SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
SOMALI PEACE RALLY

Galkacyo, Somalia, 5tii MEEY 2003


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M5/127/2003


BOSAASOOY HA ILLAWIN XAD-GUDUBKII XAQUUQUL IISAANKA EE PUNTLAND

 

KAAH

Galkaio City, Somalia, 5tii MEEY 2003 – Somali Peace Rally – Wararka ka soo yeeraya geyiga loo yaqaan Putland waxaa ku socda xawaara aan caadi ahayn ololo nabadeed oo niyadda dhisaya, ka dib markii ay colaad siyaasad huwani ku habsatay gobolladaas muddadaan dambe gaar ahaan afartii bilood ee la soo dhaafay. Heshiiska la filayo inuu dhexmaro Golaha Badbaadinta Puntland (GBP) iyo maamulka Cabdullahi Yuusuf waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid si fiican u abbaara xallinta foolxumadii ka dhacaday aagga Puntland.

Waxaa SPR uga digaysaa ragga ku kodlaya magaalada marsada ah ee Bosaaso inay fiiro gaar ah u yeeshaan xad-gudubkii xaquuqul iinsaanka ee ka dhacay Puntland.Waa in la kala saaraa heshiis siyaaso oo dadka madasha isugu imaanaya ay ka go’do tanasulka siyaasadeed, iyo xad-gudub xaquuqul iinsaan, gaar ahaan dil siyaasadeed oo weliba loo geystay dad biru-ma-gaydo ah.

Waxaan soo jeedinaynaa in ajandaha wada hadalka ka furmi doona Bosaaso ay muhiim ka ahaato baarista iyo wax ka qabashada dadkii lagu dilay meelaha ka baxsan goobaha dagaalka, gaar ahaan dilkii loo gaystay Suldaan Axmed Maxamed Hurre ee Kalay-bayr, Col. Faarax-dheere ee Garoowe, iyo Ganacsade Abdirisaaq Boobe ee Qardho.

Waxaa hore u dhacday inaan la samayn baaris madax-bannaan ee ku aaddan ka takhaluska raggaas, maanta waa lagama maarmaan ah in la helo KOMISHAN madax bannaan oo baara talana ka keena waxa ay mudan yihiin ciddii ka dambaysay ama dishay shakhsiyaadkaas bulshada qaaliga ku ahaa. Waxaa SPR rajaynaysaa inaan talo dhaafin xubnaha GBP ee ka qaybgalaya wada hadalka Bosaaso.

SPR, contact e-mail sprally@hotmail.com

May 5, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh oo ay gaar u tahay SPR, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

Kulaabo Bogga Hore....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD