Ciraaqna La xuree, Somaliland-na is
xureeysay!
C/raxman Ceynte | Minnesota
| Ceyntejournalist@attbi.com
Caalamku wuxuu maryaa meelihii uu ugu qaska
badnaa. Reer Ciraaq wexeey dhex joogaan "Xoriyad" la muquuniyey.
Soomaalida inteeda badanna wexeey ku dhex noolyihiin "Xoriyad"
macnayaal fara badan leh.
Somaliland oo ah gobol gooni isu taagay ayaa
galay baal cusub oo siyaasadeed iyo bulshadeedba. Somaliland waxaa ka dhacday
doorasho aanan ka dhicin inta badan dalalka Africa iyo kuwa muslimka ahba. Sida
eey sheegeyso hey'adda horumarinta ee Qaramada Midoobay-, UNDP, 9 waddan oo
islaam ah ayaa sheegta dimoqoraadiyad, halka 3 waddan oo kaliya eey si rasmi ah
ugu dhaqmaan. Dabcan Somaliland cidna ma xisaabsaneyso, ha yeeshee wexeey ila
tahay in la soo gaaray waqtigii la xisaabsan lahaa!
Soomaali fara badan ayaa qoraallo fara badan ka
askumay arrinta Somaliland. Waxaa kawada muuqatay inta badan ineey ama
hinaaseysan yihiin, ama xaasid yihiin. Walaalkeey Amiin Caamir ayaa kamid ah.
Wexeey ila tahay inaan si xushmad leh u qilaafo saaxibkeey, sawir gacmeedka
caanka ah ee uu ka sameeyey doorashaas. Kaas oo qeexaya in woxoogaa laaluush ahi
meesha soo galay. Anigu xitaa Ayeeyadeey kama soo jeedo somaliland. Ha yeeshee
soomaali runta alle ku ogyahay baan isku arkaa. Somaliland lama xureynine, weey
is xureysay! Dadka reer Soomaaliland Matoorka saarani waa mid lamid ah midka
saaran dadka waddamada horey u maray. Sida Plato & Artistortle - Siyaasiyiin
qadiim ah oo reer Giriig ahaa- eey isku raacsan yihiinba, Dimoqoraadiyadu wexeey
timaadaa marka laba arrimood laga helo bulshada dimoqraadiyad doonka ah. (A)
Aqoonyahanno mug leh (B) Xeyn kamid ah bulshada oo dhaqaale ahaan iska ladan.
Sababta eey sidaas u yiraahdeen macnayaal fara badan ayaa loo sameeyey. Horta
qofku marka uu cilmi leeyahay wuxuu dareemayaa, isla markaana dhadhansanayaa
nafciga nolosha. Midda labaad, Qofku marka uu lacag leeyahay wuxuu aad u
necbaanayaa in xasilooni darro iyo maamul xumo dhacdo. Taas ayaa ku khasbeysa
inuu taageero "maamul dimoqraadi ah" ayeey yiraahdeen.
Dadaal
la'aanta Dimuqraadiyada iyo Duufaabta Shuuciyada
"Xisbiga Udub iyo hogaamiyahiisa
Daahir Riyaale Kaahin iyo dhamaan xubnaha ku xayndaaban haddii ay ka
tanaasuli waayan khiyaamada ay shacbiga ku hayaan cabsida iyo caja
juglaynta loo gaysanaayo siyaasiyiinta iyo axsaabta siyaasadeed ee dalka
waxaa aan leeyahay waxaa xukunka lagaaga tuuri doona tabtii Saddam iyo
kelitaliyayaal badan oo uu ka mid ahaa Maxamed Siyaad Barre oo laftigagu
aad ku qaadatay noloshaada badankeed inaad la shaqayso nidaamkii laga
turay dalka ee Siyaad barre": Diridhaba..
GUJI... |
Haddaba, Somaliland wexeey ku guuleysatay ama
hanatay ugu yaraan dhanka aqoonta. Somaliland waxeey leedahay mutacalimiinta ugu
sareeysa soomaaliya oo dhan. waxaa ka socda mashaariic kala duwan oo waxtar weyn
u leh bulshada. Dhanka dhaqaalahana, ma hubo ineey dhaqaalo weyni meesha yaal.
Ha yeeshee hubaal waxaa ah ineey gacanta ku hayaan ganacsiyo caalami ah oo
eeysan soomaalida kale heysan. Somaliland ugu yaraan wexeey ka xoroowday
maskaxda. Sidoo kale, wexeey la jaanqaaday dowladaha horumaray ee dayaxa
korkooda dilaaliinta ku leh, oo boosas 20/20 ku kala iibinaya dhulka korkiisa!
Somaliland wexeey caalamka u cadeeysay ineey noqon karto jiritaan ka maarma
gurigoodii hooyo ee soomaaliyeed. Anigase wexeey ila tahay inaan u baahannay
Somaliland, ka badan inta aan u baahanahay dadkale, noocay doonaan ha noqdeene.
Hadii eey taladeyda tahayna, Waxaan soomaaliya u dhiibi lahaa "Hogaamiye
shibil ah " oo reer Somaliland ah. Sida Ciraaqba mid mareykan ah oo shibil
ah loogu dhiibay! Waxaan amri lahaa in mutacalimiinta soomaaliland iyo
siyaasiyiintoodaba u furaan soomaalida kale koorso degdeg ah oo lagu barto
"Maamulka iyo Maareynta". Intaas waxaa sii dheer, Waxaan reer
soomaaliland u dhiibi lahaa duruus lagu barto sida shacbigu ugu hoosnoolaado
Madaxweyne ka soo jeeda qabiil laga tiro badan yahay. Lagabana yaabee in aan u
sameyn lahaa "Waaxda u carbinta isu dulqaadashada qabiilada"!
Ugu danbeystii, Soomaalida inteeda kale waxaa
la gudboon ineey dib u laqaan, isla markaana u bogaadiyaan walaalohood
Somaliland ee 80-ka cod ku kala baxay! Yaanan waxba la xasdin dadkaase, in lagu
dayado ha la'isku taxallujiyo.
C/raxman Ceynte
Minnesota.
Ceyntejournalist@attbi.com
May 10, 2003
QORAALADII HORE EE CEYNTE
Kulaabo Bogga
Hore....
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
|