Ku. Shacab weynaha putland
Ku. Maamulka putland
Og. Waxgaradka iyo aqoon yahanada putland
Og. Erga nabadeedkii heshiiskii barwaaqo/boosaaso
Ujeedo soo dhoweeyn ka hirgelinta maamulka
putland gobolada sool, sanaag iyo hawd
Gudiga maamulka jaaliyadda SSH ee Kuwait waxaay
aad ugu faraxsan yihiin soona dhaweynasaa heshiikii ka dhacay gobolka bari (boosaaso)
ee nabadda, isla markaa guddiga jaaliyadu wuxuu soo dhaweynayaa taalaabooyinka
ku dayashada iyo garab sitaagga leh oo uu qaaday maamulka Putland bilihii ugu
danbeeyey ee la soo dhaafay gaar ahaan sida ka hirgelinta maamulka Putland
gobolada SOOL, SANAAD, IYO HAWD.
Goboladaas oo aan haba yaraatee wax talaabo
maamul ah ama horimarin ah iyo nabad gelyo ah hore aanay uga samayn maamulkii
putland taas oo dadweynaha deegaanadaas ee reer putland ay tan iyo xilligii
dhidibada loo taagay maamulka jiritaanka putland ka qabeen walaac, isa soo tarid
la,aanta horumarineed ee ku wajahnaa goboladaasi aanu u muuqan mid uu maamulka
Putland diyaar u yahay inuu wax ka qabto.
Halka dadweynaha kale ee reer putland ee degga
gobolada kale ee putland intooda badani u arkaayeen in maamulkoodu ku hawlan
yahay arimo siyaasadeed oo dhaafsan horumarinta gobolada lixda ah ee putland,
hadaba si kastaba ha u dhacdee waxaan u aragnaa in maamulka putland uu ka qaaday
talaabooyin arimo dhawr ah oo hore uga baaqday inuu wax ka qabto gobolada
Putland.
Inkastoo mararka qaarkood la odhan karo inuu u
arkaayey maamulka putland in laga hirgeliyo maamulka gobolada sool, sanaag iyo
hawd ay u muuqanaysey midaanay u bislayn goboladaasi oo uu ka jiray ismaan dhaaf
siyaasadeed iyo khal khal ay gelisay maamulka HARGEYSA oo sheegta inuu ka go,ay
ummadda soomaaliyeed inteedii kale, ilaa haddana aan wax aqoonsi ah ka helin
ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba isla markaana dadka soomaaliyeed ee degga
BURCO, HARGEYSA IYO NAWAAXIGOODA ee maamulka hargeysa sheegto inuu ka helo
taageero, ay ku kala qaybsan yihiin waxa ay ku danbayn doonto ka maqnaanshaha
bulsha weynta soomaaliyeed ee walaalahooda oo ilaa iyo hadda aanay u cadayn
siyaasiyiintoodu waxyaabaha dhabta ah ee ay kala kulmaan dunida.
Gudiga fulinta SSH ee KUWAIT waxay marlabaad
soo dhaweynayaan taageerona u fidinayaan taalaaboyinka uu qaaday maamulka
Putland oo ah runtii wax aad loogu baahnaa in deegaanadaas laga hirgelyo habsami
u socodka cashuuraha, nabadgelyada iyo adeegga guud ee bulshada sida caafimaadka,
waxbarashada iyo wixii la midka ahba, sidoo kale Guddigu wuxuu ugu baaqayaa
dadweynaha degga deegaanadaas inay gacan siiyaan maamulkooda isla markaana
illaaliyaan deris wanaagga beelaha ay wada degaan ee dhinaca galbeed iyo is
dhexmarka bulsha weynta soomaaliyeed.
GUDDIGA FULINTA SSH EE KUWAIT
- 1. Saalax Shire Saalax Gudoomiye
- 2. Axmed Maxamed Aadan tabaatig Xubin
- 3. Siciid Ismaaciil Hibool ^
- 4. Axmed Max,ed Cali Qodax ^
- 5. C/laahi Sheekh Max,ud ^
- 6. C/laahi Max,ed Aadan Dhoolawaa ^
- 7. Naasir Sheekh Saalax ^
- 8. Max,ud Ismaaciil Nuur ^
- 9. Yuusuf Xaaji Samatar ^
- 10.Faarax Cabdi Gaas ^
- 11.Max,ed Xirsi Caynab ^
- 12.Max,ed Faarax Abyan ^
- 13.Max,ed Ciise Muuse ^
Baaqan kala xidhiidh_faah faahintiisa
Guddiga fulinta ssh_kuwait@hotmail.com
10/5/2003
QORAALADII HORFE EE SSH
| ama Guji Halkan
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
|