HAMBALYO, BAAQ, IYO HOGA TUSAALAYN IS RAACSAN
KA.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) | KARACHI,
PAKISTAN | diridhaba2001@hotmail.com
KU: SHACBI WEYNAHA REER SOMALILAND MEEL WAL
OO AY JOOGAAN.
KU: GUDDIDA COMMISSIONKA QARANKA EE
SOMALILAND
KU: DHAMAAN AXSAABTA SIYAASADDA EE
SOMALILAND
KU: WAXGARADKA IYO SIYAASIYIINTA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
May 11, 2003
Waxaa mahadleh allaha weyn ee subxanahu
watacalaye inagu hanuuniyey dariiqa san, waxaa hoodo iyo nasiib leh, shacbiga
reer Somaliland oo hibo iyo ayaan ilaahay u siiyey in ay dalkooga ku dabaalan
hanaan dimuqradiyadeed, kana gudbaan nidaamkii qabiilaysiga, waxaa aan mahad
balaadhan usoo jeedinaya commissionka dooroshooyinka qaranka ee Somaliland oo
iyagu gutay hawshoodi shaqo, gun iyo gobonimo waxay ku mutaysan doonanna allaha
weyn ee caadilka ah ayuunba ogaan kara, anigase waxaad iga mudantahiin hawshii
balaadhnayd ee aad qaranka u qabateen amaan balaadhan oo aanan cidinaba u haynin
raggan u xayndaaban tiirarka siyaasadeed ee dalka.
Gudoomiyaha maxkamadda sare ee
Somaliland oo ku dhawaaqaya natiijadii kama danbaysta ahayd ee somaliland. |
Marka xigta waxaan Hambalyo u diraya XUSBIGA
HADDA TALADA DALKA KU GUULAYSTAY EE UDUB iyo gudoomiyahiisa Daahir Riyaale
Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin, iyo dhamaan wajiyada ka dhex
muuqda, waxaan leeyahay waar ragyahow xaq iyo xaqdaraba waxaad tallada hadda ugu
guulaysateen allaha weyn ayaa og balse shacbigani hadda idinka wuxuu idiinka
fadhiya inaad u qabataan hawlo qabyo ah oo aad iyo aad u farabadan, aafayeyna
gabi wall oo dalkan Somaliland ku ceegaagan. waxaan idin leeyahay waxaa idin
sugaya shan sanno oo horleh oo u baahan hawl aad u adag oo aan u baahanayn in
loo seexdo. seddex qodob oo muhiim ah ayaa la idinka raba inaad dalka u qabataan
oo ugu muhiimsan oo kala ah
1. Ictiraaf u Helidda Qaranka Somaliland
2. Kobcinta iyo kor u qaadida dhaqaalaha iyo la
dagaalanka musuq maasuqa aafeyey bulshada.
3. Dib u dhiska dhamaan agabyada iyo ilaha
bulsho ee dalka oo dhan oo hadda dhamaanba bur bursan.
Mudane Madaxweyne Riyaale waxaa dalku sugaya
inaad ka qaadato go,aan adag oo aan labac labaci ku jirin, mudane Riyaale adiga
ayaa tallada dalka laguu doortay waxaana fiican inaad guntiga dhiisha iskaga
dhigto sidii aad ugu dabaali lahayd dalka seddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:-
Dadaal
la'aanta Dimuqraadiyada iyo Duufaabta Shuuciyada
"Xisbiga Udub iyo hogaamiyahiisa
Daahir Riyaale Kaahin iyo dhamaan xubnaha ku xayndaaban haddii ay ka
tanaasuli waayan khiyaamada ay shacbiga ku hayaan cabsida iyo caja
juglaynta loo gaysanaayo siyaasiyiinta iyo axsaabta siyaasadeed ee dalka
waxaa aan leeyahay waxaa xukunka lagaaga tuuri doona tabtii Saddam iyo
kelitaliyayaal badan oo uu ka mid ahaa Maxamed Siyaad Barre oo laftigagu
aad ku qaadatay noloshaada badankeed inaad la shaqayso nidaamkii laga
turay dalka ee Siyaad barre": Diridhaba..
GUJI... |
1. Dhisidda dawlad wadaag ah oo loo dhanyahay
oo tayo leh lagana wada dhex muuqdo.
2. Wax ka bedelka siyaasadda Arrimaha dibadda
ee Somaliland iyo weliba dhamaanba bedelidda wejiyada ka dhex muuqda wasaaradda
arrimaha gudaha.
3. Go,aan adag oo meel mar ah oo adiga
shakhsiyan lagaaga baahanyahay mararka qaarkood.
Qodobadaasi iyo qaar kale oo farabadan waa kuwo
u muhiim ah dalka in loo qabto shanta sanno ee soo socota waana muhiim in aad ka
fikirtaan adiga iyo la taliyayaashaada siyaasadeed iyo dhaqaalaba.
Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa
Madaxweyne ah? M.Y.Garre |
Marka xigta waxaan halkani Hambalyo iyo guul ay
soo hooyeen uga diraya Xisbga Kulmiye oo muujiyey geesinimo iyo hawlkarnimo aad
iyo aad u miisan weyn oo aan cidina inkiri karin muujiyeyna sida miisanka leh ee
dalka ay wax ugu leeyahiin, waxaan hambalyo iyo mahad uga diraya Mudane Axmed
Maxamed Maxamoud Siilanyo waxaanan leeyahay Mudane dalkani waa dalkaagi, dadkuna
waa dadkaagi, macnaha sidani u dhacday maaha in aan xusbigaaga taageero badan
haysanin, balse waxa sidani u dhacday waa in laga helo xusbiga Kulmiye isku
tiirsanaan iyo hawlkarnimo baaxadleh waxaanan kuugu baaqaya inaad ka shaqayso
danta guud iyo ta gaar ahaaneed ee dalkeena somaliland, waxaanan leeyahay waxaa
haboon hadda oo la soo gaadhay inaad hambalyo u dirto Madaxweyne Riyaale
dhamaanteenna aynu ku daba faylo (go behind) dawladda hadda maxkamaddu ku
dhawaaqday inay dalka ka taliso shanta sanno sidii dimuqraadiyaddu ku jirtay ee
laguugu doortay inaad xilka kulmiye u maamushana ee laguugu hambalyeeyna aad ugu
hambalyeyso una hibayso hawsha.
Waxaanan guntii iyo gabagabadii leeyahay
ilaahay Somaliland ha ka yeello tii horumarta ee dadkeedu gaadhsiiyo halka ay
higsanayso.
Wa bilaahi tawfiiq.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
|