Imisa qof ayaa Sannad walba u dhinta Sigaarka ?
Cabdulfataax Sheikh Cumar Caraale
ARALEVIP@hotmail.com
Madras,INDIA.
Sannad kasta waxa u dhinta sigaar cabista dad
gaaraya ilaa 2.5 million oo qof aduunka oo dhan, Maraykanka keliya ayaa waxa u
dhinta ilaa in kabadan 400,000 oo qof, iyada oo laga mam nuucay meelaha baaarar
ka ah iyo meelaha shaqooyinka iyo weliba in laga iibiyo sigaarka dadka da'doodu
ka yar tahay 18 jir, iyada oo dadku u dhimanayaan sigaarka ayaa haddana
shirkadaha soo saara ay ka helayaan faa'ido [profit] aad u badan .
Sidee bay u helaan faa'idadaas? Waxaa jira
intaas oo sharci oo ka soo horjeeda sigaarka sannadkii 1998 ayaa sharci la soo
saaray in aan sigaarka lagu cabin baarar ka [maqaayadaha], document laga helay
shirkada weyn ee Philip Morris ee sigaarka ayaa sheegtay in arintaasi u yeelan
doonto xaalad dhaqaale oo xun shirkadaha, sedex amaba shan sigaar oo uu yareeyo
qofka cabaa ayaa khasaaro ugu filan shirkadahaas oo wayaya lacag dhan nus
million dollar sanadkiiba.
Dedaal ay ku rabaan inay jeclesiiyaan dadka
sigaarka caba ee u ah macaamiisha ayay sameeyaan, beeno iyo waxyaabo khayaali
ah oo xayeysiina ayay soo bandhigaan si ay u soo jiitaan dadka caba sigaarka,
una sameeyaan dedaal ay hoos ugu dhigayaan kuwa ku ah mucaaradka ee soo saara
shuruucka ku lid ka ah, si ay u helaan faaiido.
Bal kawaran waxyeelada uu u gaysto sigaarku
caafimaadka qofka aan cabin?
Sannadkii 1993 ayaa waxaa warar shegeen in
qofka aan cabin sigaarka laakiin agtiisa lagu cabo uu ku dhaco sanbab xanuuna
uuna qaado cudurka Cancer-ka iyo laguna arko dhuunta oo cuduro ku dhacaan,
waxaana arintaas sii cadeeyey boqolaal baadhis oo la sameeyey, iyada oo ay
hadda leeyihiin shirkadaha sigaarku waxaas oo dhan ayaa been ah.
Philip Mosrris war uu sii daayey sanadkii 1987
ayuu ku sheegay in dedaalka ka dhan ka ah sigaarku uu 600,000 oo dhalinyaro ah
ka xanibay inay cabaan balwadaas sigaarka, sanadkii 1978 ayaa la sheegay in ay
ugu badan yihiin dadka caba sigaarka nooca Marlaboro dadka da'doodu ka yar
tahay 17 sanno iyo weliba kuwa dhigta iskuulada sare, waxaana la ogaaday in
sigaarku uu dilo in kabadan 20,000 oo qof Maraykan maalintiiba.
Mucaaridida sigaar cabida ayaa ah mid hadda
aad loo maqlo dalka Maraykanka.
Sigaar cabdidu waa dilaa dila dadka in ka
badan inta ay dilaan shilalka, cabista khamirga iyo weliba isdilka iyo AIDS-ka.
Shirkadaha sigaarka ayaan kala eegin qofka
waxa uu yahay ee laakiin waxay eegtaan doolarka jeebkooda kusoo dhacaya.
Qofkasta ayaa og dhibtiisa sigaarka iyo sida
uu wax u dilo, markaa waa inaan iskaga fogaanaa, ma igu raacsantahay akhristow?
Dalka Somalia ayaa uu sigaarku ka helay fursad
aan la maamulayn [control], iyada oo ay sigaarka cabaan dad aan yarayn oo aad u
badan oo dhalinyarada u badan, mana ku fikirayaan inay joojiyaan sigaarka xataa
ma yaqaanan inay kala baxaan qolka ay kujiraan ciyaalkoodu amaba qolka jiifka.
Badnaanta sigaarka Soomaliya waxaa sababay
iyada oo yar yihiin wacyi galinta halista sigaarku u lee dahay caafimaadka
qofka, Somaliya ma jirto hay'ado dawli ah oo xakeemeeya isticmaalka sigaarka oo
aan lahayn goobo xuduudeed uu ka xaniban yahay.
Cabista sigaarka ugu badan Somaliya waxaa aad
loo cabaa marka la cunayo Jaadka (qaadka)
Waxaa jira qaylo badan oo ka digaysa cabista
sigaarka ee Afrika, hay'ada caafimaadka aduunka ee marka la soo gaabiyo loo
yaqaan WHO ayaa sheegtay dhowaan in dadka Afrika ay cabaan sigaarka inta ugu
badan aduunka, waayo waxaa u geeysanaysa aqoon la'aanta iyo shaqo laanta ku
badan Afrika.
Shirkadaha sigaarka ka ganacsada ayaa ka
sameestay Afrika xarumo waa weeyn oo warshado ah, iyagoo ka soo cararaya
lacagta tirada badan ee dalalka horumaray ku soo rogaan canshuurta warshadaha
sigaarka soosaara, waxaana afrika ugu baaqda lacag badan oo ay ku bixin jireen
canshuurta, waxaana wax lala yaabo ah iyada oo aanay waxba ka qaban dowladaha
ka jira Afrika.
maamulada ka jira Somalia ayaan xil iska
saarin halista sigaarku ku hayo dadkooda gaar ahaan dhalin yarada, iyadoo ay
maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii badanayso dadka baranaya sigaarka dalka
Somalia, si gaara dhalinyarada.
Sigaarka oo guba amaba madoobeeya wejiga qofka
oo dila quruxda ilkaha ayaa waxa ugu daran ee uu keeno ay tahay cancer ka iyo
sanbabada oo madoobaada iyo weliba shaxaad aan xishood lahayn.
Waxaa qoray
Cabdulfataax Sheikh Cumar Caraale
ARALEVIP@hotmail.com
Madras,INDIA.
WASALAAMU ALIKOM ALL AKHYAARTA
Faafin: SomaliTalk | May 31, 2003
|