DOOBINTA RIYAALE IYO DAWLADDA LA SUGAAYO IYO
DURUUFAHA DHAQAALE KU CEEGAGAN
WAXAA DIYAARIYEY
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
May 23, 2003
|
Ka dib halgan dheer oo ay shacbiga reer
Somaliland u hureen inay geyigooga cagta dhulka ugu dhigaan nidaamka (jeffersonian
democracy), ka dib muran badan iyo is jiid jiidad u dhexeeyey axsaabtii
siyaasadeed ee dalka ka jiray, oo ku loolamaayey hogaanka sare ee qaranka ugu
sareeya Somaliland, waxaa hadda la soo gaadhay sidii shacbiga reer Somaliland
ee geesiyiinta ahi isku duubni ugu codeeyen in loogu abaal gudo oo loogu
nasteexeyo dawlad tayo leh oo ka hanaqaada dhamaan geyiga Somaliland, waxaa
xasuus mudan muddo hadda laga joogo seddex sanno ayaa madaxweynaheenii
geeriyooday alla naxariistii Janno ha siiyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,
wuxuu ku dhawaaqay in dalka laga hir gelinaayo hanaanka axsaabta badan,
wakhtigaasi oo aan anigu ku sugna magaalada Hargeysa ayaa dad badan oo aan ka
mid ahaa waxay isweydiiyeen, tallow Muxuu ahaa hanaankan hogaanka qaranka ka
soo burqamay waayo akhristow? iska daa in lagu dabaqo Somaliland eh shacbiga
reer Somaliland oo wakhtigaasi 10 jir ahaa muu arkaynin dalalka la jaarka ah oo
xitaa nidaamkaa Madaxweyne Cigaal sheegay ku dhaqmaaya, waxaa kale oo dadku
isweydiiyeen tallow goorma ayey riyadaasi rumoobi doonta?.
Rag badan oo aanu
wada xamman jiray dawladdii madaxweyne cigaal ayaa markaan weydiiyey goorta ay
suuro gal noqon karto nidaamka axsaabta badan oo ka hir gela Somaliland iigu
jawaabeen "in Soddonka sanno ee soo socda uun suuro gal ka noqon karto dal
yar oo african ah oo aan weliba aqoonsi haysanin" balse waxaa la yaableh,
oo runtii wax lagu diirsado ah in maanta midhahii xorriyadda ee ay bulshada
reer Somaliland keenen ay midho dhashay, waxaa tani ay ku dayasho u tahay
dalalka jaarka aynu nahay sida D jibout iyo Ethiopia oo weli ku dhaqma hanaanka
xisbiga keliya (Single party system) dawladahaasi oo shaqaynaayey ama jiray
tobanaan sanno xorriyadda Somaliland ka hor!!,
Hadaba haddii ay shacbigii
Shallay u dagaalamayay xoriyadoodu ay maanta dhalleen dimuqradiyad naxariis
badan oo ka hirgesha dalkooga hooyo maxaa ku waajib ah in laga helo hogaanka
sare ee qaranka Somaliland cidda aan la hadlaya waa Mudane Daahir Riyaale
Kaahin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Seddexaad, Mudane Riyaale
hawsha ku sugaysa waxaa lagu sifayn karaa tii ugu cuslayd oo runtii u eg hilib
qaydhiinkiina ka tegay bisaylna aan noqon (Yacyacood) miisaanka siyaasadeed ee
garbaha aad saaratay waxaa haboon in sida ugu macquulsan aad uga dabaalato
adiga oo kaashanaaya ilaahay subxanahu watacalaaye, iyo xayndaab siyaasadeed oo
khibrad u leh hanaanka Dhaqaale oo bulshadeenu maanta ka aradantahay,
siyaasadeed oo uu ugu horeeyo Ictiraaf u doonista jamhuuriyadda Somaliland
(Recognition mission) iyo weliba Dhisidda dawlad Rayid ah oo tayo baaxadleh
wadata, ayna ka dhex muuqdaan raga ugu macquulsan ee bulshada Reer Somaliland
ku dhaadato, ogow Madaxweyne mar wal oo aad isku daydo inaad soo dhawaysato
siyaasiyiinta bulshadu jeceshahay in aad adiguna ka bad baadi karto bedweyn
siyaasadeed oo horleh, hadaba Madaxweyne waxaan jeclaystay inaan halkani
sharaxaad kaga bixiyo hawlaha sugaya dawladaada iyo sida loo wajahi karo ee ugu
fudud aniga oo mid mid usoo qaadanaaya seddexda qodob ee ugu muhiimsan
1. ICTIRAAF
RAADINTA SOMALILAND (SOMALILAND RECOGNITION MISSION)
Dadyow farabadan ayaa waxa ay isweydiiyaan ama
ay ku xidhan aqoonsiga Somaliland marka dalkii aynu xoriyadeena ku luminay ee
SOMALIA loo helo xal siyaasadeed (political solutions) lana helo hogaan
midaysan oo matali kara in markaa laga hadli karo aqoonsiga Somaliland, balse
anigu waxaan Madaxweyne aaminsanahay qaddiyad taasi ka gedisan waxaan tusaale
ku filan usoo qaadan kara dalka ugu yar maanta ee beesha caalamku aqoonsatay
muddo hal sanno laga joogo (EASTIMOR), waxaa uu ka go,ay dalweynaha INDONESIA,
dawladda Indonesia marnaba ma ogola in ay jasiiradaha ama dhulka beriga iyo
koonfurta ee waddankaasi xorriyad ka qaatan Maamulkooda, Dawladahii kala
danbeeyey ee soo maray waddanka Indonesia sida maamulkii Madaxweyne Suharto,
kii ka danbeeyey ee madaweyne Cabdirxmaan, iyo weliba ka haadan xukuma ee
Megawate Sagarna Bute, Dadka reer Eastimor marka dhaqaale ahaan la eego waa dad
aad iyo aad u liita, oo aanan ku qiyaasi karin ama la bar bar dhigi karin
bulshada reer Somaliland, waa dad muddo aad u dheer laajiyiin ahaa oo
cadaadiska dawladda Indonesia ku hoos dhaqana, markaa waxay beesha caalamka hor
dhigeen fiiro gaar ah (especial vission) fiiradaasi oo ah sida shacabka reer
Eastimor oo ah shucuub diinta masiixiyadda aaminsan sida ay uga go,antahay
gooni isu taagga qaranimada dalkooga hooyo waxaana ay qaramada midoobay
go,aansatay inay ka hirgeliso afti (International Refrendum) aftidaasi oo ah
mid ay maamulaysay jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa (United nations),
Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa
Madaxweyne ah? M.Y.Garre |
Hadaba
Mudane Madaxweyne inaga oo ka faa,iidaysanayna khibradahaasi iyo
talaabooyinkaas Eastimor waxaan usoo jeedinlahaa Maamulkaaga cusub iyo adigaba
inaad samaysaan BAAQ DHEER oo aad u dirtaan shanta dal ee rigliga ku ah
qaramada midoobay Maraykanka, France, Britain, China, iyo Russia, kuwaasi oo ku
haboon in loo diro wufuud ka socda dalkeena Somaliland, qodobka labaad ee in
lagu dhaqaaqo habooni waxay tahay in la sameeyo haayad ka madaxbanaan
wasaaradda Arrimaha dibadda oo hirgelisa sidii looga dhaadhicin lahaa looguna
sharaxi lahaa beesha caalamka qaddiyadeena iyo madba,a shacabkeena haayadaasi
oo loo xilsaari doono khabiir ama masuul aad ugu furfuran beesha galbeedka ama
qaramada midoobay, qodobka seddexaad ee ugu muhiimsan ee aan jecelahay inaan
kugu dhiirigeliyo madaxweyne waxay tahay in la sameeyo xidhiidh u dhexeeya
dawladaada iyo mustacmaradii aynu xorriyadda ka qaadanay ee Britain oo ah
saldhiga aynu ka duuli karo, halkaasi oo ay ku noolyahiin jaaliyadda ugu badan
ee Somaliland. qodobka afraad ee aan jecelahay in aad xoojiso oo hadda aad
raadkeedii hayso waxay weeyan in aynu samayno heshiis dhaw oo ina dhex mara
qaaradda aynu ka tirsanahay ee Afrikada Madow, kuwaasi oo ah halka aynu ka
duuli karo.
2. DHAQAALAHA DALKA SOMALILAND (ECONOMICAL
DEVELOPMENT
Tan iyo laga soo bilaabo 1991 wakhtigaasi oo
dalkeenu uu hellay xorriyad taam ah oo ka hirgeshay dhamaan geyiga Somaliland,
dedaalka qudha ee dawladdu ku dhaqaaqday si ay kor ugu qaado sumacadda dhaqaale
ee dalku waxa uu ahaa markii dalka loo sameeyey lacag u gaar ah oo ah shilinka
Somaliland, balse dawladahii kala danbeeyey ee ka shaqeeyey dalku waxay gees
mareen in ay wax ka qabtaan dhaqaalaha dalka oo maraya xaalad aad iyo aad u
adag, waxaa ugu muhiimsan oo dalkeenu dhaqaale ahaan ku tiirsanyahiin waa
XOOLAHA NOOL (LIFE STOCKS), kuwaasi oo muddo seddex sanadood ah hadda ay
dawladda Saudi Arabia ay saartay cunaqabatayn, taasi oo saamayn weyn ku
yeelatay dhamaan bulshadeena oo u badan xoolo dhaqato, iyo xoolo ku nool,
Dadaal
la'aanta Dimuqraadiyada iyo Duufaabta Shuuciyada
"Xisbiga
Udub iyo hogaamiyahiisa Daahir Riyaale Kaahin iyo dhamaan xubnaha ku
xayndaaban haddii ay ka tanaasuli waayan khiyaamada ay shacbiga ku
hayaan cabsida iyo caja juglaynta loo gaysanaayo siyaasiyiinta iyo
axsaabta siyaasadeed ee dalka waxaa aan leeyahay waxaa xukunka lagaaga
tuuri doona tabtii Saddam iyo kelitaliyayaal badan oo uu ka mid ahaa
Maxamed Siyaad Barre oo laftigagu aad ku qaadatay noloshaada badankeed
inaad la shaqayso nidaamkii laga turay dalka ee Siyaad barre": Diridhaba..
GUJI... |
Hadaba iyada oo qodobkaa laga duulayo waxaa haboon in la sameeyo dhaq dhaqaaq
aad u xoogan oo lagu furaayo xoolaheeni si ay ugu soo noqon lahaayeen sayladaha
Boqortooyada Saudi Arabia, iyada oo midda laga duulayana waxaa haboon in aad
Mudane madaxweyne Saarto xoogga in aad wasaaradda Dhaqaalaha u xilsaarto masuul
khabiir u ah bulshadeena dhexdeeda, waxaa kale oo haboon in la sameeyo hanaan
ama qawaaniin lagu xakamaynaayo tirada xoolaha nool ee dalka ka baxda iyo
weliba nidaam lagu fulinaayo ganacsatada ka ganacsata xoolaha nool, kuwaasi oo
loo samaynaayo licence ama sharci tayo leh oo dawladdu ku ogaan karto sida ay
uga baayacmushtareeyan. qodobka kale ee loo baahanyahay waa sidii loogu heli
lahaa xanaanin iyo badbaadin xoolaheena nool oo ah isha qudhaata ee shacbigeenu
hayaan (Single economical source). taasi oo lagu tayaynaayo wasaaradda
Horumarinta Reer Miyiga iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha,
A. DHAQDHAQAAQA LACAGTA (FISCAL POLICY)
Dawladdu waa in ay awood u hesho inay xakamayn
karto dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad iyo sarrifka suuqa xorta ah, waa in ay awood
u hesho bedelida iyo dhiiri gelinta ganacsiga xorta ah, waa in ay cadaadis ku
saarto ganacsatada si ay lacagaha u dhigan lahaayeen bangiga dhexe ee
Somaliland.
B. SARRIF BARARKA IYO XAAMIGA SUUQA
(INFLATION AND MARKET CIRCULATION)
Dawladdu waa in ay dhisto qawaaniin cusub oo
lagu xakamaynaayo sarrif bararka sharci darrada ah iyo awoodda ay isa siiyaan
tujaarta waaweyn ee Somaliland kuwaasi oo markay doonana suuqa geliya lacag
adag markay doonana ka saara, waa in ay dawladdu dhiir geliso awoodna u hesho
inay mamusho xakamaysana isku bedelka iyo ka warhaynta lacagaha qalaad iyo
shilinka Somaliland, waa in dawladdu soo celiso qiimaha uu shilinka somaliland
ku leeyahay dalka oo dhan iyada oo taasi ka duulaysana waa in dalka oo dhan
beri ilaa galbeed dalka la gaadhsiiyo shilinka Somaliland xarumaha Bangiyaduna
ay awood u helaan in ay la dagaalamaan lacagaha kale ee suuqa ka shaqaynaaya.
3. DHISIDDA AGABYADA BULSHADA (SOCIAL
SERVIC ES)
Laga soo bilaabo Maamulkii Madaxweynaheenii
hore ee Somaliland Ilaahay naxariistii janno ha siiye, waxaa dayaacad badan ay
dawladdu ka muujisay inay hirgeliso dhamaan agabyada bulsho ee dalka ugu
muhiimsan kuwaasi oo samayn lahaa in dhaqaalaha dalku kor u kaco, dalkuna aad
iyo aad ugu baahanyahay, kuwaasi oo ay dawladdu awood u leedahay inay wax ka
qabato, goobaha ugu muhiimsan ee ay dawladdu dayacdayna waxaa ka mid ah
- 1. Wershaddii Sibidhka ee Berbera
- 2. Wershadii caanaha iyo wershadii Pepsi ga
ee Hargeisa
- 3. dhamaan wershadahii Laydhka ee
Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco.
- 4. Samaynta Haayad gaar ah oo hawsheedu
noqoto dib u dhiska waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinkaba.
- 4. Mashruucii Beeraha ee Wajaale.
iyo kuwo kale oo tiro badan. waxaa laga sugaya
dawladda Somaliland ee aad Madaxweyne dhisayso inay awood u yeelato dhamaan
dhisidda iyo kor u qaadida goobaha bulsho kuwaasi oo saamayn ku yeelan doona
dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dadkeena.
4.HAWLAHA CAAFIMAADKA IYO WAXBARASHADA
(education and health)
Qodobka aan sida gaarka ah u xiisaynaayo aanan
jecelahay Mudane madaxweyne inaan kugu dhiiri geliyo inay isbedel balaadhan ku
samayso dawladaadu waxa weeyan Hawlahii Caafimaadka ee dalkeena oo gaabsi
balaadhan gellay, waxaa tusaale ugu filan barnaamij dhawaan ay soo duubtay
haayad waddani ah oo reer Somaliland kaasi oo laga daawaday haayadda Idaacadda
B.B.C da ee loo yaqaana (B.B.C 4), taasi oo runtii argagax weyn ku ridday
dhamaan dadkii daawanaayey hospitalkii qaranka ee Hargeysa oo aad moodo meel
waraabahu bohol ka samaystay, Mudane Riyaale waxaa ayaan darro ah iyada oo
Hospital ka magaalada Hargeysa uu u jiro in ka yar boqol talaabo Madaxtooyada
aad ku nooshahay ay xaaladda hospital ku sidaasi ku sugnaato, waxaa haboon in
lagu sameeyo bedelaad weyn dhamaan hawladeenada hospitalka iyo weliba
wasaaradda caafimaadka iyada oo laga duulayo baahida dadweynaha oo ah hawsha
ugu muhiimsan, waa wax laga yax yaxo in dawladu dayacday hospital kii
caasimadda, marka uu hosptalkii caasimaddu sidaasi yahay maxaa laga filan karaa
kuwii gobolada. waxaan Mudane kugu dhiiri gelinaya in aad si weyn wax uga
qabato arrimaha caafimaadka oo runtii aniga la iiga fara dhuudhubanyahay.
4. HAWLAHA WAXBARASHADA SOMALILAND
(educational services)
Waxaa mahad balaadhan aan usoo jeedinayaa
dhamaan bahda waxbarashada iyo macalimiinta ee Somaliland meel wal oo ay
joogaan oo runtii mudan sharaf iyo cisi baal dahabana kaga jira bulshada reer
Somaliland, sannadkii 1991 markii dalka dib loogu soo laabtay laba bilood ka
dib shirkii burco ee dib ula soo noqoshada Somaliland ayaa waxaa dalka ka hir
gelay dhamaan dugsiyadii hoose iyo kuwii dhexe (Primary and intermediate
schools), kuwaasi oo macalimiintu ay ku wadeen hawlo mutadawacnimo ah, kuwaasi
oo aanay cidina uga doonayn sharaf gaar ah, waxaa nasiib darro ah in Mudane
Madaxweyne aanad ogayn goorta ama wakhtiga ay ardayda reer Somaliland hadda
imtixanaadka u fadhiistaan iyo xilli fasaxeedka, taasi oo muujinaysa sida ay
dawladdu u dayacday dhamaan waxbarashada dalka oo dhan, waxaa tusaale buuxda
ugu filan, oo aan yax yaxa markaan arko dugsiyada sare ee Lix iyo labaatanka
June oo aan sidaasi uga fogayn Madaxtooyada iyo Dugsiga Sare ee Faarax Oomar oo
ugaba sii dhaw isagu madaxtooyada fee ga ay maamulka labada iskuul ka qaadan
ardaydu isku mid maaha waxaana u dhexeeya faraq weyn taasina waa mid ay
dhaliisheeda leedahay dawladda oo awood u heli wayday inay macalimiinta u
kasbato Mushahar buuxa oo loo sameeyo dhamaan macalimiinta.
A. JAAMACADDA HARGEYSA
Jaamacadda hargeysa oo xaaladeedu ay tahay mid
gabaabsi ah ama laga dayrinaayo waxaa haboon in loo sameeyo haayad gaar ah oo
maamusha farahana ay ka qaadan ama laga madaxbanaaneeyo wasaaradda Waxbarashada
Somaliland oo masuuliyiinteedu cagajuglayn u gaysanayaan mutadawiciintii uga
soo haajiray boqolaal milyan oo mayl inay dadkooga iyo dalkooga u faa,iidayaan,
waxaan si naxariisleh uga codsanaya axsaabta siyaasadeed inay u ololeeyan sidii
dhaqaale loogu heli lahaa jaamacadda Hargeysa, waxaanan ka codsanaya
ganacsatada caruurtooda gaynaysa jaamacadaha dibadda inay u huraan jaamacadaha
dalkooga maal gelin balaadhan.
Mudane Madaxweyne qodobadaasi aan kor ku soo
sheegay iyo qaar kale oo tiro badani waa kuwo laga dhursugaayo dawladda aad
sugayso ee aad ugu magaca dartay mid tayo leh (quality government), taasi oo
runtii noqon doonta mid awood u yeelan karta inay isbedel xoogleh ku sameeyan
qodobadaasi aan kor ku soo sheegay, haddi uu mudane Riyaale Maamulkaagu ku
guulaysto wax ka qabadka arrimahasi aan soo sheegayna waxaa hubaal ah in
hawlahaaga siyaasadeed ay midho dhal noqon karaan.
Waxaan ilaahay ka beryaya inuu hawsha
balaadhan ee aad qaranka u hayso kuu fududeeyo kaana dhigo hogaankii lagu nasto
ee lagu farxo.
»»HAMBALYO,
BAAQ IYO HOGA TUSAALAYN IS RAACSAN
WAXAA DIYAARIYEY
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN
diridhaba2001@hotmail.com
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
-dhammaad-
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk | May 23, 2003
|