BAAQ IYO TALLO KU SOCOTA MUSHARAXA
MADAXWEYNAHA SOOMALIYA EE MENNEPOLIS
KU: JAAMAC KHALIIF
KA:
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
May 31, 2003
Marka hore walaal waxaad mudantahay salaamta
Islaamku isku salaamo "Asalamu Allaikum waraxmatulahi wa barakatu"
salaam ka bacdi, aniga oo dareensan culayska siyaasadeed ee aad xanbaartay
hadana waxaan jecelaystay aniga oo og inaad mashquultahay inaan dhawr tusaalood
kaaga muujiyo sida loo heli karo qaran Soomaliyeed, markaan jaamacow
Soomaliyeed ku leeyahay rag badan oo kaala qayb gellay xaflad lagu qabtay
mennipolis runtii sidii ay wax kuugu sheegeen aad ayey gaf balaadhan walaal uga
muujiyeen. waxaanay kugu tuureen haadan
dheer oo aan meel laga noqdo lahayn.
Marka hore waxaa xusid mudan in la is
aqoonsado oo la isku qiro oo la is aamino oo la is waafaqo, hadii taa la
waayana runtii waxaan u arka ragga maanta mennipolis kula degen ee ay ka mid
yahiin Cali Khaliif Galaydh, oo ay ka mid yahiin Professor Samatar, iyo ragg
kale in ay halmaameen horana ay u gees mareen hadafka rasmiga ah ee lagu dooni
karo Soomaliya, marka taa la is weydiinayana waxaa haboon in la ogaado waa
maxay qeexitaanka Soomaliya? tallow Soomaliya ma isku dirqiga iyo sanka iskaga
tollida dad aan is ogolayn oo hore isku eedayba? Soomaliya ma lagu heli kara
Waarya xunyahow xunku dhallay iyo khaldaanimadii dhiig karka badnayd!, runtii
taa ma jeclayn inaan uga faaloodo nin reer muqdisho ah balse buhoodle nimada
ayaa igu keliftay inaan ku tiraabo scenerio loo adeegsado Somaliweyn, walaal
waxaan ku weydiiyey Cali Khaliif Galayd waa nin Siyaasi ah oo muddo badan u
huray maalkiisa, iyo naftiisa sidii uu madax uga noqon lahaa Soomalia waxaanu
ugu yeedhnay Hargeysa oo ah xarunta Somaliland oo aan sinaba loogu inkiri karin,
waxaanu weydiinay Caliyow maanta waadigan oo waad tegaysa oo waxaad isu
sharaxaysa hogaan qaran ma waxaad kaga bilaabi inkiridda qaranka aad ka
dhallatay ee Somaliland? cali juuq iyo jabaq midnaba ma odhan, waxaa ku xigay
xikmadu u dhignayd
Walaac Anigoo ku seexday
maxaan walabahaar la toosay
wareer anigoo la liita maxaan
werwer jiifi waayey.
Maxaan sida weer cadhaysan
saqaa dhexe gaaf wareegay
intuu waqal ii hillacay
maxaan kula rooray weelka
u baydhay wadiiqo leexsan
wakhtigu i tilmaami waayey.
taasi macnaheedu waxay noqotay in cali khaliif
seegay wakhtigii tallada waayeelka Somaliland, waxaa su,aasho jaamacow tahay
maanta adiga oo Somalilander ah oo aynu wax wada dhisanay oo aynu qaran wada
yagleelanay haddii aynu midnimo wax ku doonayno walaal sidaa si ka quruxsan oo
shacbiga uga quruxsan ayaa lagu heli karaa, ogow Jaamcow riyadii been abuurka
ahayd ee Somalia 1960 ilaa 1991 waxaa dumiyey khariidadii loo jeexay oo la
baalmaray, laga yaabe inaad is tidhaahdo waa nin qadiyadaysan balse runtii waa
siday xaqiiqdu ku dhisantahay, anigu kama cabsi qabo inaad madaxweyn noqoto,
balse waxaa ka ayaan xun madaxweyne baal maray wadadii wax lagu heli lahaa.
Hadaba aniga oo ka hadafka iyo Masayrka
dawladda iyo shacabka Somaliland iyo ururka qiimaynta Qaranka iyo ka hortagga
duminta Somaliland oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa laguna dhawaaqay 20
january 2002 gudoomiyana u yahay Engineer Maxamed Xaashi Cilmi, waxaan kuu
caddaynaya halkani hadafka Somaliland iyo dawladda lagu dhisaayo magaalada
Eldoret ee kenya
1. Somaliland aqoonsan mayso lana fadhiisan
mayso qadarina mayso Dawlad uu madax ka yahay shakhsi ku abtirsada lixda gobol
ee Somaliland, waa Hargeysa, Togdheer, Sanaag, Sool, Saaxiil, iyo Awdal.
2. Somaliland aqoonsan mayso lana fadhisan
mayso meelna la istaagi mayso qadarina mayso dawlad ay ka dhex muuqdaan
danbiilayaashii danbiga ka gelay umadda reer Somaliland wajiyadaasi ama
ashkhaastaasi oo liis cad noogu qoran.
3. Dawladda Somaliland aqoonsan mayso meelna
la istaagi mayso, dawlad dafirsan qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland.
4. Somaliland aqoonsan mayso lana fadhiisan
mayso lana xaajoon mayso shakhsi danbi ka gellay Umadda Soomaliya (Koonfur)
5. Somaliland la xaajoon mayso lana fadhiisan
mayso aqoonsanna mayso dawlad ay ku jiraan golahii kacaanka ee wixii loogu
yeedhi jiray Soomaliyadii burburtay ee dimuqradiyadda lagu dhisay ee Siyaad
barre ka tallin jiray
6. Somaliland aqoonsan mayso shakshi ama koox
isku magacawda inay xukunka Somaliya matalaan oo aanay aqoonsanay badiba
bulshada Soomaliyeed sida kooxda Carta.
7. Somaliland waxay wada xajood la geli karta
a) dawlad ay dhiseen
b) dawlad mabdi,iyan aan ku noqonin caqabad nabadda iyo amaanka mandaqadda
beriga afrika lana dagaalanta argagaxisada caalamiga ah.
waxaan rajaynaya hadii aad u xayndaabatay
madaxnimada Somaliya inaad fulliso qawaaniinta kor ku qoran.
Wa bilaahi tawfiiq.
From: Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
QORAALADII HORE EE DIRIDHABA
-dhammaad-
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk | May 30, 2003
|