Waa maxay farqiga u dhexeeya Ummi (qof aan
waxba qorin, waxbna akhriyin) iyo Jaahil?
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
Dad bandan waxaa ku soo degdegaysa hadii
ay maqlaan labadaa tilmaamood, inay yihiin hal dabaqad oo ka mid ah mujtamac
isla markaana isku mid ah, waase arin iska cad in farqi wayn u dhexeeyo haddii
aan lagu idho adaygin.
Kollay hadii aan isku dayo inaan micneeyo
waxaan odhan lahaa:
Ummi waa qof aan waxba qorin waxbana akhriyin
xumaha iyo samahan ula siman dadka, inkastoo xag rabi la inooga
sheeegay inaanay isku mid ahayn qofka wax yaqaan iyo qofka aan wax aqoon, balse
dadku intaa kagama hadhaan ee waxay ku tilmaamaan qof aan ilbaxnimada waxba kala
socon oo qawaaniin, horumar iyo tixgelin midna aan laga mutaysan isaguna
mutaysan. Qofka Soomaalidu liidayso waxay ku yidhaahdaan “war tag Jaahil
yahaw”. Akhristow ogow in arintu ka duwan tahay sidaa (ha ilaawin tilmaamihii
Rasuulkeena Suubanaa NNKH)
Jaahil waa qof qalbigiisu uusan aqoon wanaaga,
waajibaadka rabaaniga ah iyo ixtiraamka aadanaha midnaba, cidna aan la tashan,
xukunkiisu kuma arooro diin iyo maslaxad, balse wuxuu ku arooraa rabitaankiisa
oo keliya, sidaa awgeed ma manaafacaadsan karo xataa haduu cilmi leeyahay.
Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa Fircoon oo
yidhi “Ana’ rabukul aclaa” subxaan Allaah, sida la weriyey waxaa maalin
maalmaha ka mid ah gurigiisa soo hor fadhiistay nin dhar-sameeye ah oo wata
qalabka Alandiga (wershad gacmeed yar oo dharka lagu sameeyo). Fircoon wuxuu
arkay ninkaan oo isku garaacaya qalabkaa oo si aada ugu hawlan, kuna jira hawl
uu fahmi waayey. Wuxuu isku dayey inuu wax ka ogaado ninkan mashquulka ah waxa
uu meesha ku hayo iyo ujeedada uu ka leeyahay qalabkan uu isku garaacayo. Wuu
ku soo baydhay, isaga oo dadka ka xan qarsanay illeen waa tuug iyo been hawaas
xaalkiiye, faq badanaa daacad yaraa ... inta uu ninkii ku soo dhawaaday oo la
faqay ayuu waydiiyey waxa xadaafiirta intaaa le’eg geliyey oo uu isugu
garaacayo qalabka oo ula muuqda mid aan wax (dun) ku jirin.
Ninkii intuu kor u hadlay isaga oo
maqashiinaya dadkii kale ayuu yidhi Sayidii (kaabbe ama taliye...) miyaadan
arkayn dharkan quruxda badan oo aan samaynayo? isagoo sii raaciyey xayeysiin
aad u heer saraysa … wuxuu ku soo gunaanaday “… waa dhar aan doqonka iyo
jaahilku arki karin” MIYAADAN ARKIN SAYIDII ADIGU?
Waa jaahil iyo caadadii beenta kama xishoodo,
waa keligii taliye, waa fule, waa qabqable iyo beentii, waa maan laawe, wuxuu
ka xishoodaa xaqa iyo inuu runta sheego oo kor u hadlo, waa tuug oo wax buu
qarsanayaa sidaa awgeed inuu dhuundhuunto, hoos u hadlo, hoos hoos u socdo dan
buu mooday, wuxuu walaaqayo ayuu og-yahay inay sun iyo waabay tahay. Markii uu
ogaaday in waxa uu ninka waydiiyey dadkiina maqleen “haa waan arkaa ee waa
meeqa” ayuu kor u yidhi, isla markaana wuxuu amray waardiyayaashiisii, in loo
keeno ninka iyo dharka uu samaynayaba xafiiskiisa “Guriiisa” gaarka ah,
deetana horay u sii socday.
Wax yar kadib waxaa irida looga soo geliyey
ninkii oo aad moodo inuu culays wado wuxuu sidana ma arko, yaab badanaa.
Fircoon intuu indhihii marmaray ayuu marlabaad indhaha ka buuxsaday waxa
ninkani la ciirciirayo, balse kuma guulaysan inuu arko wax ka badan ninkii ay
banaanka isku soo arkeen, waa ninkii uu ugu markhaati furay dadka hortiisa
wuxuu ka baqayaa inuu runta sheego oo doqon lagu sheego. Waxaa ninkii iyo
fircoon dhex martay sheekadan gaaban oo ganacsiga ah:
Fir.:
Iiwarran oo iiga warran dharka aad samayso?
Ninkii:
Sayidii dharkan waa dharka aduunka ugu qaalisan oo loogu tala galay boqorada,
dadka caqliga leh iyo dadka sharafta badan oo keli ah...
Fir.:
Sidii caadada u ahayd wuu guul guulay ninkii oo yidhi hadii dharkan uusan ahayn
dhar ii qalma madaxaan kaa jarayaa isagoo iska indho tiraya runta uguna
gabanaya inuu iska hubiyo in arintu dhab tahay... (waa jaahil wuxuu ogyahay ma
jirto)
Ninkii.:
… “Haa sayidii waataan kuu sheegay” ayuu yidhi isagoo gacmaha marba dhan
ugu wareejinaya wax uu horay uga quustay inuu arko, isagoo xarakaadka iyo
xayeysiinta uu samaynayo aad yaabaysid sidii dukaanle busaaradsan oo marba dhan
u walcinaya, eeg sayidii, eeg sayidii...
Fir.:
Iimisa midab ayaad haysaa?
Ninkii:
Eeeeeeg Sayidii kani waa cagaar sida aad aragtaba isagaana ugu qurux badan ee
iibso.
Fir.:
Waayahay… imisa ayuu joogaa
Ninkii:
Wuxuu joogaa ... oo dahab ah
Fir.:
Hooo!
Fir.:
Sidee loo xidhaa...
Ninkii:
Wuxuu ka bixiyey dharkii uu watay, wuxuuna u guntiyey ama u geliyey wuxuu
Alandiga ka soo saaray! Waana iska tegay.
Fircoon oo aad u xaragoonaya, wuxuu galabtaa u
baxay tax-taxaashin, ciidankiisii oo hareeraha ka socda ayuu suuqii isa soo
dhigay. Waa jaahil oo wax looma sheego, waa jaahil oo waa keligii taliye, waa
jaahil oo waa dhiig-yacab, waa jaahil oo wanaaga iyo xumaha ma kala yaqaan, waa
jaahil oo dadka lama tashado, waa jaahil oo naftiisa ayuu wax walba la jecel
yahay, waa jaahil oo wuxuu ka xumaadaa hadii ay soo korodho wuxuun waxtar u ah
aadanaha, waa jaalhil oo waxay noloshu la tahay waxa isagu doonayo oo keliya,
waa jaahil oo wuxuu u haystaa labadii meel taaganba inay isaga u faqayso, waa
jaahil oo wuxuu ka shaqeeyaa colaada, nacaybka isku dirka si cidina aanay u
noolaan, waa keligii noolaade oo wuxuu aamin san yahay waxa isaga ay la tahay,
waa jaahil oo waa lagu dhici waayey, car yaa ku dhaca.... waa jaahil oo
weligiiba indhihiisu wax wanaagsan ma arag dhegihiisuna wax san ma maqal, saa
ilaahaybaa ku mana sheegtay inuu jaahilkaa ifka ka kexeeyey, si kastaba ha
ahaatee cidina isma eegin isagana lama eegin ee waa la horgalay.
Siduu u mushaaxayey oo u xaragoonayey dadka
wixii arkaana u indha gabax laynayeen, wuxuu ku soo baxay wiil yar oo ciid ku
cayaaraya. Wiilkii yaraa wuu amankaagay oo yaabay oo intuu is haysan waayey
foolxumadii fircoon ka muuqatay ayuu afka furtay oo mar keliya ku qayliyey “HAYAAAAAAAAYEY
NINKA QAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAWAN!”.
Fircoon cirka iyo dhulkaa ayaa ku yeedhay,
wuxuu maro ka dhufsaday waardiyihiisii ugu xigay, maanta inuu fashilmay ayuu
iskula faqay, laakiin sida uu mooday ma aha xaalku, waayo dadku kama ilbaxaan
oo ishoodu ka arkay, waa dad duloobay oo aan waxba ku qaadan dhacdadaa iyo
dhacdooyin kaleba oo weli been buu usii sheegayey ilaa afka dhoobo looga shubay.
Akhristow hadaan qormadaan barbar dhigno
qabqablayaasha Soomaalida ma noqonayso mid aad la yaabto hadii aad dib ugu
noqoto dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay. Laga soo bilaabo dadkii maslaxadooda
la qubay, qabiilka la cabsiiyey, kuwii qoriga loo xambaariyey oo qaladka isku
raacay, dhaxalka ay uga tageena noqday silsiladii faraacinada.
Sida aan 2002 mar hore ku xusay maqaal ku soo
baxay Internetka oo ku saabsanaa mar aan socdaal ku tegay dalal ka mid ah
Geeska Afrika, soonoqoshadaydii waxaan ka soo ababaxay Uganda, waxaan diyaarada
isugu nimi nin soomaali ah oo aanu Denmark wada deganahay, balse wax aqoona oo
hore aanaan isu lahayn. Adis Ababa markaanu nimi waxaanu ku degnay hoteel.
Waxaa markiiba dad meesha joogay ii sheegeen in ay hoteelka degan yihiin kooxo
siyaasadeed oo soomaaliya ka yimi, waxaan iskula “faqay haa gartay waa
kooxdii ...”. Waxaan aad u danaynayey inaan wuxuun ka ogaado dadkan siyaasada
Soomaaliya horboodaya. Cabaar kadib waxay indhahaygu qabteen dad Soomaali ah oo
intooda badan miisaankoodu u dhexeeyo 40-60 kg oo koox koox u wada socda.
Waxaan xafiiska qaabilaada waydiiyey dhawr magac oo aan islahaa wuxuun baad ka
ogaan kartaa, aniga oo waydiiyey magacyada hogaamiye kooxeedyo meesha la iigu
sheegay, balse waxaa la ii sheegay inuusan HEBEL Adis joogin HEBEL IYO HEBELNA
ku maqan yihiin Adis dibedeeda balse ay ilaa galabta soo noqonayaan. Waxaan ka
qaatay telefono, maalintaa inteedii badnaydna waxaan waqtigayga ku qaatay
receptionka aniga oo wax akhrisanayey, hoostana ka eegayey kooxaha soomaalida
ee halkaa koox koox ku imanayey ugana baxayey. Kulligood waxay ahaayeen dad
dhiilaysan, marka ay wejigaaga garan waayaan isla markiiba sidii aad qaan u
qabsanaysid way is dadbayeen, waxay u muuqdeen kuwo isula socda hab qabiil,
waayo kooxina koox lama hadlayn.
Aniga iyo ninkii aanu wada soconay fiidnimadii
waxaanu usoo casho doonanay makhaayada hoteelka oo dad badan ka cuntaynayeen,
waxaa miis xoogaa noo jira fadhiyey lix nin oo ka mid ah kooxaha soomaalida,
waxaa iyaguna jiray qaar kale oo si qalabaanyo ah u fadhiyey meloo kala duwan.
Aniga iyo saaxiibkay waxaanu ka sheekaysanay kooxahaas, waxan u soo jeediyey
inaanu u tagno oo la sheekaysano. Wuxuu iisheegay inaanay ku banaanayn salaan
iyo sheeko toona “war waa cawaan dad bini aadan ah bay dhameeyeen oo dalkii
bay baabi’iyeen ....” ayuu iigu jawaabay isla markaana sida aan ka ogaaday
dareenka saaxiibkay waxaan gartay inuu garanayo raga meesha fadhiyey qaarkood.
Waan ku raacay dareenka Soomaalinimo oo ka muuqday saaxiibkay.
Cuntadii baanu iska sii wadanay anaga oo
hoostaa marba isha kaga xadayna, waxayse noogu darayd, markii nin kooxihii
Somalida oo meesha fadhiyey ka midahi, da’diisa aan ku qiyaasay ilaa
kontameeyo uu si yaxyax iyo ma xishoodnimo ah gacanta hoosta uga geliyey
gabadhii u adeegaysay. Waxaa isla markiiba igu soo dhacday “waryaa! gabadhaan
maxay mudan lahayd hadii maanta ay joogi lahayd...... dabcan waxay kagaga
badbaaday calankeeda ay hoos joogto” Islaam allow kuwa uu ka yimi imisa
xadgudib iyo tacadi bay maanta gaysteen, barina imasaa sugaysa kufsi, dil iyo
xadgudub?
Saaxiibkay markii uu casheeyey wuu iska baxay,
aniguse waxaan go’aansaday inaan nimankaa u tago oo bal wax kasta oo ay
yihiin iskala soo sheekaysto. Sida aan maqaalkii hore ku xususay waxaa na
dhexmaray doodo kulkul; kii iigula macquulsanaa, wuxuu ii sheegay in ay
siyaasadii buubayso iyaguna ay daba buubayaan balse ay gaadhi la’yihiin,
sidaa awgeed waa wareerka wareerka gaadhsii. Anigoo si sarbeeb ah uga duulaya
dhacdadii daqiiqado ka hor, waxaan waydiiyey “ kollay wax soo kordhin
maysaane wixii aad gaysateen maxa idinku kaliifay iyo cida loo raacayo”.
Arintaas oo dhamaantood hal nin mooyaane si wayn u taabatay, waxay dhalisay in
ay hadalkiibay kala boobaan, qaarkood erayada ka soo baxayey waxay ahaayeen qof
inaba damiir aadaminimo ku hadhsan yahay aanay afkiisa soo mari kareen, waxaan
ka xasuustaa “qabiilkayagaa ugu badan Soomaaliya...” qaarbaa u gacan
haadinayey dagaaladii Hargaysa, qaarbaa eedaynayey dawladihii hore, Carta iyo
Qaahira iyo wax la mid ah, mana jirin gebi ahaanba qof ka hadlay sidii lagu
xalin lahaa waxa maanta taagan.
Aniga oo adeegsanaya muuqalka siyaasadeed iyo
dadnimo ee ka muuqda dhafoorkooda, waxaan waydiiyey nin oday ah oo ku faanayey
engineernimo “maxaa dhinaca kuu qaloociyey ma qorigii aad siday ilaa iyo
maalintii dagaaladaa, imisaad ku dishay? Hadaad aqoon leedahay maxaad sidaa ugu
hadlaysaa...? Akhristow, yaanan hadal idinku daalin balse
dhacdooyinkaa kuwii goob jooga ka ahaa waxaan rajaynayaa inay xasuusan doonaan.
Ugu danbayntii waxaan isku deyey inaan nimankii wax tusaaleeyo erayada aan ku
sagootiyey waxaa ka mid ahaa war soomali dal iyo khayraad ku filan way leedahay
ee dalka iyo dadka ha loo naxariisto.
Qormadaan muhiimadeedu waa in qof waliba
ogaado inay jiraan xisaabo socota dhinackasta, markaa waa in qofku dib u
xisaabiyo, ogaado waxa uu qaban karo iyo dhibka uu gaysan karo intabaa. Waa in
loo qiro qofkii wax qabad muuqda la yimaada, waa in loo qiro wanaaga qofkii leh,
waana in qofkastaa ku qancaa wixii ka xumaaday. Hadaynu tusaale u soo qaadano
nin madax sheeganaya oo mansab iyo maamuus u dudaya, hadana ku nool magaalo ka
mid ah meelaha ugu foolxun, dilka, dhaca iyo afduubka badan aduunka, carabtu
waxay tidhaahdaa “Al-cayanul basiira wal yadul gasiira”, burburka, qoriga
lala wareegayo, qabiilka, is dhexyaacaya, fawdada iyo burburka uusan waxba ka
qaban karin, ma idhihiisaa ku doogsada waa is waydiine, mase aqbali karnaa
calanbaan masrax siyaasadeed ka taagay?
Mase aqbali karnaa ganacsade dalka ka saara
lacagta adag oo keena, foorjeri, daawo ama cunto dhimatay, cidhib tira
khayraadka iyo dabeecada dalka, cashuur iyo magdhaw toona aan bixin.
Mise waxaynu xaq aynu leenahay u si waaliya u
siinaa qof aan u qalmin in la hogaamiyo ama wax hogaamiya. Waxaaba la odhan
karaa dalka, dadka, jiritaanka, nabada, horumarka iyo sharciga waxaa kala
qaalisan mar uun madaxwayne i dheh!
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
QORAALADII HORE EE XASAN NUUR
Faafin: SomaliTalk | May 31, 2003
|