Pakistan Iyo Hindiya oo Gaadhay Heshiis Ka Dhigan
Sidii Film Hindiya oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag.
Waxaa
isku soo dubaridey:
abdiaziz ahmed
mousa
abdiaziz2@hotmail.com
May 13, 2002
Hindiya .13-may New-Delhi . Ergayga Maraykanku
u Diray DhexDhexaadinta labada Dal Ee Hindiya Iyo Pakistan Richard Armitage Oo
Ahna Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Ayaa wadahadal Xoogleh
la Yeeshay Hogaamiyayaasha labada Dal .
Mr Armitage oo la Hadlay Saxaafadda ayaa
Sheegay In Uu ku Guulaystay Heshiis Dhex Maray Dalalka Pakistan Iyo Hindiya Taas
oo Sababtay ayuu Yidhi Waa cusub Oo U Baryay Labad Dal. Raysal wasaaraha Hindiya
Atal Behari Vajpayee iyo Madaxweynaha Pakistan President Musharraf ayaa
labadooduba Qiray Sida ay Uga Go,antahay Heshiis Dhex Mara Labada Dal Ee Ood
Wadaagta ah Ee Inta Badan Isla Soo Maray Colaada Gamuurantay ee ka Taagan
Gobolka Qaniga ah Ee Kashmir.
Hindiya ayaa U dirtay Ergay Cusub Caasimadda
Islaamabad Halka Ay Pakistana U Dirtay Ergay Cusub New-Delhi Waxa la Furay Xadka
labada Dal U Dhexeeya iyo gabi ahaanba Diyaaradaha labada Dal Iskaga kala Goosha.
Hindiya ayaa Xidhatay xuduudaheed iyo hawadeeda
ka dib markii Sanadkii 2001 bishii December 13-keedii ay Kooxo Reer Kashmir ahi
ay werar ku soo qaadeen Baarlamaanka Dalka Hindiya.. Werarkaas oo Ay Hindiya
Dusha Ka saartay Dalka Pakistan Taas oo Sababtay in Labada Dal kala Qaataan
Diblomaasiyiintii u Joogtay New-delhi iyo Islamabad, Xidhayna Xuduudaha iyo
Hawadda Dalalkaasi.
Maalimahan Xiiso Gooniya waxa ay Dadka Reer
Hindiya u hayeen Jaraa,idka Dalka Ka soo baxa kaas oo si faahfaasan uga
waramayey Heshiiska Dalalka Pakistan Iyo Hindiya waxana Farwaaweyn lagu Soo
Dhigay Ciwaan Muujinaya is dhex-galka Labada Umadood iyo Xubno Baarlamanka
Pakistan ah oo Xadka ka Soo Talaabaya iyagoo caleemo qoyan Sita.
Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee
Maraykanka Richard Armitage Oo Ah Odayga Ka Arrimanyey Muranka labada Dal u
Dhaxeeya ayaa Shaaca ka Qaaday Saacdo kaliya in Hashiis la gaadhay ..taas oo
fajicisa ku riday dadyowga labada dal oo U Soo taagnaa Hashiisyadii Miiska loo
Soo Wada Fadhiistay Ee lahor iyo Agra kaas oo ay aduunyaduna il Gooniya ku
Eegaysay Akhirkiina la Ogaa waxa uu ku Danbeeyay .
Maanta Heshiiskan Labad Dal Gaadheen maaha mid
ay kulmeen oo ay Miis isku soo hor Fadhiisteen Hogaamiyayaasha Labada Dal.
Waa Hashiis uu Gadhwadeen ka Ahaa maraykanku oo
lagu kala saxeexday Telephone-ka Mana Noqon Doona Mid waaraya Sida uu yidhi Ku
Xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya L.K.Advani oo Ah Nin Hadalo Cad Cad ..Waxanu
Intaa ku Daray Mudane Advani Haddii Pakistan Soo Dayso Argagixisadda Hoyga ay
Siisay oo Ay na soo weraraan Heshiisku waa burburayaa.
Lala Krishna Advani Raysal wasaare ku xigeenka
hindiya waa Ninka lagu tuhunsan yahay in uu yahay ninka daaha dabadiisa ka
maamula dalka Hindiya, Mr Advani waa Nin Muslimiintu ugu yeedhaan in uu yahay
Cadow-ga Muslimiinta, waxan ay jabhadaha Reer Kashmiir ku Balan Qaadeen in ay
qoorta ka Goyn doonan Mar ay ahaataba Raysal wasaare ku Xigeenka Mr Lal Kirshna
Advani.
Siyaasadda Xisbiga Taladda Dalka Hindiya Haya
ee la Yidhaa PJB oo ay is bahaysi la yihiin Urur-kale oo yar yar oo la isku
yidhaa Dhamaantood NDA, ayaa loo fasiran karaa in PJB heshiiskan ka leedahay
Ololaheega ku wajahan Doorashadda Madaxtinimo Ee Bisha October ka Dhacaysa Dalka
Hindiya ...Hishiisakna yahay Riwaayad ay labada Dal Isku Dhigayaan Waxana
Durbaba bilaabmay Ololaha Doorashadda .waxana Maanta Qudbad Ku wajahan Ololaha
Doorashadda ka Jeediyay Magaaladda Lucknow .. Gudoomiyaha Xisbiga Samajwadi
Party oo Ah Xisbi Mucaaridda .
Xisbiga BJP ee uu Hormuudka ka yahay Rugcadaaga
Atal Baheri Vajpayee, Waa Reysal wasaaraha Hindiye, waa Xisbi Ay Aad ugu Badan
Yihiin Dadyowga Hinduga ah ee dalka U Badani Xisbiga BJP waa Xisbiga ka
Danbeeyay Dumintii Misaajidkii Caanka ahaa Ee Sanadaha Badan Soo Jiray Ee Babri
Masjid Kaas oo DhagaxDhagax ay u Qaadeen Boqolaal Kun Oo Hinduu ahi Sanadkii
1992.
Xisbiga BJP waxa ku Jira Ninkii Xasuuqay
Muslimiinta Reer Gujarat, Narayane Modi, kaas oo Dilay In Ka Badan 5,000 oo Qof Oo
Aan waxba Galabsan, Mr Modi Mar kale Ayaa loo Doortay In uu Madax ka ahaato
Gobolka uu ka abuuray Xasarada Ka Dib Markii uu Ololaha Siyaasadda Ku Galay in
ay Muslimiintu Qabsan Doonan Dalka .Haddii Aad Na Dooran waydaan Waa sida uu
yidhiye .. Mr Modi waxa Uu Si Toosa u Cadaystay in uu Yahay Nin Neceb Cid Kastoo
Muslim Sheegata taas Oo Sababtay In uu Codod Badan ku Guulaysto.. ..Gobolka
Gujarat 15% waa Dad Muslim ah Halka inta kale ay Yihiin Hindu.
Mucjisadda Xisbiga BJP waxa ka Mida
Madaxweynaha Hindiya A.P.J Abdul Kalam waligii Ma Guursan...Raysal wasaaraha
Hindiya waligii Ma Guursan ..Ku Xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya Ninka Daaha
Dabdiisa ka Maamula Dalku waligii ma Guursan.. Modi Xubin sare oo PJb ka Tirsan
Ahna Raysal wasaaraha Gobolka Gujarat waligii ma Guursan ....Taas oo Loo
Macneeyay in ay la Sifa Yihiin Culimadda laga Ducaysto Ee Hinduga Kuwaas oo ku
sifaysan In Aanay Guursan inta ay Tample-ka Joogan ..Madaxdaasina wax ay iska
Dhigayaan Si ay Codod Shacbiga Uga Helaan Wadaado Jecel Diinta Hinduga .
Heshiiska labada Dal Dhex Maray waa Mu,aamarat
Siyaasadeed oo la Doonayo In PJB ay kaga Dhaadhicso Dadka Hindiya in ay BJP
tahay Xisbi ku Guulaystay Nabadii Cikranayd ee Mudada Dheer u Dhaxaysay Hindiya
Iyo Pakistan.. Hashiiskaa Oo La Aminsan Yahay hadhow In Uu Burburi Doono marka
ay Dantooda Dhameystaan, waa sida reer india aaminsanyihiine.
Pakistan ayaa iyadana Dan weyn ka leh
Heshiiskan iyadoo iyana wadata Kaarto Siyaasadeed ay ku Doonayso in Indhaha
caalamka Tusto In ay diyaar u tahay La Dagaalanka Argagixisada iyo Ilaalinta
Xariiqda kala Qaybisa Labada Kashmir ee labada dal kala haystaan .
Warbixintii
doorashadii Madaxweynaha Hindia... GUJI
Abdiaziz Ahmed Mousa Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
May 13, 2003
QORAALADII HORE EE CABDICASIIS
|