Ka qayb galkii shirkii Sport& Dhaqanka
[Culture] ee Paris.
Waxaa maalintii isniintii 26-05-03 dalka
Norway dib ugu soo noqday gudoomiyaha ururka Sport& Culture ee dalka Norway
Mr Abdulgadir Mahad ( Turbashaash) isagoo ka soo qayb galay shir ku saabsan
Sport & culture ka dhacay magaalada Paris (France) isagoo masalayay dhamaan
dhalinyarada Somaliyeed ee dagan Europe.
Waxaa kaloo gudoomiyuhu masalayay xiriirka
Somaliyeed ee kubada miiska, halkaas oo ay ka dhacaysay ciyaarihii kubada
miiska ee dunida oo dhan. Waxa iyana halkaa yimid gudoomiyaha T.T ee dalka
Somaliya iyo laba cayaartooy oo ka socday Mugadisho, oo halkaa ka muujiyay
cayaaro aad u soo jiitay dadwaynihii daawanayay.
Waxa uu Mahad ka qaybgalay shirar aad u
balaaran, iyo doorashooyin lagu dooranayay madaxda masalaysa Africa, iyo meesha
la gu qabanayo sanadka danbe oo noqotay Qadar, halkaasna uu codkoodii ku siiyay
in ay Qadar noqoto meesha lagu qabanayo 2005ka, waxa uu isna casuumad ka helay
wadanka Qadar una hambalyaysay doorashada uu siiyay.
Mar aan hadaba gurigiisa ugu tagnay,
waydiiyayna waxyaabaha ay qaban doonaan bilahan soo socda waxa uu noo sheegay,
in ay dadaal wayn ugu jiraan in ay isku xiraan saxiibtinimada Magaalada
Hargaysa iyi Lillelhamar.
Hargaysa oo ay hada u doorteen magaaladii
nabada ee Africa.
Waxay jecelyihiin in ay ka keenaan koox isugu
jirta madax dhaqameed, fanaaniin, cayaartooy, iyo hooyooyin.
Waxuu kaloo noosheegay in ay ilaa iyo hada la
xiriireen, koox la yiraa walaalo Hargaysa oo uu madax u yahay Ahmed Al-ashar.
oo jooga magaalada London.
Waxay kaloo dadaal wayn ugu jiraan in ay
xiriirkoodii sii kordhiyaan , dhamaan ururada ka dhisan Norway, gaar ahaan
Somali-walfare (S.W.O) ururada dumarka iyo dhamaan dhalinyarada jecel dhaqanka
iyo sportiga.
Somali
Sport Culture waxay caawimaad ka heleen Europe, Post-bank, Reema1000, Riimi,
Maqaayadaha Somaliyeed, iyo dhamaan dhalinyarada Somaliyeed.
Somali Sport &Culture waxay deeq u
bixiyeen 25 kursi,2 miis, Hal sabuurad, 10 kumbiyuutar, qalimaad, iwm.
Waxayna inta badan ugu deeqeen Somali-walfare
Norway.
Waxay kaloo sanadkan ugu deeqi doonaan qalab
Sport Magaalada Hargaysa ( Somaliland).
Waxa kaloo uu gudoomiyuhu noo sheegay in ay
xubno farabadan ku soo biiri doonaan ururka, isaguna uu dhowaan wareejin doono
marka la gaaro bisha 30 Agust, oo ah mudadii ay uga ekayd sii haynta xilkan.
Wuxuuna aad u aaminsanyahay gudoomiyuhu nin xil qaaday eed qaad.
Waxa kaloo uu hadaladiisii ku daray in uu
jecelyahay in ay dhamaan dhalinyarada dhaqanka iyo Sportiga jecel ay ka soo
qayb galaan hawshan culus , lana saxo qaladaadkii hore, lana sii wado
waxyaalihii wanaagsanaa ee laqabtay.
Waxaanu ognahay dad badan oon ururkan ku jirin
oo runtii si aad iyo aad ah noo caawiyay, iyagoo waliba xil iyo dhaqaaleba ka
doonayn, xumaantuna ka dheertahay, wanaaguna ku badanyahay.
Waxa kaloo uu hadalkiisii ku sii daray, in ay
dhowaan tagi doonaan magaalada Danhaag ee dalka Holland iyaga oo gacmaha is
haysta, wiilal iyo gabdhaba, soona noqon doonaan iyaga oo gacmaha is haysta.
Waxaan halkaa joogi doonaa hal asbuuc, oo sidii aan halkan ugu soo dhaweeynay
reer Holland ay iyaguna noogu soo dhaweeyn doonaan halkaas. Waxaynan balan
qaadeen, soo dhaweeyn yaableh in aan ka heli doono reer Holland. Waxaan kaloo
halkaa ka baran doonaa, dhaqamada kala duwan ee dalka Norway iyo dalka Holland,
ciyaaro xiisa leh, cuntooyin macaan, hurdo raaxa leh. Iyo iyadoon marnaba lagaa
caajisin, waxaan kaloo la kulmi doonaa fanaaniinta Holland oo si wanaagsan noo
soo dhaweeyn doona.
Anaga waxaa nalooga baahan yahay dulqaad,
ismaqal, ixtiraam, wixii naloo garto in aan aragno, uguna mahad celino.
Wixii naga qaldama in aan marka aan soo noqono
is waydiino, anaga oo is maqlayna, qayladuna nagu yartahay.
Waxaadna ogaataa wax walba oo qalad ah in la
saxi karo, waa hadii uu dulqaad jiro.
Ururkani cid walba ayuu u furan yahay is qor
hadii aad rabtid in aad ka mid noqoto, la soo xiriir gudiga qaabilsan, hadii ay
ahaan lahayd kubada cagta ama dhaqankaba. Ogowna xilka adaa haya adiga ayaa
cida aad doonayso dooran kara qofkii aadan doonayna ka tagi kara, hadii aad
doonayso in aad ururkan aad wax ka ogaato ku soo biir, fikradaada dhiibo.
Waxaa mahadaa leh dhamaan dadwaynaha
Somaliyeed ee kaladagan dunida oo dhan, gaar ahaan kuwa aan jeclayn siyaasada
iyo midab takoorka.
By bile email bile123@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk | May 31, 2003
|