Xafladii xiritaanka wajiga labaad ee shirka
Soomaalida oo maanta ka dhacday mpagathi kenya.
canab maxamud mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com
May 14, 2003
Xaflad aad loo soo qaabeeyay ayaa maanta ka dhacaday xarunta shirka ka socdo ee
mbagathi. waxaana furay wasiirka arimha dibada ee dalka kenya Mr.Stephen Kilonzo
Musyoka.
Wasiirku waxa uu ka hadlay ahmiyada shirku u
leeyahay dadka soomaaliyeed iyo sida ay waajibka ugu tahay siyaasiyiinta in ay
daaacad ka noqdaan shirka ka dhacaya kenya oo galaya wajigiisi sadexaad oo lagu
wado in lagu soo dhiso dowlada qaran oo loo wada dhan yahay.waxa kale oo uu ka
hadlay wadamada gacanta ku siiyay shirkan inuu sii socdo iyo dadaalka ay wali
wadaan oo aan uga mahadcelinyo kana sii codsanyo in ay la garab istaagaan
shacabka soomaaliyeed kaalmo dhaqaale illaa inta ay laga helayo dowlad qaran.
isagoo ugu baaqay dhamaan siyaasiyiinta ka maqan shirka in ay si dag dag ah ugu
soo laabtaan una daneeyaan shacabka u dhibaataysan nabada isagoo amaan usoo
jeediyay siyaasiyiinta jooga shirka ee waqtigooda ku bixiyay in la helo nidaam
wax badali kara layskuna raacsan yahay, waan ognahay waanan ka xunahay in lagu
xadgubay heshiiskii eldoret ee xabad joojinta, waxaan si dag dag ugu direynaa
soomaaliya gudi soo xaqiijiya dabagalna ku sameeya cida nabda ku xadgudubtay si
aan ugu cambaareyno faldambiyeekiisaas hay,adaha caalamiga ee nabada ka
shaqeeyana aan ugu bandhigno cida ka dambaysa dagaalada iyo nabad la,aanta sii
baahaysa ayuu yiri wasiirku
Sidoo kale waxaa isna ka hadlay munaasabadan
AM. Kiplagad, oo ka warbixyay heerarkii uu shirku soo maray isagoo xusay in ay
jireen marxalado adag oo kaga imanayay qaabka uu shirku u socdo iyo xalinta
qilaafyada oo dhibkooda lahaa balse aan ku guulaysanay in qaarkood la xaliyay
qaar kalena ay wali harsan yihiin ayuu yiri kiplagad oo u mahadcelinayay
wadamada safka hore ee IGAD dadaalka ay ka muujiyeen mudadii todobada bilood
ahayd ee uu shirku socday walina diyaarka u ah.
Waxaana sidoo kale xafladan suugaan ku soo
badhigay ka tarjumaysay nabada hobalada soomaaliyeed,waxaa ka mid ahaa
suugaantaasi (kuwa dabka shidaayow daga waad nadubateene daga) waxayna sugaantan
fadhiga ka kiciyen siyaasiyiin badan oo oo goobtaa ku sugnaa shucuurtoodina wax
ka badaleen.
Ka sokow xafladan waxaa jira hoos ka hadal iyo
su,aalo badan oo ka dhex jira ergada soomaaliyeed iyagoo is weydiinaya wax lagu
heshiiyay ee lagu soo gabagabeeyay wajiga labaad ee shirka iyo sida ay suurta
galka u noqon karto in ladhiso dowlad iyadoo uu buuq ka jirro dowlada KMG ah oo
aan ka midaysnayn shirkan oo wali uu taagan yahay qilaafkoodi, sidoo kale waxaa
iyagana xiisad ka dhex jirtaa dad gaaraya 175 qofood oo todobaadkii hore laga
saaray liiska erganimada, qololkii ay daganaayeena laga xirtay. sidoo kale waxaa
buuq xoog leh dhaliyay markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta loo xilsaaray in ay
dajiyaan hanaanka qaab dhismeed ay lahaan doonto dowlada cusub ee somaliya
gudigaas oo u qaybsamay laba qaybood oo ku heshiin waayay qaabka loo dajinayo
lana baxay A-B illaa hadda ma cada wax lagu heshiis lagu yahay ee loogu
gudbikaro dhisme dowladeed ka hirgasha soomaaliya oo dhan.
canab maxamud mumtaz
nairobi kenya.
canabmumtaz@hotmail.com
May 14, 2003
Kulaabo Bogga
Hore....
|