aamino Madaxda Gobolka Xamarta Weyn oo
ah Dadka asal ahaan u Dhashay Reer Banaadiriga ama Reer Xamar Taaso Suurta
geliunkarta in Dekedda iyo Airporkaba si Cadaalad iyo Aminimo loo maamulo
dadka Soomaaliyeed.
Dhaqaalaha ka soo gala Airporka iyo Dekadda
qeyb waxa lagu kabi doona miisaaniyadda Gobolka Xamarta Cusub si loogu
Hurumariyo.
Gobol kastana wuxuu Yeelandoonaa Sharuuc iyo
Xeer Hoosaad u gaar ah oo lagu maamulo.
Lifaaq. Maab muujinaayo Meesha u maraayo
Xadka labada Gobol oo kala ah xamarta weyn iyo Xamarta Cusub. Wabilaahi
towfiiq
Goddomiye xigeenka SANU
Dr. C/qadir X Sufi ( Muriidigof)
E-mail : muriidigulf@hotmail.com
Qoraaladii Hore ee
MuriidiGulf... GUJI
May 3, 2003
Kulaabo Bogga
Hore....
|