GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
G/W/S/011/03 London, 18/05/2003 | Faafin:
May 22, 2003
Ku:- Wargeysyada Madaxa banaan
Uj:- Bayaan
Hordhac
laga soo bilaabo 1960kii, oo ay ummadda
Soomaaliyeed hanatay xorriyadeedii qiimaha wen ugu fadhiday, dowladihii
hogaanka qabtayna madani iyo ciidamba waxay noqdeen kuwo marin habaabiyay,
lumiyayna rajadii iyo kalsoonidii shacbiga Soomaa;iyeed.
Iyadoo dalka oo dhami lagu fidiyaymaamul
xumo,fowdo,caddaalad darro, qabyaalad iyo qeybin aan loo meel dayin, taas oo
sabab u noqotay burburka maanta ka soconaya dalkeena Soomaaliya iyadoo waliba
jirin barnaamij iyo aragti mideysan oo siyaasadeed.
1991dii burburkii maamulkii meleteriga, waxaa
dalka ka biloowday dagaallo sokeeye laguna waayay inta la og yahaynaf iyo maal,
una horseeday ummadda Soomaaliyeed burbur, qax, iyo xasuuq, halisna galiyay
Qaranimadii Sharaftii Ummadda Soomaaliyeed, iyo waliba aanan hadal iyo qoraal
ku soo koobi karin halista aynu maanta ugu jirno fagaarayaasha caalamiga iyo
kuwa gobolleed ayna u eg tahay in aan weyno xuquuqdii Soomaalinimo ee aan
laheyn, Sida Dowladda Talyaaniga oo hadda ka hor iskaba diiday Baasaboorkii
Soomaaliga.
Waxaa xaqiiq ah in aysan beesha caalamku u
hagar bixin, taageero wax ku ool ahna ayan u fidin shacbiga Soomaaliyeed oo la
il daran dhibaatada heysata dartee, iyadoo taasi jirto ayaa waxaa nasiib darro
noqotay in madax Soomaaliyeed sii wadaan hurinta colaadaha sokeeye.
Waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo hab
wax ku ool ah oo looga hortago dhibaatooyinkan kor ku xusan, si loo badbaadiyo
riyada Shacbiga Soomaaliyeed ee ah helitaanka hanaan dowladeed ku dhisan nabad
iyo wax qabad dhab ah oo ay helaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed.
Sidaas darteed:-
1- Markii lagu hungoobay shirarkii dib u
heshiisinta Soomaalida ee lagu qabtay Dalka dibeddiisa laga soo bilaabo shirkii
Jabuuti "July 1991", "Addis Abeba Gen.-Marzo 1993dii",
"Qaahira 1994", "Jidda 1995", "Sodere 1996dii",
Qaahira 1997dii, Carta Maajo 2000" iyo kan hadda ka soconaya dalka aan
dariska nahay ee Kenya", shirarkaas oo aan dhamaantood lagu guuleysan
sababaha soo socda dartood:-
A- Aduunwenaha oo aan aragti mideysan ka
yeelan arrinta Soomaaliya B- Madaxda Soomaalida oo aan iyaguna isku aragti ka
aheyn sidii loo dhameyn lahaa khilaafkooda C- Hogaamiyayaasha ka qeyb galaya oo
aan heysan kalsoonida Shacbiga ay sheegaan in ay metilaan D- Degaano ka mid ah
dhulka Soomaalida oo dagaallo joogta ahi ka soo cusboonaanayeen E- Ka dib
markii ay soo foodsaareen abaaro iyo aafooyin culus kaalmadii loo baahnaana aan
la helin dalkuna ku sii baahday nidaam iyo sharci la'aanta maanta jirta.
HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED
Sidaas darteed wuxuu Golaha Wadatashiga
Soomaliyeed ugu baaqayaa madaxda Soomaalida iyo ka qeyb galayaasha shirka hadda
ka soconaya Kenya qodobadan:-
1- In ay si wadajir ah uga shaqeeyaan
dagaanaanshiyaha, Xasilloonida iyo Daryeelidda midnimada ummadda Soomaaliyee.
2- In ay ka wada shaqeeyaan talaabo kasta oo u
horseedeysa gaaridda dhisme dowlad loo dhan yahay oo Soomaaliyeed si loo
xaqiijiyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed mar kale.
3- In ay ku dadaalaan sidii loo dhameyn lahaa
khilaafka Soomaalida dhexdeeda, isla markaana lagu dhaqaaqo talaabooyin lagu
xaqiijinayo wadajirka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed, si loo hubiyo in
dalka ay ka dhacdo nabadgalyo waarta.
4- In aad wada shaqeyn joogta ah la yeelataan
xoogagga caalamiga ah sida ururada OAU, OIC, IGAD, EU, UN, iyo dowladaha
gacanta inaga siinaya nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo ka hirgasha
Soomaaliya.
5-In aad si wadjir ah u ilaalisaan dhowrtaana
qodobada lagu heshiiyo, si ay u fududaato helitaanka iyo ka gun gaaridda shirka
ee ah nabad iyo dhisme dowlad Qaran.
SHACBIGA SOOMAALIYEED
Waxaa lagama maarmaan noqotay iyadoo la
daryeelayo danta iyo maslaxadda dadkeena Soomaaliyeed in Golaha Wadatashiga
Soomaaliyeed u soo jeediyo Ummadda Soomaaliyeed baaqan:-
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu dhamaan
shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay gadaal iska dhigaan dhibaatada
dhexdooda ah una soo wada jeestaan sidii si nabad galyo iyo wada hadal loogu
dhamayn lahaa khilaafka Soomaaliya , looguna noolaan lahaa dalka nabadgalyo
loogana soo kaban lahaa dhibaatooyinkii la soo maray.
Himilada iyo horumarka wanaagsan ee dalka
Soomaaiya waxaa lagu gaari karaa oo kaliya iyadoo dhamaan dadka Soomaaliyeed ka
wada shaqeeyaan kana qeyb qaataan soo celinta qaranimadoodii, Golaha
Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa is afgarad loo dhan yahay dhamaan
Soomaalida, kulana talinayaa kooxada iyo qabaa'ilka dagaalladu ay ku dhex
marayaan gobollo iyo degmooyin ka tirsan dalka in ay ka waantoobaan hurunta iyo
sii socoshada colaadaha sokeeye.
SHIRARKA DIB U HESHIISIINTA.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka
deyrinayaa mar kale maqnaanshiyaha shirka ay ka maqan yihiin walaalaheen
Somaliland, waxaana ugu baaqayaan madaxda K/Soomaaliya in ay ka gareystaan
walaalahooddhibaatadii magaca Soomaaliyeed loogu geystay, Hogaamiyayaasha ka
qeyb galaya shirkana uga hoydaan dhibaatada ay ka tirsanayaan ee keentay
sheegashadooda ah in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu
xusuusinayaa walaalaheen Somaliland suurto gal la'aanta in soomaaliya kal go'do
halka ay maanta ka midoobeyso dunida, sidaas darteed waxaan mar labaad idiin
xusuusinayaa lagama maarmaanimada midnimda Soomaaliya.
Ilaa iyo inta uu socda shirka iyo ergooyinka
ka qeyb galayaba ugu baaqayaa in ay dib u eegaan xaalka nololeed ee shacbiga
Soomaaliyeed ku sugan yahay iyo sida loogu baahan yahay in wax loogu qabto
iyadoo la kaashanayo Ilaahey.
BEESHA CAALAMKA.
Waxaa hadaba ku waajibay Golaha Wadatashiga
Soomaaliyeed in uu adduunweynaha ugu baaqo in ay taageeraan shacbiga
soomaaliyeed oo ay hor joogaan ma "NAXAYAAL XIL IYO DARAJO DOON AH",
wax kastana ka hor mariya danahooda ku dhisan "WAALIDA" sidaas
darteed waxaan ugu baaqayaa in ay kordhiyaan kaalmadooda bini'aadamnimo,
taageero buuxdana siiyaan shirka ka soconaya Kenya.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu
mahad celinayaadhamaan ururada iyo dowladaha taageeray ummadda Soomaaliyeed
ilaa iyo intii ay soo food saareen dhibaatooyinka magangaliyayna qaxootiga
Soomaaliyeed.
Waxaan u rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo
shirka soconayaba Guul, Nabad, iyo Xasillooni waarta.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga Abdulaziz Ali
Ibrahim "Xildhiban" Email: xildhiban@hotmail.com
-dhammaad-
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk | May 22, 2003
|