QURBA JOOGA REER-SOMALILAND IYO FIKRADOODA
SIYAASADEED
Hargeisa,Somaliland
SomalilandDiaspora
UJEEDO: TAAGEERO BUUXDA OO KU WAJAHAN BAYAANKA XISBIGA KULMIYE
Taariikh: May 27, 2003 | Faafin: May 30,
2003
|
Haddaan nahay qurbajooga Somaliland
waxaan taageersannahay go'aanka uu gaadhay xisbiga KULMIYE kuna saabsan in
miiska lasoo wada fadhiisto oo wada xaajood laysugu yimaaddo oo iyadoo wax
shuruud ah lagu xidhayn lana yahay laba xisbi(KULMIYE iyo UDUB) oo siman oo aan
cidina sidan xil qaran.
Sidaan la soconno Somaliland waxay ka guuraysaa nidaamka siyaasadeed ee Ku
dhisan qaab beeleedka waxaanay u guurnaynaa nidaamka dimoqraadiyadda ee Ku
salaysan habka talo wadaaga ee axsaabta badan. Waxaase nasiib darro ah In
nidaamkii cusbaa ee loo guurayey ay carqalad ku noqotay xukuumadda Maanta
talada haysaa. Waxay UDUB afduubtay masiirkii ummadda. Doorashadii lagalayna
waxaa ku guuldarraysatay UDUB, waxaana ku guulaystay xisbiga KULMIYE marka
xaqiiqada laga hadlayo. Waxaana marag madoon ah in natiijadii ay soo saareen
guddida doorashadu subaxnimadii sabtidii 19 bisha April, ay caddaynaysay in
xisbiga KULMIYE ku guulaystay tartankii, laakiin guddida doorashada lagu
dirqiyey inay xaqdarro sameeyaan taasoo ay tirooyinkii is dhaafiyeen oo guul
xaqdarro ah siiyey xisbiga UDUB!
Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa
Madaxweyne ah? M.Y.Garre |
Haddaba xaqdarrada halkaas ka dhacday waa mid
ay xusi doonto taariikhdu, isla markaana dhicis ku ah hannaan socodka
dimoqraadiyadda curdinka ah ee hadda dhulkeenna loo dhigay seeska cusub.
Xisbiga UDUB ee magacii xukuumadda Somaliland isticmaalayaa wuxuu isku dayeysaa
innuu majiiro habaabiyo bulshada taasoo ay eedayno raqiisa usoo jeediso xisbiga
KULMIYE. UDUB waxay kaloo isku dayeysaa inay danbabasto danbigay ka galeen
shacbiga codkooda dhiibtay ee codka aqlibiyadda ku diiday in xisbiga UDUB ee
hadda jirtaa talada sii hayso shanta sano ee soo socda. Waxaana UDUB ka
footeeyey in ka badan 58% marka la qiyaaso dadkii codkooda dhiibtay doorashadii
u danbaysay. Somaliduna waxay tidhaahdaa SAKAARO SAALO LA ARKAYEY AASTAA.
Waxaa kaloo UDUB ku kacaysaa falal dhan
ah shuuruucda dalka u yaal iyo xuquuqda adamaha, taasoo ay bilaabeen xadhig,
cadaadis, xaalad abuur iyo xasilooni darro aan loo baahnayn; iyadoo xaddiday
isu socodka caasimaddoo kale.
Waxay kaloo UDUB ayaamihii lasoo dhaafay bilaa sabab xabsiga ugu taxaabtay
dadka aan taageersanayn siyaasadda dawladda UDUB ka soo jeeda. Shacbiga
Somalilandna dhibaato badan bay usoo mareen xorriyaddan aan maanta haysanno
mana istaahilaan in taliska UDUB kula kacdo afcaashii laga diiday xukuumaddihii
ka horreeyey. Shacbiga Somaliland maaha caamiyo ee way la socdaan dhaq dhaqaaqa
dhanka ka ah danta guud iyo muslaxa ee ay ku kacayaan xibsiga UDUB.
Waxaan u aragnaa gef laga galay dimoqraadiyadda iyo garsoorkaba in Golaha
guurtida iyo golaha wakiiladu farageliyaan maxsuulka doorashada. Waxaanay ahayd
in ciddii wax tirsanaysaa la sugto inta lagu dhawaaqayo natiijada kamadanbaysta
ah subaxnimaddii Sabtidii. Laakiin taasi may dhicin dimoqraadiyaddii aan
hiigsanaynayna xaqdarraa loogu walqalay. Somaladuna waxay tidhaahdaa WADAANTA
ISHA KA QALOOCATAA, FAYLKAY LA TAGTAA.
Ugu danbayna haddaanu nahay dadka reer Somaliland ee qurbaawiga ah,waxaanu
jecelnahay in lasaxo khaladkaas dhacay si taas loo helana waxaan madaxda
xisbiga UDUB ka codsanaynaa inay aqbalaan baaqii uu soo jeediyey xisbiga
KULMIYE ee ahaa in miiska lasoo wada fadhiisto iyadaan cidina sidan darajo si
loogu helo xal waara khilaafka siyaasadeed hadda dalkeena ka jira. Waxaanu,
sidoo kale, bulshada reer Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan nabadda oo
ay iska dhawraan waxkastoo wax u dhimaaya xasiloonida. Ciddii aan ku
qanacsanayn maxsuulkii doorashada ay dareenkooda ku muujiyaan qaab deggan oo
miyir qabta.
Waxaan Eebbe ka baryeynaa inuu ina waajafiyo talada habboon ee
Cidkastaba u dan ah.
Wabilaahi Tawfiiq
Baaqan waxaa wadajir usoo qoray Jaaliyadaha Reer Somaliland ee ku dhaqan
dalalka hoos ku xusan.
United Kingdon
Holland
Sweden
Denmark
Norway
Finland
Australia
New Zealand
United States of America
Canada
United Arab Emirates
Saudi Arabia
Pakistan
India
Oman
Qatar
Qoraalka Kala Xirii:
Jama M.
JAMAM869@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar
u tahay qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk | May 30, 2003
|