SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Soomaaliya intii u dhexaysay sannadihii 1960 ilaa 1969

Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com

KAAH

Ka dib markii, siduu abwaan Soomaaliyeed hore u yiri “ay curatoo mataanaysay” oo uu abwaanku murtida ku cabbirayay curashada dawlad qaran oo Soomaaliyeed ee ka dhalatay is-raacii labadii qaybood ee dhulka Soomaalida ee ay mustacmiriintii (gumaystayaashii) Britain iyo Talyaanigu kala maamulayeen ee la kala oran jiray Maxmiyaddii British Somaliland iyo mustacmaraddii Italian Somaliland ee ay Maxmiyaddii British Somaliland ka xorowday mustacmirka Britain 26-dii Juun ee sanadku markuu ahaa 1960-kii, oo shan maalmood ka dibna oo ku beegnayd 1-da Luulyo ee sanadkii 1960-kii ay iyadana heeryadii gumaysiga laga dul qaaday mustacmaraddii Italian Somalilnd, oo si rasmi ahna u midoobay isla 1-da Luulyo ee sanadkii 1960-kii, ka dibna la magac baxay magaca Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa qaab- dawladeedkii ugu horeeyay ee dalka lagu dhaqo loogua yeeri jiray maamulkii rayidka (madaniga, shacbiga) ahaa, ayadoo xukuumadihii dalka soo maray intii u dhexaysay 1960-kii ilaa iyo sanadkii 1969-kii loogu magac daray Dawladihii Rayidka ahaa oo sida laga fasiran karo erayga rayid ay majaraha siyaasadeed ee xukunka dalku qabteen madax rayid ah oo aan ciidan ahayn. Sadarrada uu maqaalkan ka koobanyahay waxaa xuddun ah oo ay diiraddu saari doonaan mid ka mid waayadii siyaasadeed ee ay Soomaalida soo martay oo ay dawladnimadu ugub ahayd, siyaasadda dalkuna curdun ahayd. Wuxuuna maqaalkan dib u jalleecayaa oo uu faaqidaad kooban iyo muqaal guud ka bixinayaa qaar ka mid ah dhacdooynikii xilligaas iyo hab-dhaqan siyaasadeedkii dalka Soomaaliya ka jiray xilliyadii Dawladiihii Rayidka ahaa ee u dhexaysay sannadihii 1960 ilaa 1969.

Warbixin Deegaanka hawd 
Xasan Nuur

Inkastoo labadii gole ee sharci-dejinta1ee ka kala jiray labadii geyi Soomaaliyeed ee ay gumaystayaashii Biritain iyo Talyaanigu kala xukumayeen ay si buuxda u ansixiyeen midowga labadii qaybood ee dhulka Soomaalida, haddana ma jirin haba yaraatee wax mucaahado amaba heshiis ah oo dhex maray labadii qaybood oo ku saabsan awood-qaybsi siyaasadeed oo ma uusan jirin baayactan (gogortan) ay labada qaybood wada galeen oo la tacaalayay ilaa xad heerka awoodihii ay yeelan lahaayeen labada geyi ka dib isku darka iyo istiqlaal gaaridda. Waxaana si wayn uga dhex muuqday dawladdii cusbayd ee ka dhalatay is-raaca madax ka soo jeeday waxa loogu yeero gobollada Koonfureed “reer-koonfur” ama si kale haddii loo dhigo Italian Somaliland. Reer koonfureedku waxay qaateen jagooyinkii uga waawaynaa ee dawladda. Masalan jagooyinka ay ay reer koonfureedku ka hayeen dawladii ugu horraysay ee rayidka ahayd (waa xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar) waxaa ka mid ahaa: jagada madaxwaynenimada; jagada ra’isul wasaaranimada; jagada Taliyaha Ciidamada Booliska; Taliyaha Ciidamada militeriga (Xoogga Dalka); jagada wasiirka gaashaandhigga; jagada wasiirka arrimaha gudaha iyo jagadii wasiirka arrimaha dibadda. Magaalo madaxdana waxaa loo soo xulay in ay noqoto magalada Muqdisho oo noqotay xaruntii dalka. Waxaana beenowday riyo ay qabeen siyaasiyiintii gobollada Waqooyi oo ahayd in tanaasulkii ay muujiyeen lagu abaal marin doono oo ay helayaan matalaadii ay ka quudarraynayeen dawladdii cusbayd.

Sanadku markuu ahaa 1962-dii dawladdii ugu horraysay ee rayidka ahayd waxay dalka u yeeshay cumlad (lacag qaran) oo loo bixiyay SCELLINO SOMALI (Shilin Soomaali). Dawladdu waxay kaloo sanadkii 1963-dii dejisay qorshe loo bixiyay “Qorshihii Shanta Sanadood”. Dawladdu waxay taageero u fidisay dareenkii “Soomali-wayn” oo uu gundhig u ahaa yoolka dib u midaynta dhulalkii ay Soomaalidu degto oo uu weli isticmaarku xukumayay ee French Somaliland (Jabuuti), Ogadeen (Itoobiya), Northern Frontier District (NFD) ee Keenya, tasoo keentay in Soomaalidii ku hoos noolayd gumaysiga ay si cartan iyo dhiidhi ay ku jirto dagaallo goos-goos ah uga abuureen dhulalkii ay degganaayeen. Mid ka mid ah dagaalladaasi oo ka dhacay NFD waxaa loo bixiyay “Dagaalkii Shiftada) wuxuuna dhacay horraantii lixdamaadkii.

Waxaa dalka ku baahay axsaab (ururro) siyaasadeed ku-sheeg fara badan oo magaca mooyaane laf iyo ludba ahaa qaabiil suuradiisa (bidhaantiisii) gediyay oo aan lahayn haba yaraatee wax garaad siyaasaded ah amaba barnaamij siyaasadeed qorshaysan oo mandiqi (caqligal ) ah, axsaabtaasoo badidooda dalka ka hanaqaaday tobankii sanadood ee ka horreeyay qarannimada ee ay labada geyi tabaabushaha ugu jireen xorriyadda. Axsaabtan waxaa sida qalibka ah horseedayaal ka ahaa madax reer-magaal ah oo markoodii hore ahaa hawl-wadeennadii ka haw-gali jiray maamulladii mustacmiriinta ee labada qaybood ee ay Britain iyo Talyaanigu kala maamulayeen. Waxaa xusid mudan in xilligan ay jirtay arrin cayb loo arkayay aalaaba marka ay timaado arrimaha haybta (beesha, reerka, qabiilka) oo siyaasiyiintii waaagaas marka la waydiiyo beesha ay ka dhasheen ay caado ahayd in ay ka gaabsaadaan in carrabka ay ku dhuftaan qabiilka ay ka dhasheen oo “Soomaali baan ahay” keliya ku koobi jireen jawaabtooda. Inkastoo hab-dhaqankan munaafaqnimo lagu sifayn karo marka la eego ururradii beeelah salka ku hayay ee u baratamayay awoodda siyasadeed ee dalka.

Bilicda Soomaaliya.... GUJI 

Dastuurkii cusbaa ee Soomaaliya waxaa namuudaj (naamuunad, qaab) looga dhigay oo lagu saleeyay hannaan siyaasadeedkii mustacmirkii Talyaaniga. Waxaana dastuurka lagu qoray (lagu dhigay) in uu dalku yeelanayo Gole Sharci Dejin (Gole Qaran) oo hal –aqal ka kooban oo ay xubnihiisuna gaarayeen 123 xildhibaan (mudane baarlamaan) oo si toos ah loo soo doorto; Madaxweynaha waxaa dooranayay Golaha Qaranka, madaxweynahaasoo ah madaxa uga sarreeya qaranka, wuxuuna Goluhu dooranayay Madaxweynaha lixdii sanaba mar; Madaweynuhu waxaa uu dastuurku awood u siiyaay in uu soo tarshiixo (uu soo jeediyo qofka qabanaya ) xilka Ra’isul Wasaaranimada oo uu ka soo dhex xulanayo xisbiga markaas hormuudka ka ah (ugu kuraasta badan) Baarlamaanka; dastuurku wuxuu kaloo uu awood u siiyay Madaxweynuhu in uu soo xusho mudanayaasha Golaha Qaranka afartii sanaba mar iyo in uu u magacaabo shan gar-soorayaal (qaalliyaal, gar-qadayaal) Maxkamadda Sare.

Idaaro (maamul) ahaan dalka waxaa loo qaybiyay siddeed (8) gobol iyo soddon iyo lix (36) degmo; barasaabyada (Governatore-yaasha); guddoomiyayaasha gobollada iyo maamulayaasha degmooyinka waxaa magacaabayay Wasaaraddii Arrimaha Gudaha ee dawladdii dhexe. Heer hoose ahaan jagada keliya ee doorasho loo galayay waxay ahayd jagada duqa baladiyada (munishiimbiyada).

Guulihii xagga wax-qabadka ee fara ku tiriska ahaa ee xagga horumarinta bulshada ee ay saddexdii maamul ee dawladihii rayidka ahaa ay keeneen waxaa ka manaafacaaday oo keliya dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka. Tusaale ahaan waxaa dugsiyo (iskuullo) yar-yar laga dhisay magaalooyin ku yaalla Koonfurta; waxaa isbitaal laga dhisay magaalada Muqdisho; waxaa la dhisay jid laami ah oo isku xira Xamar iyo Afgooye. Hase yeeshee dawladdu way iska indha saabtay dadkii reer miyiga ahaa. Halkii uu ka shaafin lahaa dhibaatadii reer baadiyaha maamulkii ugu horreeyay ee uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa uu ka sii dudiyay (caraysiiyay,) dadkii xoolo-raacatada (reer-guuraaga, xoolo- dhaqatada) ahaa ka dib markii maamulkiisu kor u qaaday xaddiga (heerka) canshuurtii laga qaadi jiray xoolo- dhaqatada.

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Difaaca (gaashaandhigga) iyo maamulka waaxaha dawladda waxay ahayeen xagga kharash-garaynta (kharashka ka baxa dawladda) meelaha mudnaanta sare kaga jira qoondada miisaaniyadda dawladda. Taasoo loo turjuman karo in meelihii hal-bawlaha u ahaa koboca iyo horumarka bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo xanaanada xoolaha ay darajo hoose kaga jireen xagga kharash-garaynta dawladda.

Waxaa aakhiritaankii dhacday in loo arko dawladdu durdur amaba il ay siyaasiyiintu ku arooraan oo laga cabo, si fududna loogu tanaado. Taa waxaa daliil u ahaa tirada aan caqli-galka ahayn ee murashixiintii u hanqal taagaysay in ay kursi ka helaan Golihii Qaranka. Siiba waxaa sheegis gaar ah mudan ololihii doorashada ee bishii Maarso ee sanadkii 1969-kii markii murashixiin tiradoodu kor u dhaaftay kun (1000) murashax oo huwanaa magaca in ka badan lixdan xisbi siyaasadeed ay ku hamiyeen in ay galaangal u helaan Golihii Qaranka ee ka koobnaa 123-da xubnood oo loo arkayay goob ruuxii galaba uu ku hodmo. Waxaa la xusaa in tartamayaashii doorashada qaarkood ay ku kharash gareeyeen ololaha doorashada lacag qaddarkeedu gaarayo $30,000 oo doolarka Maraykanka ah oo u dhiganta lacag aad u tiro badan marka dib loo eego lacagtii waagaas ayadoo welibana la ogyahay in miisaaniyad sanadeedkii dalka Soomaaliya ee xilligaas ay ahayd qiyaastii $35 Malyuun oo doolarka Maraykanka ah.

Ururkii Dhallinyarada Soomaalida ee leegada ee xisbiga isu rogay (SYL) wuxuu ku guulaystay 73 ka mid ah 123-dii kursi ee uu ka koobnaa Golaha Qaranka. Libinta amaba guulaha xagga doorashada ee SYL waxaa badanaa loo tiiriyaa dib u qaabayn amaba wax ka beeddelid lagu sameeyay xeerarka nidaamka doorashada, xeerarkaasoo u hiiliyay SYL iyo weliba waxaa kaloo guusha SYL loo aanaynayaa adeegsiga maaliyaddii hanti-dhawrka qaranka oo ay xubnaha SYL aad uga dheefeen marka ay timaaddo maal-gelinta ololahooda doorashada. Dhacdooyinka lama illaawaanka ah waxaa ka mid ah in markii ugu horraysay ee uu Golaha Qaranku yeesho kalfadhigiisii ugu horreeyay ay dhammaan (marka laga reebo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo markii danbe noqday Ra’isul Waasaare) xubnihii aan horay uga mid ahayn SYL ay gebigoodaba ku biireen Xisbigii SYL iyagoo safkii ay ka fadhiyeen kuraasta Golaha Qaranka ka wada kacay una tallaabay saqxadii ay ay fadhiyeen xubnihii SYL si ay dib ugu soo ceshadaan kharashkii uga baxay ololaha doorashada oo ay welibana jagooyin uga ka helaan xukuumadda. Si loogu muujiyo qaddarin loona abaal mariyo xubnihii SYL u soo goostay ayaa waxaa la kordhiyay tirada jagooyinka Golaha Wasiirrada oo markeedi hore ahayd 12, waxaana laga dhigay 21 xaqiibadood, waxaana la abuuray manaasibta 10 wasiirro ku xigeen. Tallaabadan waxay Soomaliya u rogtay dal ficil ahaan leh hannaanka xisbiga keliya inkastoo la tilmaamo in ay Soomaaliya ka mid ahayd dimuqraadiyadihii ugu horreeyay Afrika ee yeelata nidaamka xisbiyada badan, haddana waxaa muuqatay in dawladdu xoogga saaraysay u adeegidda siyaasad-xisbiyeedka oo aysan isu abaabulin horumar qaran.

Dawaladihii Rayidka ahaa waxay soo af-jarmeen ka dib markii Madaxweynihii ugu danbeeyay ee dawladdii rayidka ahayd Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu magaalada Laascaanood ku toogtay mid ka mid ah ciidamada Booliiska. Lix beri ka dib dilkii marxuum sharkmaarke oo uu maamulkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhaxlay la tacaali waayay xaaladdii ka dhalatay dilkii Madaxweynaha waxaa xigay inqilaabkii (af-genbigii) ay ciidamadu xukunka kula wareegeen.

Qoraalkii Hore ee Qoraga.... GUJI

(La soco qayb kale (Soomaaliya intii u dhexaysay sannadihii 1969 ilaa 1991)

Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com


1 Golaha Sharci dejinta ee mustacmaraddii Italian Somaliland waxaa la abuuray sanadkii 1954-tii ee Wisaayadii Talyaaniga.

Golaha Sharci dejinta ee Maxmiyaddii British Somaliland waxaa la abuuray dhawr bilood ka hor is-raacii labada geyi ee sanadkii 1960-kii

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | May 22, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD