SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Maxaa ka jira in Xuseen Xuubsireed yahay afhayeen beeleed?.

Saeed Liibaan
London/Uk

faaraxad@yahoo.com 

May 8, 2003

KAAH

Akhristayaasha Somalitalk waxaan ku salaamay salaanta Muslinka marka hore.Asalaamu calaykum, marka xigta waxaan arkay qoraal cinwaan looga dhigay Afhayeenka Beesha Cumar Maxamuud ee Manchester/UK.

Akhristayaasha waxaan u sheegayaa inkastoo saxaafadu xor tahay bogga Somalitalk waayadii hore waxaa mamnuuc ka ahaa in lagu soo qoro beelaha warkooda oo qayaxan,ama maba dhici jirin aan iraahdee in lagu arko magac beeleeddka dilooday bogga kale ee Soomaalidu leedahay.

Aan kuu jilciyee waa warka leh beel hebla ayaa sidaa iyo sidaa tiri .Waxaan aniga iyo in badan oo weliba ka kala yimid degaano kala duwan aan isku waafaqsanahay in Somalitalk yahay bogagga Soomaalidu leedahay kan ugu nadiifsan ama aan iraahdee kuwa ugu nadiifsan ee qabiilka iyo dhinac uxaglinta banaanka ka ah, oo weliba ka dhawrsada buunbuuninta dagaalada sokeeye iyo wararka dagaal oogayaashaba. Mana iga aha amaane waa sida akhristayaasha bogga Somalitalk u arkaan.Hadaad rabno waad qaadi kartaa cod bixin k usaabsan arintan si aad u'aragto waxa aan sheegayo inay run tahay iyo inkale.

Walaal waxaan deganahay London,waxaana aan kuu sheegayaa ninka isku magacaabay inuu yahay afhayeenka beeshaas uu magaceeda

soo qaaday ee lagu magacaabo Xuseen Xuubsireed,walaal waa been aan waxba ka jirin jagadaas uu sheegtay waana nin da yar oo aan xitaa dadka uu leeyahay waan matalaa aan waxba ka aqoon.

Micnuhu maaha inaan udiidanahay jagadaas qabiilka oon xagayga wax weyn ka ahayn,waxaanse diidanahay inuu ku hadlo afka dad badan oo xitaa aan aniganba ka mid ahay ogna inuusan ahayn waxa uu sheeganayo,kana xun ku been abuurashada uu nagu been abuuranayo.

»»Afhayeenka Beesha Cumar Max'ud ee Manchester/UK [Maqaal]

Markii iigu dambaysay ma jirin qof afhayeen u'ah beeshaas oo ku sugan Machester ama meelkale oo ka tirsan Uk.

Walaal ninkaas waa Xuseen Xuubsireede wuxuu ahaa markii iigu dambaysay dadka u'ololeeya dagaalkii ahliga ahaa ee ka dhex socday reer Puntland labadii sanno ee udambaysay,markaasoo uu lacagaha qaaraanka uguri jiray Kornayl C/laahi Yuusuf.Waxaan afkiisa ka hayaa Xuseen Xuubsireed mar aanu ka sheekaysanay arimaha Puntland inuu yiri waxaan lacagta toos ugu diraa wiilasha jooga Bookh oo aan uga dhigaa jiscin ay ku gaaraan Boosaaso iyo Gaalkacyo si ay uga qayb galaan dagaalka lagu xoraynayo Boosaaso waa markii uu ka maqnaa C/laahi Yuusuf degaanada Puntland qaarkeed.Wuxuu intaas Xuseen Xuubsireed ii sii raacshey in aabihiis Maxamed Xuubsireed oo jooga Ottawa/Canda uu isna qaabilsan yahay inuu ka uruuriyo lacagaha reer Canada isna .Halka hooyadiis oo uu iigu sheegay Xaliimo Sugule Xaabseyna ay hawsha dhankeeda kaga jirto taasoo aan aad ula yaabay reer dhan oo uguntan dab ka sii shidida dad ehel ah dhexdiis.Inkastoo siyaasadu ay iska tahay wax dacar ah oo dadka kala kaxeeya caql! igana ka qaada marka laysk uqabsado siayasad,hadana weli ma arag reer dhan oo siyaaso isku raacsan waa qoys hooyo,aabe iyo caruur ay dhaleen ka wada koobane oo weliba dagaal lacag u'uruurin k ufanaanaya waa yaab iyo amankaag!.

Waxaan hadaba la yaabay in Xuseen oo ku faraxsanaa wiilasha tolkiis ee uu yiri waxaan ka keenaa Bookh iyo ka kor si ay ugu dagaalamaan C/laahi Yuusuf oo dhiig sokeeye udaadiyaan inuu maanta sheegto afhayeen beeleed waxaana khalad ah inuu beeshaas ku been abuurto.

Waxaan ucadaynayaa akhristayaasha boggan Somalitalk inay sidaa u'ogaadaan in ninkaasi uusan cidna matalin ee uu yahay nin ku sifoobay u'ololaynta dagaal sokeeye beesha uu leeyahay waan uhadlaana aysan idilkood isku raacsanayn dagaalkii ehliga ahaa ka dhexdhacay reer Puntland dhexdeeda.

Beesha waxaa matali kara oo afkooda ku hadli kara laba qofkii ku sifooba.

1-In marka hore ay jirto doorasho loo dhan yahay oo beesha ah ee aysan kooxaha siyaasada isaga soo horjeeda midood aysan dooran.

2-Inuu qofkaasi yahay qof ka daniifa dagaalada sokeeye ama siyaasadiisu aysan dhana raacsanayn taaso oadagba in qof noocaana la helo badanaa.Hauud jirana uuba ka xishoodo inuu yiraahdo waxaan afhayeen u'ahay beel hebel afkiisaba uusan soo marsiin karin qoqobkaas.

Wabillaahi tawfiiq.

Saeed Liibaan

London/Uk

faaraxad@yahoo.com 

Kulaabo Bogga Hore....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD