Maxay itoobiya diidantahay iyo shirkii shalay ka
dhacay Mbagathi.
May 15, 2003. Halalkenya.com
By : Yussuf Cali
Danjiraha dowladda Itoobiya C/ casiis Axmed
Aadan ayaa ku dhawaaqay in ay kasoo horjeedaan guddiga Iswaafajinta Qoraalada
“Harmonization committee” oo mar hore looga dhawaaqay Mbagathi kuwaas oo
diyaariyay qaabka loo mideyn karo labada qoraal ee guddiga Axdiga iyo dastuurka.
waxaa uu beeniyay in ay fashilanayaan shirka oo
uu ku tilmaamay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
Dowladda Itoobiya ayaan u arkin dan guddigan la
magacaabay ee qoraaladiisa soo gudbiyay uuna guddominaye u yahay Prof. Cabdi
Ismaaciil Samatar, waxayna u arkaan in arintani ay dan u tahay dalka Jabuuti
Dhinaca kale, danjiraha Jabuuti Ismaaciil
Guulaal Boodane ayaa isna sheegay in guddiga Isku dubaridka qoraalada uu yahay
mid sharci ah oo ay IGAD magacaawday.
waxaa shalay lasoo gabagabeeyay qaybtii ugu
danbaysay ee shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed waxaana halkaasi kahadalay
wasiirka arimaha dibadda kenya Musyoka oo sheegay in la is ixtiraamo soomaalida
dhexdeeda si loo helo xal.
wasiirku wuxuu sheegay in shirka uu usocdo si
wanaagsan oo lagu farxi karo isagoo uga mahadceliayay dalalka IGAD iyo beesha
caalamka dhaqaalaha iyo aqoonta ay ku taageeraan shirka.
Warar Hore ee Kenya
Kulaabo Bogga
Hore....
|