SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mira Saaran Geed Faasid Ah Mirihiina Ha U Daadina

Abdallah Moallim Maxamud 
Moallem10@hotmail.com

Faafin: May 3, 2003 

KAAH


Gobalka Banaadir maamul ha loo sameeyo,dekada iyo garoonka diyaaradahana ha la furo waa hadal beryahaanba halhays u ahaa ragga isku haayo gacan ku haynta arrimaha gobalka Banaadir gaar ahaan iyo maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan.
waa mid aad u fiican in la helo nabad ka dilaacdo gobalka banaadir, dadweynaha reer Muqdishana u horseedo maamul cadaalad ku dhisan , xasilooni iyo deganaan albaabada u furto ilihi dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho iyo gobalka Banaadir guud ahaan .
laakiin taa ka hor waxaa jawaab cad in laga baxsho u baahan

1)Maamul dhexe oo magaalada Muqdisho yeelato ma ku imaan karaa gacanta gacan ku dhiigle dowr weyn ka qaatay burburinta magaaladaas, dilida xaq la'aan dadkeeda ,boobka hantidi waddanka iyo dadweynaha, dhaca beerihi iyo guryihi dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka asal ahaan ka soo jeedo deegaanka gobalka Banaadir?

2)Maamul ay yeelato Muqdisho ma ku imaan karaa gacanta dowlad ku sheega uu madaxda ka yahay hogaamiyaha kooxda Carta?

Inta aanan u guda gelin ka jawaabida su'aalaha aan kor ku soo xusay waxaan rabaa in aan farta ku fiiqo Shirki Carta ee laba sano ka hor lagu qabtay degmada Carta ee Dalka Jabuuti iyo shirweynaha hadda uga socdo kooxda Mbagathi magaalada Mbagathi ee dalka Kenya , kooxda Carta waa bukaan socod sariir saaran haddana ku howlan in loo kordhiyo muddada ku jiritaanka isbitaalka , kooxda Mbagathina waa bukaan socod dadaal ugu jiro in ay sariir ka helaan isbitaalka ay ku jirto kooxda Carta , bogsiinadoodana rajo lagama qabo ilayn kooxaha soomaalida geddigood boogta ku taal daawadeeda waxaay ku jirtaa hogaamiyayaasha Somaaliyeed oo dhinacooda ka timaado daacadnimo iyo dhaqan ka tarjumayo u baahnaashada in ay Soomaaliya ka ambaqaado dowlad mideyso madaxda ,dadweynaha ,dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliyeed iyo in dowladaha deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa danaha ka leh faraha kala baxaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya taana waxaay ku imaan kartaa oo kaliya hogaamiyaasha xiriirka la leh dowladahaas oo garto in aynan jirin cid gaarsiin karto hogaanka sare ee dalka Soomaaliya iyada oo ka timaado dadweynaha Soomaaliyeed oo kaliya maahine..

Aan u noqono ka jawaabida maamul ay yeelato magaalada Muqdisho ma ku imaan karaa talooyinka xubnaha aan kor ku soo xusnay oo geddigoodba ku nool riyo dhalanteed ah ee laga soo min guurshay kitaabki macalin Siyaad ee hordhaciisa ahaa qeybi ee xukun .

1) Marnaba ha filan, taladana ha ku darsan nabad iyo guul laga soo hooyo dadaalka loogu jiro maamul u sameynta magaalada Muqisho kol haddii u xubin ka yahay dadaalkaas gacan ku dhiigle aan aqoon u lahayn diinka uu haysto iyo dhaqanka uu ku abtirsado amaba aan ixtiraam u heyn labadaba ,waxaa hubaal ah in ay ceeb ,lama maqal iyo lama arag nagu tahay waa haddii aan nahay reer Banaadir in aan ka dhur sugno nabad ka curato olalaha nabad doonka ee magaalada Muqdisho laga wado iyada oo uu ka mid yahay ragga u olaleynayo arrintaas ninki burbriyay guulihi laga gaaray kacdoonki shacbiga Somaaliyeed ee 1990 lagaga eryay waddankeena dowladi kali taliska ahayd oo uu hogaaminayay madaweyne Maxamed Siyaad Barre ,ninki kala daadshay maamulki Jananki hogaamiyaha u ahaa isaga oo ku diidan garashada uu jannanki gartay in uu ku fashilmay gacan ku dhigida magaalada Muqdisho isaga oo adeegsanayo xoog Qabiil ,ninkan oo aan ka qaan gaarin xagga maskaxda welina aaminsan in Soomaaliya lagu xukumi karo tabihi Maxamed Siyaad iyo qabiil kaliya in uu gacanta ku dhigo halbowlaha maamulka dhexe ee Soomaaliya, ninkan isaga ah oo maalkiisa qeyb ka mid ah uu ka yimaado beero mukhadaraad oo uu ku leeyahay koofurta dalka waa sida ay sheegaan ilo lagu tilmaamay xog'ogaal,ninkan isaga ah oo gobalka Mudug ku dhashay una dhashay mar walbana ku hadaaqo haddii aan nahay reer banaadir si xishood la'aan ah oo qaawan ama daryeelid la'aan gobalki uu ku dhashay oo xushmo gaar ah in uu siiyo ay isaga ka mudnayd iyo in uu maanka ku haayo ,dadaalna u galo maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud halka uu ku dan seegay ku taagnaashada raad lagu wiil iyo walaal waayay gaaridiisana ay tahay riyo xalay ku dhaaftay, ninkan isaga ah oo xubin ka noqday tiro iyo dhowr urur sidi USC,SNA,SRRC ,SRRC nekuru,G8 iwm mid welibana ay tahay danta uu ugu jiro dana qalafsan iyo la dagaalanka wixi uu u arko in ay ka baxsan yihiin riyo uu ku riyooday 1990 marki la eryay kaliye taliye Siyaad, waxaa iyadana arrin lala yaaba ah in uu ninkan iyo mooryaantiisa ay muqdisho ka joogaan meel aan ka badnayn hal kilometer oo dherer ah ama inta u dhexeyso km4 iyo km5 haddana ay hawo kaga jirto in ay hoos yimaadaan dadweynaha reer muqdisho oo leh xadaarad soo jireen ah kuna nool dhul aad u baaxad weyn kana hortagay boobki uu la maaganaa deegaankooda 1990 iyaga oo ka tabar yar xaalka ay maanta ku sugan yihiin, waxaa iyadana tala xumo nagu raagtay ah sugitaanka nabad ka curato magaalada muqdisho kuna timaado howl uu gacan ku leeyahay nin ay ku kulmeen sifooyinkaas xun oo dhan iyo kuwa kale oo aan lagu soo koobi Karin maqaal kaliya.

2)Waa ka daran oo dibi dhal waana arrin aan loo fadhin in ay guul ka soo hoyato dadaalka loogu jiro maamul u sameynta magaalada Muqdisho iyada oo uu gacan ku leeyahay dadaalka loogu jiro nabadeynta deegaanka gobalka Banaadir iyo magaalada Muqdisho nin isaga badanaaba halhayskiisa yahay kolki uu khudbadaynayo aayada Qura'aan iyo axaadiista nabigeena suubinaa nabad korkiisa ha ahaatee haddana ficilkiisa yahay duruusti uu ka bartay macalinkiisa Siyaad oo ah qeybi oo xukun, nin dadweynaha marki uu la hadlaayo ku canaanto fuliya cahdiga aad gasheen haddana isaga uga hormaro jebinta cahdiga, ninkaas isaga ah ma jeclo in la iska weydiiyo xoolihi lagu soo xera galshay baryo iyo magaca dadweynaha uu ku doodayo in uu madaxweyna u yahay , ninkaas isaga ah mar walbo wuxuu hadal hayaa in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta Soomaali weyn welina lama haayo isaga oo arrintaas kala kulmay hogaamiyayaasha hubeysan ee Soomaaliyeed marka laga reebo xigtadiisa hoose, Cusmaan Caato,Qanyare, Aadan Madoobe iyo xaabsade muddadi ay kooxdiisa soo doorteen ilaa haddeer, waxaa intaas u dheer in uu ka shaqeeyo sidi uu u fashilin lahaa shirweynaha hadda uga socdo kooxda Mbagathi dalka Kenya oo aan isaga ka duwanayn kii kooxda carta xagga damaca gacan ku dhigida hogaanka Somaaliyeed iyo hantidooda,waxaa iyadana aan arrin lala yaaba ahayn in hogaamiyaha kooxda carta geed dheer iyo geed gaaban u fuulo beryahan la kulanka koox uu isaga hadda ka hor ku tilmaamay in ay yihiin dagaal oogayaal isaga oo doonayo in ay raggan dowr ka ciyaaraan fashilinta shirweynaha kooxda Mbagathi uga socdo dalka Kenya si ay ugu sahlanaato in uu muddo kale iyo magaca madaxweyne ka iibsado barlamaan ku sheega kooxda carta .

Maqaal kaliya lagumo soo koobi karo danaha guracan oo ay u shaqeeyaan shaqsiyaad badan oo ka mid ah ragga u olaleynayo maamul u sameynta magaalada Muqdisho iyo furitaanka dekadda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ,waxaasa hubaal ah nabad ka curato Muqdisho in ay ku jirto in meel kaliya lagu soo ururiyo miraha ku jiro guntiga hogaamiyayaasha u dhashay gobalka banadir halka uu mirahaas mid waliba oo iyaga ka mid ah u daadin lahaa miro saaran geed Faasid ah ama ku jiro gacanta kuwa abaabulayo qoditaanka godki lagu duugi lahaa hogaamiyaashan deegaanka u dhashay.

Soomali weyn nabadeeda qeyb weyn oo ka mid ah waxaa laf dhuunta ku taagan ku noqday magaalada Muqdisho ,magaalada Muqdishana maamul iyo nabad ay ku nasato kagana baxdo dhibaatada ay la dul joogaan gacan ku dhiiglayaal aynan danahooda dhaafsiisnayn u adeegida dan shaqsi iyo qabiil been ah oo lagu habar kacsado waxaay ku imaan kartaa midnamada hogaamiyayaasha siyaasada, aqoonyahanka ,culaamaaudiinka iyo oday dhaqmeedka u dhashay deegaanka Banaadir iyo inti garaneyso qiimaha ay leedahay nabad kuwada noolaasho iyo in uu ilaaheey towfiiqda waafajiyo.
Nin lagu seexdow ha seexan soo jeed oo ha seexan.

Abdallah Moallim Maxamud 
Moallem10@hotmail.com

May 3, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga

 Qoraaladii hore ee Moallem.... Guji

Kulaabo Bogga Hore....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD