SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Magaalada Manchester/UK

Xuseen Maxamed Xuubsireed
KAAH

Waxaa wax lagu farxo ah in dadkayagii ay heshiiyeen nabadana ay wada qaateen ama wada garteen wixii khilaafa ee dhexdooda yaalana ay ku dhameeyeen wada hadal , waa guul taariikhi ah oo ka tarjumaysa Xadaarada ay leeyihiin dadkaa wada dhashay ee kuwada abtirsada Puntiland,

nin ka xiga ninka kale puntilland ma jiro oo waa ay u wada dhasheen nina ka kale uma aha marti kuwa mucaaradka ah iyo kuwa muxaafidka ah toona, laakiin waxaan ilaah uga mahad celinayaa wanaagii ay wada garteen iyo bad baadintii ay wada badbaadiyeen dad koodaa wada dhashay waxaana hubaala intii la damacsanayd in Dadka reer puntilland ay iska hor yimaadaan ama ay islaayaan in ay maanta aad uga xunyihiin maxaa yeelay awalba lama ayan doonayn horumar laakiin , waxaa farxada in ay mar waliba wax garadka puntilnad ay la socdeen tilaabo waliba oo lala damac sanyahay oo bur burina.

umada reer puntilland waxaan orankaraa waa dad wadaniyiina Soomaalinimaduna ay ku dheertahay wax walibana ka hormariya danta caamka ah waa mujtamaca intiisa badane , waxaana rajaynayaa marka ay ka soo jeestaan heshiiska reer puntilland in ay u soo jeesan doonaan heshiisiinta beesha Daarood ka diba ay gacan ka gaysan doonaan midnimada soomaaliya iyo isu keenideeda ,

waxaa hubaala in ay jiraan dad u dhashay gobolada aan puntilland ahayn in aysan marnaba doonayn in dawlad soomaaliyeed ay dhalato ama sharaftii soomaaliyeed ay soo laabato maxaa yeelay dan ayuu u arkaa nolosha uu ku jiro , laakiin waxaa hubaala in aan laga yeelayn oo umada soomaaliyeed inteeda badan ay la xisaabtamayso raadinaysana isu keenida umada soomaaliyeed iyo waliba in la’iska qabanayo inta aan doonayn wanaaga umada soomaaliyeed ,

waxaan u arkaa in aragtiyada khayaaliga ah ee ay is tusaan dadkaasi in ay iska soo dhamaandoonto sidii Filim oo kale meel xuna ay ku danbayn doonaan waa hadayan is daba qabane , Dadku in ay midoobaan wanaagna ku midoobaan waa muhiim .

Ilaahay khayrka iyo wanaaga ha tuso Umada Soomaaleed.

Waxaa hubaala in aan nabad la’aanteed horumar la’gaari karin dan gaarana ayna meela ku gaarsiinayn.

Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Magaalada Manchester/UK
Xuseen Maxamed Xuubsireed

E-mail : mohamoud_hussein@yahoo.co.uk 

Tel = 44 / 7985525950

 Faafin: May 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkani waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Kulaabo Bogga Hore....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD