Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo go'aan ka
gaaraya mustaqbalka guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah C/dalla Deeroow Isaaq.
Shir ay shalay [May 2] isugu yimaadeen
xildhibaanada ka tirsan golaha Baarlamaanka KMG ah ee ka soo jeeda beesha Digil
iyo Mirifle oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay arimo dhawr ah oo
ay ka mid yihiin, isu keenidda dhinacyada RRA ee Col. Shaati Guduud, Xaabsade
iyo Shiikh Aadan Madoobe oo isku dilaya gacan ku haynta gobolada Baay iyo Bakool,
waxaa kaloo kulankaas looga hadlay wixii laga yeeli lahaa C/dalla Deeroow Isaaq,
waxana loo saaray guddi ka kooban 11 xildhibaan oo la faray inay go'aan kama
dambays ah keenaan, muddo laba maalmood gudahood ah.
Xildhibaandani waxay kaloo ka
hadleen nabadaynta gobolka Benaadir oo beryahanba ay wadeen hoggaamiye
kooxeedyada Muqdisho, waxayna sheegeen in beelaha Digil iyo Mirifle ay
taageersan yihiin maamul u samaynta gobolka Benaadir, ayna tahay muhiim in la
xalliyo mashaakilaadka caasimadda.
Shirkan gaarka ah ee ay yeesheen
xildhibaanadan ku abtirsada Digil iyo Mirifle, ayaa wuxuu ka danbeyey ka dib
markii uu ismaandhaaf siyaasadeed soo kala dhexgalay madaxweynaha dawladda KMG
ah, Dr. C/qaasim Salaad Xasan iyo guddoomiyaha golaha Baarlamaanka KMG ah, C/dalla
Deeroow Isaaq, waxaana laga yaabaa in xildhibaanadan Digil iyo Mirifle ay ka
baaraan degayaan sidii ay u keeni lahaayeen nin kale oo lagu bedelo C/dalla
Deeroow Isaaq oo laga yaabo inuu jagadiisa waayo maalmaha soo socda.
Maalmaha nagu soo fool leh ayuu
Baarlamaanka isla gorfaynayaa Ajendayaal door ah oo ay ka mid yihiin qiimaynta
shirka Nayroobi iyo waliba arimaha ay ka mid yihiin dib u eegista hawshii ay
qabatay xukkuumadda Xasan Abshir Faarax iyo arimo kale.
Xildhibaan Maxamed Axmed (Maas)
oo ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan TNG-da.
Afhayeen u hadlay 29-kii
Xildhibaan ee diidanaa in la rido Cali khaliif Galayr, oo lagu Magacaabo
Xildhibaan maxamed Axmed Ciise [Maas] ayaa ka hadley khilaafka ka dhex taagan
Madaxda sare ee TNG-da waxa uuna yiri "29kii Xildhibaan ee diidanaa in Cali
Khaliif xilka laga qaado waxay ahaayeen kuwii ugu mowqifka adkaa dowladii Carta
lagu soo dhisey iyadoo markaa laga weecanayey aragtidii ku aadaneyd xil ka
qaadistaas"waxaanu u argney 29keena in aaneey Carta qeybsami karin o aaneey
cadow isku noqon karin, in badana waan ka digney cawaaqibxumadda ka imaan kartey
arintaas ilaa Maanta ay qeyb-qeyb u kala burburtey, ayuu yiri Xildhibaan Maas oo
intaa ku darey in aaneey arintani timaadeen hadii aan la isku baheysan Xil ka
qaadistii Cali khaliif, waxa uuna ugu danbeyntii soo jeediyey in aan la baabi'in
natiijadii Carta ee Reer jabuuti maaal iyo maskaxda isugu geeyeen.
Dhinaca kale, waxaa shalay
kalfadhigii 5-aad, kulankiisii saddexaad ee baarlamaanka KMG ah looga dooday
arimo ay ka mid yihiin in qiimayn lagu sameeyo shirka Mpegathi, waxaana is qoray
ilaa 30 xildhibaan oo 9 ka mid ah oo kaliya ay shalay fursad u heleen inay
halkaas ka hadlaan, xildhibaanada halkaas ka hadlay waxaa ugu hadal kululaa
xildhibaanadda lagu magacaabo Nadiifo Shiikh Axmed oo iyadu sheegtay in C/qaasim
uu khiyaamay Baarlamaanka, isna la khiyaamay markiisa ayna maanta khasab noqotay
in iyaga dib loogu soo cesho wixii qolka mugdiga looga wada hadlay, sidoo kale
waxaa isna hadlay Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo halkaas ka sheegay in loo
baahan yahay in la badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed, lana joojiyo is qabqabsiga
ka dhexeeya mas'uuliyiinta ugu sareeya TNG-da, wuxuu kaloo xildhibaanku soo
jeediyay in xubno ka tirsan TNG-da, loo diro Kenya, si ay u soo dhammeeyaan
ismaandhaafka.
Kalfadhigan 5-aad ee golaha
baarlimaanka KMG ah ayaa furmay markii u horreysay tan iyo intii la aaday shirka
dib u heshiisiinta ee haatan ka soconaya dalkaasi Kenya, wuxuuna kalfadhigani ku
soo beegmay xilli ay jiraan khilaafyo issa soo taraya oo oo u dhexeeya
mas'uuliyiinta Carta, iyadoo walilba xiligoodiina sii dhamaanayo.
Mogadishu Weekly Reporter A. D
weekly@somalitalk.com
Qoraaladii
hore ee Mogadishu Weekly
May 3, 2003
Kulaabo Bogga
Hore....
|