BARO XUQUUQDAADA
DHAGEYSO DOOD KU SAABSAN XUKUNKII MAXKAMMADDA DHEXE EE WAAXDA
8AAD
EE XUKUNTAY IN SOOMAALIDA LA DHOOFIN KARO
IYADOO SOOMAALIYA AAN KA JIRIN DOWLAD DHEXE OO ILAALISA XUQUUQDA
AADAMIGA.
Dhammaan Soomaalida degan magaalooyinka mataanaha,
Minneapolis/St.Paul, waxaa la ogeysiinayaa inuu
jiro kulan deg deg ah oo lagaga doodayo xuquuqda dadka immigrantiga ah, gaar ahaan
go'aanka dhoofinta Soomaalida ee dhowaan ay soo saartay Maxkamadda Rafcaanka ee
waaxda 8aad ee la xiriira qadiyadda Jaamac. Waxaad kaloo baran doontaa
adeegyada sharciyada iyo qaabka loo sameysto garyaqaano kuu dooda oo lacag
la'aan.
GOORTA: May 31, 2003
SAACADDA: 1:00 pm
MEESHA: 420 15th Avenue South
(Brian Coyle Community Room)
Minneapolis, Minnesota 55454
Speakers:
Martida ka hadleysaa:
Peggy Russell Maamulaha sharciyaqaanada xafiiska Legal Aid
Society of Minneapolis.
Hassan Jaamici Sharci yaqaan la shaqeeya mashruuca Immigration
Law ee Legal Aid Society of
Minneapolis
John Keller Sharciyaqaan ku takhasusay dhoofinta,
daraasana ku sameeyey
Go'aanka cusub ee dhoofinta
Soomaalida ee dhowaan soo baxay.
Wixii faah faahin ah la xiriir Xasan Jaamici Tel. (612)332-1441. ama Hmohamud@midmnlegal.org
Waxaa kulankan diyaariyey Hay'adda sharci yaqaanada ee Legal Aid Society of
Minneapolis oo ay kaashatay Muslim American Society-MN-Freedom Foundation iyo
Confederation of Somali Community of Minnesota. Barnaamijkan waxaa caawiyey
hay'adda Metropolitan ee caawisa dadka waaweyn iyo wasaaradda adeega
dadweynahay, waaxdeeda addeegyada qaxootiga.
Faafin: SomaliTalk | May 30, 2003
GALABTII
"BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA.. GUJI
|