Abaaro Lixaad leh oo Kadhacay Soomaaliya
SOOMAALI LAGA TARXIILI LAHAA NEW ZEALAND OO
DIB LOO DHIGAY TARXIILKIISII
|
Abdikarin
Ali Haji oo ah 28-jir Soomaaliyeed oo laga tarxiili lahaa dalka NewZealand ayaa
dib loo dhigay tarxiilkiisii kadib markii sidaas ay maxkamadi xakuntay, waxaa
loo tarxiili lahaa Soomaaliya. Waxaa wararku intaas ku dareen in Soomaali
ku mudahaaradi lahayd garoonka Auckland oo
laga dhoofin lahaa ninkaas Soomaaliyeed in ay mudaharaadkii joojiyeen kaddib
markii ay maqleen in tarxiilkii Abdikarin dib loo dhigay. Tarxiilkaani haddii uu
hirgeli lahaa wuxuu noqon lahaa qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo laga
tarxiilo NewZealand.
Somali man's deportation halted by
interim court order
New Zealand Herald, New Zealand
... this is the first Somali who faced
removal from New Zealand.". America, Britain and
Australia all had a policy that it was not safe to remove anyone to Somalia
...
Somali
stays after court order - Nzoom.com
|
Waxaa kadhacay Abaar Xaalufisay Gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo Bari,
Taasoo keentay in Xoolihii noolaa Gabaabsi nodaan, kaddib markii Daaqii ka
dhamaaday dhulka.
Waxaa kaloo dhacday Biyo la’aan daran oo kajirta deegaamadaas iyadoo loogu
dhaamiyo Gawaari Booyado xambaarsan, Dadka intooda badani magadan karaan
biyahaas waayo Dhaqaalihii ayaa kuyaraaday Gacantooda maadaama isha keliya ee
wax soo saarkoodu kuxiran yahay uu ahaa Xoolaha Nool.
Waxaa yar meel haatan ay Xoola dhaqatadu hamiga kuhayaan inay u naqraacaan
iyadoo lasheegayo meelo kamida Xeebaha Bada India inay waxka cusbaadeen.
Waxaan waraystay qaar kamida ganacsatada Xoolaha Dhoofiya , waxay ii
sheegeen in Xoolaha maanta lakeenayo Boosaaso ay aad u liitaan, waxa kaloo laga
dareemay Magaalada Boosaaso Xoolihii Hilibka ahaa oo kuyaraaday iyadoo lagu
jiro Bishii Ramadaan.
Waxaa kajira Gobolada Puntland Olole Macaawino ee ladoonayo in Gurmad loo
sameeyo Reer guuraaga Jiilaalku soo foodsaaray, sida muuqata looma kala harin
inta waxgaradka sidii loogu hawl geli lahaa iyo Qaabkii laysaga kaashan lahaa
in Samafal loofidiyo Ummada Tabaalaysan,
Xaga Macayshadda Magaalada Boosaaso wax isbedelay majiraan markaan kahadlo
sicirka Raashinka—
- Bariiska Loorkii..$12.5,
- Sokorta Loorkii.. $15.
- Baasto Hal karton waa 10 Kg $12.5,
- Saliid Halkarton 6x3 Kg=18 Kg $13.
Laakiin waxaa kajira in Dhaqaalihii hoos u dhacay Maadaama dhoofintii
Xoolaha yaraadeen taasna waxaa sababay Abaarta kajirta Meelihii lagasoo
qaadijiray Xoolaha.
Sidaan wada ognahay Soomaaliya waxay soo martay Marxalad Adag iyo Colaad
foolxun, iyadoo aaney jirin waxsoosaar iyo Cid wax uqabatay, hase yeeshee
waxaa Alle kubadbaashey waxa kasoo gala Xoolaha Nool, ayagiina maanta waxay
qarka u saaran yihiin inay faraha kabaxaan, haddaan Allah badbaadin.
Allah waxaan kabaryeynaa inuu Colaada iyo Abaarta nagasaaro.
Wabillaahi Tawfiiq,
Maxud Maxed Ciise,
Qoraaga Zakada Maalka.... Guji
Booyadii Biyo ah
Waxay Gaartey $45-60
[Gargaar Degdeg ah Abaarta Kuhabsatey
Soomaaliya]
Hay'adda Almanhal waxay dhammaan umada
Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in gargaar degdeg ah loo fidiyo shacabka
Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay ee kaqaxaya miyiga oo....
Guji Nov 11
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com