Mashruucii Difaaca Muslimiinta
Minnesota oo Hirgalay.
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
ceyntejournalist@attbi.com
May 24, 2003
Inver Grove Heights- MN.
Maalinimadii Sabtida aheyd ee bishuna aheyd
17-ka ayaa waxaa xarunta MAS (Muslim American Society) faraceeda Minnesota lagu
qabtay siminaar lagu tababarayey koox dhalinyaro rag iyo dumarba isugu jira, si
loogu carbiyo ineey difaacaan xuquuqda Muslimiinta Gobolkan Minnesota.
Siminaarkan waxaa soo qabanqaabiyey
sharciyaqaan Sh. Xassan Jaamici, mid kamid ah firfircoonayaasha ugu cad cad
jaaliyadda muslimka ah iyo somaalidaba. Waxaana siminaarka Macallinka ahaa
Brother Mahdi Bray oo ah madaxa Laanta (Freedom Foundation) ee ka tirsan isla
(MAS) iyo Ra'eed Tayeh oo ahaan jiray maareeyaha warfaafinta ee Congress Woman
Cynthia McKinney, isla markaana ah mid kamid ah kuwa ugu cad cad safka MAS.
Guud ahaan jawiga tababarku wuxuu ahaa mid aad
u xasiloon. Waxaa tababarka loo qeybiyey saddex qeybood oo kala ah:
(a)Barashada Dowladda mareykanka iyo
Siyaasadeheeda
(b)Dhex galidda bulshooyinka aan muslimka
aheyn
(c) La dhaqanka warbaahinta.
Maadaama dadka la tababarayo laga doonayo
ineey bartaan siyaabaha eey wax uga qaban lahaayeen xuquuqda muslimiinta ee mar
mar la dafiro, ayeey tababarayaashu diirada saareen waaxyada kala duwan ee
dowladda iyo sida ku haboon in loola dhaqmo. Qeybtan waxaa tababare ka ahaa
Ra'eed Tayeh oo isugu inbadan la soo shaqeeyey qaar kamid ah xubanaha
baarlamanka Mareykanka sida Cynthia McKinney oo aheyd xildhibaan laga soo
dooran jiray Gobolka Georgia, aadna uga difaaci jirtay xuquuqda danyarta iyo
muslimiintaba.
Mr. Ra'eed wuxuu inoo sharaxay muhimadda eey
leedahay in qofka muslimka ahi barto sidii ula xiriiri lahaa siyaasiga matala
degmada, waaxda, gobolka uu deggan yahay. Si "markaas uu ugala doodo
arrimaha khuseeya islaamka iyo muslimiinta" ayuu yiri Ra'eed "Muslimiin
badan baa ka baqda ineey siyaasiyiinta la xiriiraan, ama si sharci ah lacag ugu
deeqaan marka la dooranayo, si uu hadhow ugu fuliyo arrimaha xasaasiga ah"
ayuu ku nuuxnuuxsaday.
Mr. Ra'eed wuxuu aad ugu celceliyey in
muslimiinta waddankani eey wax weyn ka dedeli karaan siyaasiyiinta hadii eey
codkooda mideeyaan "Sida eey ilma adeeradeenba (yuhuuda) sameeyaan had iyo
goor" ayuu yiri. Ra'eed wuxuu tusaale u soo qaatay Waaxda Hennepin County
oo ah halka eey deggan yihiin muslimiinta ugu tirada badan gobolkan, oo dabcan
soomaalina u badan. Wuxuu sheegay ineey hadii muslimiinta eeriyadaas codkooda
la mideeyo eey suuragal tahay ineey guul siyaasadeed gaaraan.
Mahdi Bray, oo ah nin madowga waddankan ah,
diinta islaamkana soo galay 27 sano kahor, isla markaasna caan ku ah
qabanqaabinta banaanbaxyada waaweyn ee looga soo horjeedu ku xadgudubka
xuquuqda aadanaha ayaa isna bare ka ahaa qeybtii labaad ee Seminar-ka oo looga
hadlayey sida xiriir "Saaxiibtinimo" loola sameysta jaaliyadaha aan
muslimka aheyn "iyadoo sharaftii islaamka aan meel looga dhaceyn" waa
sida uu Mr. Bray u dhigaye. Mr. Bray wuxuu ku nuuxnuuxsday muhimadda eey
leedahay in muslimiintu xiriir wanaagsan oo darisnimo la sameystaan "dadka
diimaha kale" si eey muslimiinta ugu sahlanaato ineey siyaasiyiinta
diimaha kale dhabba eey u soo maraan yeeshaan ayuu yiri Mr. Bray.
SAWIRO QAYB KAMID AH DADKII KA HADLAY XAFLADDA
|
|
Wuxuu soo tixay siyaabaha xiriir loola sameyn
karo oo eey kamid yihiin: kamid noqoshada hogaanka ardayda jaamacadaha, ka
qeybgalka gudiyada waalidiinta iyo macalimiinta ee goobaha waxbarashada hoose/dhexe/sare.
Kamid noqoshada guddi hoosaadyada darisyada ee lagu nadaafadeeyo wadooyinka
xaafadaha. Kaalmeynta iyo u gargaaridda dadka waayeelka ah ee lagula kulmo
meelaha dadweynaha. Taageeridda mooshinada ama qorshooyinka siyaasadeed ee eey
dadka qaar ee aan muslimka aheyni ku doonayaan ineey kaga hortagaan waxyaabo
eey kamid yihiin: Ka ganacsiga jirka dumarka. Qamaarka IWM.
Guud ahaan, Seminaarku wuxuu ahaa mid dhalay
miro eey ka faa'iideysan doonaa muslimiinta gobolkan. Isla markaana wuxuu baal
cusub oo wata dardar horleh oo siyaasadeed u furi doonaa kumanaanka muslimiinta
ah.
C/raxman Ceynte
Inver Grove Heights- MAS Center
Minnesota
ceyntejournalist@attbi.com
QORAALADII HORE EE CEYNTE
Faafin: SomaliTalk | May 24, 2003
|