HESHIIS NABADEEDKA PUNTLAND WAA TUSAALE KU
DAYASHO MUDAN!!!
Jabarti M. Aw-Osman | jabarti2020@hotmail.com
May 30, 2003
Hardan iyo is afgarwaa sababay gacan ka hadal
dhimasho iyo dhaawac sababay kadib waxaa Sidaan dhamaan maqalnay ka dhacay
heshiis aad loogu farxay deegaanmada la magac baxay Puntland, heshiiskaasi
wuxuu dhexmaray labada garab ee ay kala hogaaminayaan Cabdulahi Yusuf iyo Cadde
Muse.
Dadka siyaasadaha raac-raacaa waxay leeyihiin
khilaafkani waa mid aan kasoo bilaaban oo keliya is afgaranwaaga ama garabmarka
qaanuunka puntland oo dadka badankiis ay fahamsanyihiin inay tahay shayga
keliya oo dhaliyay khilaafka deegaankaasi ka dhacay.
Raga meesha ku hardamay waa ruug cadaayo
wakhti wakhtiyada ka mida isku saf ahaa amaba kula jiray labadii maamul ee
midina ahaa kii ina Siyad midina ahaa kii Kulmis ee ka soo horjeeday keligiis
taliyahaasi.
Waxii doonaaba sal ha u ahaatee waxaa xaqiiqa
in raga meesha ku hardamay ay khadiyadu ama arinku ka gaartay meel kharaar
maadaama ayba gaartay gacanka hadal iyo dhiig daata.
Intii khilaafkani jiray waxaa waanwaan
nabadeed isku dayay guddiyo badan oo Isimo iyo waxgaradba leh , dhamaanse way
ku guulaysan waayeed isku soo dhawaynta labada dhinac, midba kan kale ayuu eeda
iyo inuu fidmada ka danbeeyay ka dhigay, meesha uu isaguna iska dhigayay midka
keliya ee xaqa ku taagan oo qaanuunka waafaqsan.
Laba ilaa sadexgoor dagaalo dhacay oo dhimaso
iyo dhaawacba keensaday kadib, waxaa guddiyadii iyo ragii isku dayay nabadda ay
gaareen quus ay aamineen in aan wax xal nabadeed lagaari karin maadaama dhiig
daatay raguna meelxun kala gaaray, laakiin ragaasi sama kataliska ahaa waxay
ilaaween in “Allah” dhiniciisa ay wax kastaa ka suurto gali karaan, wax aan
dhici karina ay agtiisa ku fududahay inay dhacdo, taasi ayaanan ku fasiri karaa
heshiis nabadeedka ee maanta la isku gacma saaray deegaamada Puntland.
Degaankan Puntland waa goob ay wada degaan dad
isir , degaan, dhaqan, dhiig iyo dhiilo wadaagba ah, waa meeshii keli ahayd ee
ka badbaaday in dhiig ku daato ama dagaalo sokeeye ka dhacaan marka laga reebo
xasuuqii Keligii taliyihii Ina Siyad Barre uu u 80 tameeyadii u gaystay
deegaamadaas. Dhiig daadasho la’aantaasina waxaa marka koowaad mahadeeda leh
Allah marka xigana shacabka reer Puntland oo ah shacab fahamsan nolosha
qiimaheeda, dhibaatada dagaalka,iyo iinta iyo aanadu waxa ay keeni karto.
Iyadoon aan wax maamul ahi jirin ayaa deegaamadaani samaysteen xeer hoosaad ah
in qofkii qof dila la soo qabto hadii uu gardaro dilkaasi ku dhacayna la dilo
gacan ku dhiiglaha, taas ayay ahayd wixii kala nabadgeliyay malaayiinta ruux ee
ku sugan deegaamadaasi. Waxaa mucjiso ahayd in meel aan ciidan Booliis, dowlad
, iyo maxkamadi ka jirin laga hirgeliyo oo la dabakho sharcigaas isaga ah, sida
xaqiiqdu tahayna waxaa dhacday in tobanaan goor gacankudhiigle baxsaday ay
beeshisu ama qabiilkiisu amaba xataa walaalihiis soo qabtaan oo gacanta u soo
geliyaan cidii wax laga dilay si ay xadkooda uga gutaan, mucjisoonyinka
deegaamadaan ka dhacay waxaa ka mid ah in markii qaar ka mid ah gacan ku
dhiiglayaashan loo soo gacangeliyay cidii wax laga dilay ay cafiyeen oo ku
bedesheen mag ama diyo, taasi oo ku tusinaysa naxariista iyo isjacaylka ka
dhexeeya walaalaha reer Puntland inuu yahay mid aan wax dhaawici kara ama fidmo
dhexdhigi karaa jirin oo aad u jeedid in xataa meesha ugu kharaar hadii xaajadu
gaarto oo dhiig daato ay diyaar shacabkaasi u yihiin in ay wanaag iyo maxabo ku
khatimaan khilaafka iyo dhibka.
Nin diidi kara in dhibaato dhacday ma jiro,
nin inkiri kara in dhiig daatay ama khilaaf dhacayna ma jiro, laakiin ciriiri
kasta fudayd ayaa ku xiga, dhibkastana waxaa daba taal dheef. Soomalidu waxay
tiraahdaa (nin sar muraayad ku jirow dhagax ha tuurin) sababtuna tahay
barwaaqadii , ganacsigii, isdhex mushaaxii, shaah wada cabkii, kaftankii, isa
sooryayntii , iyo samihii reer Puntland lagu yiqiinay waxaa gilgilay oo xoogay
yare hakiyay khilaafkii deegaamadaasi ka dhacay, laakiin iyada lafteedu waxaan
filayaa inay inoo ahayd darsin oranaya (dagaal wiil ku dhinta mooyee wiil kuma
dhaso) .
Waxaa heshiiskani tusaale u yahay dhamaan
shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana meelaha weli sida maalaayacniga ah loogu
daadinayo dhiiga daahirka ah ee dadka Muslim,maatada iyo maxaysatada aan awooda
lahayn ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ah caruur, dumar iyo waayeel, sida Muqdisho,
Kismayo, Baydhabo, Caabudwaaq, iwm.
Heeshiskani waa darsin wuxuuna darsin u yahay
nimanka hortaagan midnimada Soomali wayn, nimanka aan u aabayeelayn shacabka
Soomaaliyeed, nimanka caruurahooda dibadaha gaystay si ay tacliin, caafimaad
iyo amni u helaan dadka kale caruurahoodana gumaada, waxay darsin u tahay kuwa
kala qoqobay shacabka isu hiloobay ee walaalaha ah kuwaan oon kala maarmin sida
gacmaha mataanaha ah ee bidix iyo midig.
Shacabka reer Puntland waa kuwii horseedka
weligood u ahaan jiray midnimada , xoriyada iyo xaq udirirka Soomaali wayn,
hadaba maanta waxay muujiyeen wax ku dayasho lagu faano leh, oo ah NABAD IYO
NOLOL, taasina waa tan keliya ee looga bixi karo dhibka maanta dalkeena iyo
dadkeena Soomaaliyeedba haysta.
Waxay leeyahay GUUL HESHIISKA PUNTLAND, GUUL
MIDNIMADA IYO WADA JIRKA SOOMAALIYEED.
Gabagebadii waxaan tahniyad u dirayaa Cuqaasha,
Isimada ama Guurtida ka soo shaqaysay heshiiskan sida Boqor Buurmadow iyo
Suldaan Saciid, sidoo kale waxaan hanbalyo iyo mahadba u dirayaa kuwa aqbalay
heshiiskan kana tanaasulay mowqifyo ama mabaadi adag oo ay aaminsanaayeen ,
iyagoo ka doorbiday ama fahmay qiimaha nolosha iyo nabadu ay leedahay.
Ugu danbaystii Hishiiskani waa mid taariikhda
ka galay baal dahab ah. Allah waxaan ka baryayaa inuu ka dhigo mid hirgala ,
lagu baraaro oo lagu barwaaqoobo. Inta garatayna guul inta aan garana Allah ha
garansiiyo.
Jabarti M. Aw-Osman | jabarti2020@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar
u tahay qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk | May 30, 2003
|