SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

DEDAAL LA'AANTA DIMUQRADIYADA IYO DUUFANADA SHUUCIYADDA EE QARNIGA

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

May 8, 2003

KAAH

Bilawgii qarnigan loogu yeedho (milleniumka) waxaa isdaba cararaayey xirfado ama aan si kale u dhigo eh hindisayaal aan ab iyo isir midnaba wadaagin, wuxuu ku bilaabmay cahdi Aabo u noqday Gacmo iskula tag iyo aniga ayaa kaa xoog weyn (Monopolism), ka soo bilaw akhristow seddex sanno ka hor markii sida aan kala go,a lahayn loogu dabaal degaayey qarnigani cusub ee Milleniumka ayaa waxaa Madaxweynahii hore ee dalka maraykanka BIN CLINTON wuxuu yidhi "waa in ay dimuqraadiyaddu noqoto mid sida xaamiga dabaylaha u dul marta bedweynta pacific ga iyada oo lagu sandulayn doono dawladaha madaxa adagleh ee aan ogolayn inay qaatan" 

dhadhansiga iyo nacawda aan samirka iyo siifada ay wadato dimuqradiyado ayaa runtii waxay noqotay mid u dhadhami wayday Aabayaasha Hantiwadaaga kelitalinimo ee ka jira dunida dacaladeeda dagalyo ka tirsan,

 akhristow, qaar kalana waxay u noqotay agab ay u mahad naqaan taasi oo ay farta ku fiiqeen falaadho sannado badan ku mudna, sandulayntii dawladda maraykanku hindistay waxay dhashay in dhaawacii inta aadamaha ku dhaqan dunidu ogyahay soo gaadha dalka maraykanka waxaa sannadkii 2001 bishii september sida aad ka dheragsantahiin dhulka lala simay daarahii dhaadheera ee isha u ahaa magaalada ganacsiga iyo siyaasadda ee Waddanka maraykanka ee Newyork waa (world trade center) iyo gurigii gaashandhiga ee maraykanka ee loo yaqiinay (pentagon), waxaana halkaasi ku naf waayey kumanaan kun oo qof iyo balaayiin dollar oo runtii aan dalka maraykanka abadan ka khasaarin xitaa cahdigii lagu jiray dagaalkii 2aad ee dunida, 

George W. Bush iyo maamulkiisa Republicans ku waxay diiradda isla markiiba saareen waddanka Afganistan, halkaasi oo uu saldhig ku leeyahay wadaadka la yidhaahdo OSAMA BINLADEN, bishii september dabayaqadeedii ayaa waxaa lagu soo dhaqaajiyey bedweynta loo yaqaano (Arab Sea) ee ku dheraran gacanka carbeed 8 sedeed markab oo midkiiba xanbaarsanyahay inka badan 2000 oo diyaaradaha nooca loo yaqaano B52, iyo B2, isla horaantii bishii october ayaa dawladda maraykanku iyo xulafadii ay hogaaminaysay waxay ku bilaabeen dalka afghanistan garaac aan joogsi lahayn oo xagga hawada ah iyada oo halkaasi ay ka geysteen khasaarooyin aad iyo aad u farabadan oo naf iyo maalba isugu jira,waxaanay xukunkii ka tuureen maamulkii islaamiga ahaa ee Taliban, balse nasiib darro kuma ay guulaysan in ay wadaadka ay tuhmayeen iyo shabakadiisaba ay gacanta ku dhigaan, 

QAABKA AMA HABKA UGU WANAAGSAN EE QORAALKA LOO QORO.... GUJI

maamulka Bush iyo xusbigiisa Republican party, waxay ku faanan hadda inay rukunada ugu aaseen dalka Afghanistan dawlad si dimuqradiyad ah loo doortay, halkaasi oo ay ka sameeyen saaxiib dimuqradiyadeed oo cusub, isla sannadkan aynu ku jira bishii april ayaa dawladda maraykanku waxay soo hor dhigtay golaha amaanka ee qaramada midoobay qaraar dhigaaya in xoog loo isticmaalo waddanka Ciraaq, kelitalinimadii 25 jirsatay ee Saddam Xuseen na lagaga takhaluso waxaa masuuliyinta dalka maraykanku ku tiraabeen inay ka samaynayaan waddanka ciraaq Nidaam bedel (Regime change),

isla sannadkani bishii march 22 keedii ayaa ciidamada maraykanka oo ay is kaashanayaan xulafadiisa waddanka Britain waxay dagaal ku qaadeen waddanka Ciraaq, waxayna muddo 24 cisho gudohood ah kaga takhaluseen nidaamkii 25 sanno ka badan ka talinaayey waddanka ciraaq ee saddam xuseen, isla markiiba waxaa loo magacaabay Jeneraal ka tirsan ciidamada maraykanka oo Retired ah inuu dhiso saaxiib cusub oo dimuqradiyadeed kaasi oo indho caafimaad qaba ay dalka maraykanka isku eegaan, 

akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline markaad dhinaca kale ka eegto qarnigani wuxuu ka tegay Siffo aad iyo aad u weyn oo lagu xasuusan doono, waxaa darmantii dimuqradiyadu cagaha hadda soo dhigtay cidhifka beri ee qaaradda africa waa dal yar oo muddo ka badan 30 sanadood ku go,doonsana Nidaam kelitalinimo hoosteed, balse su,asha akhriste la isweydiin kara ma tahay 12 sanno oo ay xorriyadd haysteen Somaliland shacbigeedu, ma la odhan karaa isbedel horleh oo loogu abaal gudo dhiigii u daatay iyo maatidii u nafwayday ayaa la sameeyey runtii jawaabta su,aashaasi oo fudud wuxuu noqonaya maya maya maya, waxaa kale oo taalla meesha dadkii u dagaalamay ee xoreeyey mansab intee le,eg ayey ku yeeshen Jamhuuriyaddii lagu dhawaaqay 18 May 1991,? 

akhristow 12 kii sanno ee dalkani jiray waxaa ka talinaayey dalka dad aan shacbigu u baahnayn, waa wajiyo ku barbaaray aafaynta hawraarta siyaasadeed iyo hindisayaasha dimuqradiyadeed ee la dejiyey, waxaa dalka ka hirgelay axsaab siyaasadeed oo runtii la odhan karo waxay matali karaan hanaan dimuqradiyadeed balse nidaamka hadda dalka ka taliya sideebu u dhaqmay codayntii shacbigu ay codkooga ka dhiibteen,? runtii waxaa lala bar bar dhigi karaa ficilkii ay ku dhaqaaqeen kal hore doorashadii uu Saddam Xuseen ka abaabulay dalka ciraaq taasi oo uu tusaayey beesha caalamku sida dadkiisu u jecelyahiin, taaasi oo sida lagu dhawaaqay 100% ay shacbiga reer ciraaq doorteen Saddam Xuseen inuu ahaado madaxweynaha dalka ciraaq abadan inta noloshooda ka hadhay xisbul bacath kii shuciga ahaana abadan uu ku waaro hogaaminta dalka, ciraaq, codbixintaasi oo loo adeegsaday kuna koobnaatay oo keliya dhawr boqol oo qof oo keliya kuwaasi oo matallay 17 milyan ee ciraaqiyiinta ah. 

"Xusbiga Udub iyo hogaamiyahiisa Daahir Riyaale Kaahin iyo dhamaan xubnaha ku xayndaaban haddii ay ka tanaasuli waayan khiyaamada ay shacbiga ku hayaan...." 
Diridhaba

Xusbiga Udub iyo hogaamiyahiisa Daahir Riyaale Kaahin iyo dhamaan xubnaha ku xayndaaban haddii ay ka tanaasuli waayan khiyaamada ay shacbiga ku hayaan cabsida iyo caja juglaynta loo gaysanaayo siyaasiyiinta iyo axsaabta siyaasadeed ee dalka waxaa aan leeyahay waxaa xukunka lagaaga tuuri doona tabtii Saddam iyo kelitaliyayaal badan oo uu ka mid ahaa Maxamed Siyaad Barre oo laftigagu aad ku qaadatay noloshaada badankeed inaad la shaqayso nidaamkii laga turay dalka ee Siyaad barre.

Waxaan usoo jeedinaya shacbiga Reer Somaliland inay ka dhiidhiyaan Nabarka la damqaayo ee mudada ka badan 50 sanno ka hor la dhaawacay, waxaan leeyahay waar dalka idiinka lahe cid idiin maamuli karta oo aad ku aamini kartaan waad u doorateene yaan la idin khiyaamayn.

Wa bilaahi tawfiiq.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

Kulaabo Bogga Hore....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD